![]() ![]() ![]() ![]() ![]() |
||
|
|
||
Xisbiga Ha Noolaato oo War Murtiyeed ka Soo Saaray Xaaladda Soomaaliya
Xisbiga
Waddaniyiinta Soomaaliyeed ee HA
NOOLAATO oo todobaadkii hore lagaga
dhawaaqay magaalada London ayaa war
murtiyeed rasmi ah oo uu soo saaray
caawa kaga hadlay xaaladda dalka
Soomaaliya. Xisbigu war murtiyeedkiisaas
wuxu wer-wer kaga muujiyey xaaladda
maanta Soomaaliya ku sugan tahay. Waxa
kale oo xisbigu qoraalkiisa ku
cambaareeyey fara-gelinta qaawan ee ay
Soomaaliya ku hayaan waddamo dunida ka
tirsan. War Murtiyeedkaas
oo koobani waxa uu u qornaa sidatan: Xisbiga Waddaniyiinta Soomaaliyeed oo u taagan dhismaha qaran haybad leh, bulsho hodan ah iyo hannaan dowladnimo oo wanaagsan oo Soomaaliya ka hirgela wuxu cambaraynayaa falalka arxan darrada ah ee maalin walba ka dhacaya magaalada Muqdisho ee ay geysanayaan ciidamada Ethiopia. waxa kale oo xisbigu muujinayaa in uu aad uga xun yahay dhacdadii dhowaan ka dhacay magaalada Baydhaba ee lagu laayey shicib Soomaaliyeed oo jooga dalkoodii ay ku dhasheen. Waxaanu xisbigu ugu baaqayaa xukuumadda Ethiopia in ay ciidankeeda sida ugu dhakhsaha badan ugala baxdo Soomaaliya. Xisbiga Waddaniyiinta Soomaaliyeed ee HA NOOLAATO wuxu si mug leh u cambaaraynayaa falalkii isdaba joogga ahaa ee ciidamada Maraykanku ka fuliyeen magaalooyinka Dhuusomareeb iyo Dhoobley ee ay ku geeryoodeen shacabka faraha badani. Xisbigu wuxu u arkaa in arrintaasi ka soo horjeeddo Qodobka 2aad ee Axdiga Qaramada Midoobay (The UN Charter) oo dhigaya in dhammaan xubnaha Ururka Qaramada Midoobay ay ka joogsadaan in ay xiriirkooda caalamiga ah u isticmaalaan haddidaada iyo weeraridda dal kale oo madax bannaan ama ay ku kacaan ficil ka soo horjeeda ujeeddooyinkii nabadeed ee loo aasaasay Qaramada Midoobay. “All Members shall refrain in their international relations from the threat or use of force against the territorial integrity or political independence of any state, or in any other manner inconsistent with the Purposes of the United Nations” Sidoo kale Xisbigu wuxu si aan gabbasho lahayn u difaacayaa shacabka Soomaaliyeed sida Maraykankuba u difaacayo shacabkiisa. Xisbigu waxa kale oo uu cambaaraynayaa gabbood falkii ka dhacay magaalada Hargeysa ee shicibka deggan xaafadda Axmed Dhagax sida tooska ah loola dhacay xabbadaha nool. Xisbigu wuxu aammin san yahay in muwaadiniinta Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaanba leeyihiin dhowrsanaan, dembina ay tahay in dhiiggooda la daadiyo. Xisbigu wuxu ayidayaa warbixintii dhowaan ay soo saartay hay’adda u doodda xuquuqda insaanka ee Amnesty International, kuna saabsanaa tacaddiyada ay ciidamada Ethiopia ku hayaan shacabka Soomaaliyeed. Xisbiga HA NOOLAATO wuxu ka soo horjeedaa falalka ay caadaysteen maamulada iyo qab-qablayaasha Soomaalida ee dad nool loogu dhiibayo cadowgiisa. Arrintaas oo ka soo horjeedda Islaamnimada, dhaqanka soo jireenka ah ee ummadda Soomaaliyeed iyo qaynuunka caalamiga ahba. Waxaanu Xisbigu cambaaraynayaa dhacdooyinkii dhowaan ka dhacday magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo taas oo isirka ay ka soo jeedaan darteed gacanta loogu geliyey Ethiopia rag marti u ahaa goboladaas. Xisbigu wuxu taageerayaa go’aankii geesinimada lahaa ee odayaasha gobolada Nugaal iyo Mudug ay ku cambaareeyeen dhiibistaas cadowga loo dhiibay nimankaas Soomaaliyeed. Xisbiga HA NOOLAATO wuxu ka soo horjeedaa in muwaadiniin Soomaaliyeed lagu maxkamadeeyo dalka Faransiiska, arrintaasi waxa ay meel ka dhac iyo gacan-bidixayn ku tahay madax-bannaanida Soomaaliya (Somali State Sovereignty). Dowladda Faransiiskuna xaq uma laha in ay dadkayaga maxkamadayso sida annaguba aannaan u maxkamadayn karin dad Faransiis ah oo jooga dalka Faransiiska. Xisbiga waddaniyiinta Soomaaliyeed ee HA NOOLAATO wuxu soo dhoweynayaa dedaalada nabadeed ee dib u heshiisiinta Soomaaliya ee uu wado wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ahmedu Ould Abdalla. Waxaanu xisbigu taageerayaa dedaal kasta oo ummadda Soomaaliyeed u horseedi kara nabad iyo nolol, isla markaana soo afjari kara fara-gelinta shisheeye iyo dhaxal-wareegidda qaranimadii Soomaaliya. Ugu dambayn
muwaadiniitna Soomalaiyeed meel kasta oo
ay joogaanba waxa aannu xusuusinaynaa in
dhammaan dhibaatooyinkan iyo kuwa kale
ee ka sii badan ee ka dhacaya dalkeena
ay ku yimaaddeen bur-burka qaranimadii
weynayd ee Soomaaliyeed iyo kala
qaybsanaanta shacaba walaalaha ah ee
Soomaaliyeed. Sidaa darted Xisbiga
waddaniyiinta Soomaaliyeed ee HA
NOOLAATO wuxu ugu baaqayaa ummadda
Soomaaliyeed si ay u ilaashaadaan
madaxbannaanidooda halista ku jirta in
ay midoobaan, qalbiyadooda isu soo
jeediyaan una diyaar garoobaan soo
celinta qarankii weynaa ee Soomaaliya. Soomaaliya Ha
Noolaato.
|
||
|
Allgedo Online © 2006 - All Rights Reserved.
|