WELCOME TO ALLGEDO ONLINE

Allgedo News, May 25, 2009

Jaalliyada Beesha Sade ee Holland oo Taageeray Shirka Columbus Ohio

 
Holland (AOL)
- Qaar ka mid ah Hogaanka Sare ee Jaaliyada Beesha Sade ee Dalkan Holland ayaa maanta waxay si wada jir ah usoo saareen go'aan ay ku taageerayaan Shirka Beesha Sade uga dhici doona Columbus Ohio, kaasi oo ay ku tilmaameen inuu yahay ifa-faale usoo baxay Dadweynaha Reer Sade ee degan Gobolada kala ah, Galguduud, Gedo iyo Jubooyinka.
 
Qoraalka kasoo baxay Jaalliyada Beesha Sade ee Holland ayaa waxaa sidoo kale lagu sheegay inay Somalida ku soo jirtay in mudo ah ijiid aan ku jiido, taasi oo ah mid gacmo daalis ah, waxaana maanta ay ugu baaqayaan Dadka Reer Sade ee Warbaahinta kusoo qoraya inay kasoo horjeedaan qabsoomida Shirkaasi inay ka fiirsadaan wadada lugooyada, sababtoo ah haddii ay maanta iyaga diidaan shirka ay soo abaabuleen walaalahooda kale, waa inay bari ku xisaabtamaan inay iyagana wixii ay la yimaadaan la laali doono.
 
Marka si taaasi looga baxo, waxaa muhiim ah in la joojiyo isku khilaafka danaha Beesha Sade, waxaana taasi haboon in si wada jir ah looga qeyb galo shirka dhawaan ka dhici doona Columbus Ohio, kaasi oo laga filan karo inay kasoo baxaan go'aano rajo ku abuuri kara Beel weynta Sade meel kasta oo ay joogaan, haddii ay wax qaldan yihiina oo ay qabaan dadka kasoo horjeeda shirkaasi waxaa iyana haboon inay ka dhex sheegtaan shirka oo ay qeyb ka noqdaan wax yaabaha laga wada hadlayo.
 
Jaaliyada ayaa sidoo kale waxay qoraalkooda uga hadleen xaalada Dalka Somalia uu maanta marayo gaar ahaan Gobolada ay kasoo jeedaan Beelweynta Sade, taasi oo u baahan in si taxadar leh looga dabaasho aafooyinka ka iman kara xiisadaha Dagaaal ee aan wadada laheyn, iyagoona ugu baaqay beelaha Sade ee jooga gudaha Dalka Somalia iyaga iyo Hogaankoodaba inay si wada jir aha uga tashtaan sidii la isaga dulqaadi lahaa dhamaan Maamul xumida iyo Nidaam la'aanta daashatay beesha.
 
Ugu danbeyntii, waxaa Jaaliyada Beesha Sade ee Holland ay rajo wanaag xoogan ka muujiyeen shirkaasi ka dhici doona Columbus, Ohio oo ay sheegeen inuu kusoo aaday xiligii loogu tala galay, maadaama bay yiraahdeen 20 sano ku dhawaad beesha isaga jirtay beylah iyo jaantaa rogan, waxaana dhinaca dadka wada shirkan iyagana ugu baaqeen inay si taxadar leh usoo dhaweeyaan dadka Beesha Sade inta taaageersan shirka iyo kuwa kasoo horjeedaba.
 



Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com



 

 

 

 

 

 



 

                            Allgedo  Online © 2006 - All Rights Reserved.                        
 Contact us at:
allgedo@allgedo.com