![]() ![]() ![]() ![]() ![]() |
|||
|
|
|||
Qeybaha kala duwan ee Bulshada
ku dhaqan Gobolka Gedo oo
taageero u muujiyey Shirka ka
dhici doono Magalada Columbus
ee Gobolka Ohio
Baardheere, Somalia (AOL) - Qeybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan Gobolka Gedo ayaa waxay sheegeen in ay si buuxda u soo dhaweynayaan Qabsoomida shirweynaha dabayaaqada bishani la filayo inuu ka furmo Magalada Columbus ee Gobolka Ohio, kaasi oo ay isugu imaan doonaan Xubno ka kala socda Jaaliyada dibada si ay uga wada hadlaan arimo la xariira deegaanada ay beesha ka soo jeeda oo dhibatooyin badani ay ka jiraan.
Shirkani dhowaan ka furmi doona magaalada Columbus oo mudooyinkanba qaban qaabadiisu ay socotey, si weyna looga hadal hayey meelo ay ka mid tahay Gobolka Gedo ayaa markii ugu horeysay waxaa si buuxda u taageeray, islamarkaana rajo wanaagsan ka muujiyey shirkaasi, xubno isugu jira Mas'uuliyiin Maamul, Odoyaasha dhaqanka iyo Waxgarad kale oo ku kala sugan degmooyinka Gobolka Gedo.
Gudoomiyaha Degmada Baladxaawo Axmed Maxamed Yuusuf (Burkuus) oo aan la xariirnay isagoo ku sugan Baladxaawo ayaa rajo wanaagsan waxaa uu ka muujiyey qabsoomida shirkaasi oo uu sheegay in mudo ahba in uu la socdey Qaban qaabadiisa, waxuuna tilmaamay shirkaasi ay isugu imaanayaan ergooyinka Beesha ee Qurba jooga ah in ay ka soo bixi doonaan natiijooyin wax ku ool ah.
Sidoo Kale. Nabadoon Gaarane Maxamuud oo ka mid ah Gudiga Nabad radinta Gobolka Gedo oo xaley wareysi siiyey Saxaafada ayaa waxuu sheegay Qabsoomida Shirkaasi in uu ahmiyad gaar ah u leeyahay dadaaladii nabada ee mudooyinkanba ay ka wadeen Gobolka, waxuuna ka codsadey xubnaha ka qeyb qaadanaya Shirkaasi in ay ka dhabeeyaan balantoodii ahayd in ay taageero dhaqaale ku bixiyaan shirkaasi, si buu yiri howsha loo bilaabo.
Baaqyo kale gedisan oo ku aadan arimaha Nabada Gobolka Gedo oo ay horey si gooni gooni ah u ugu soo saareen ,Gudoomiyaha Maamulka Islaamiga Gobolka Gedo - Sheekh Ismaciil Aden Xaji iyo Xildhibaan Maxamuud Sayid Aden oo matalayey Xubnaha DKMG ee ku sugan Dolow ayey labada dhinacba waxay ku muujiyeen sida ay diyaarka ugu yihiin in waxii khilaaf ah oo ka taagan Gobolka in lagu dhameeyo wadahadal nabadeed.
Si kastaba ha ahaatee, guud
ahaan Bulshada ku dhaqan Gobolka
Gedo ayaa waxay ka dhur sugayaan
qabsoomida shirkaasi iyo
qodobada ka soo bixi doona,
iyadoo natiijooyinka ka soo baxa
shirkaasina ay ku xirnaan
doonaan arimo badan oo ay ugu
horeyso dar dargelinta Howlaha
nabada ee iminka ka soconaya
Gobolka Gedo, taasoo bulshaduna
ay baahi weyn u qabaan.
Axmed
Cumar Saalixi,
Baardheere, Gedo.
Qoraaladii hore ee shirka
Columbus, Ohio ka hadlayay:
Wareysiyo isugu jira maqal iyo
qoraal oo lala yeelan doono
mas'uuliyiin ka tirsan
Qurbajoogta beesha Sade ayaa
maalmaha soo socda si isdaba
joog ah ugu soo bixi doona
shebekadaha Allgedo, Gedonet,
iyo Gedoweb
|
|||
|
Allgedo Online © 2006 - All Rights Reserved.
|