![]() ![]() ![]() ![]() ![]() |
||
|
|
||
Faalo:
BARRE HIIRAALE & RUNTA AAN KALA
KULMAY! Waxaan haatan joogaa Buula Xaawo. Laba habeen ka hor ayaan Dooloow ka soo noqday. Qoraalkan waxaan ku diyaarinyaa Computer uu leeyahay nin la yiraahdo Axmed Xuseen oo saaxiibkay ah. Markii aan gaaro xafiiskaygii ayaanan soo diri doonaa.
Barre oo aannu is barannay xilligii uu socday dagaalkii Gen. Caydiid Gedo looga saarayey, waxaannu is niqiinnay muddada intaa le’eg, waxaannuna ahayn welina nahay saaxiibbo, waxaanse aad uga xumahay in ka dib afar beri oo aan la joogey Doolow aan ogaadey in ay wax badan iska beddeleen Barrihii aan aqiinnay iyo sidii aan jeclaan lahaa in hoggaamiye Barre Hiiraale la mid uhu uu u dhaqmo waqtiga noocan oo kale ah. Miro barde cayayuub baa loo cunaaye, waxaan si guud u soo jeedinayaa in Marreexaan uusan Barre Hiiraale ka abaal dhicin oo inta arrinta sarkaalkaas laga shiro “honourable discharge” la siiyo, Barrena uu waqtigaa ka faa’iideysto oo uu aqbalo. Arrimuhu waa isaga dhex yaaceene Col. Barre waa in uu xoogaa soo nastaa, islana soo tacaalaa. Marka aan sidaa leeyahay, maahan in aanan laftaydu arrintaas u sheegin. Sidan ay u qoran tahay oo weliba faahfaahin wadata ayaan ugu sheegay, jawaab yarna xitaa kama helin. Runtii markii aan arkay meesha ay kala marayaan Barre iyo Itoobbiya, Barre iyo Maleesiyada Marreexaan ee dhiiggooda u soo daadisay, Barre iyo Odayaasha ree Sade, Barre iyo Siyaasiyiinta la ayniga ah ee Marreexaan iyo weliba Barre iyo madaxda iyo Golaha Maamulka Gobolka Gedo, ayaa waxaa ii soo baxday in siyaasadda odaygu ay hoos u socoto, maskax ahaanna ay jiraan wax khaldan. Waxaan mar kale soo jeedinayaa in arrintan inta aysan ceeb nala abtirsata keenin, in si deg deg ah loo xalliyo oo Col. Barre lagula taliyo bal in uu Nayroobidaan dhaw xitaa tago oo uu ku yara nasto.
Abdirizaque M. Daa’uud
|
||
|
Allgedo Online © 2006 - All Rights Reserved.
|