2    


SOMALI SERVICE
BBC 11:00 
BBC 14:00
BBC 18:00

Islamic centers
in California

Islamic centers
in Arizona

Worldwide Prayer Times

Somali Links
A
Afrikadabari
Abudwaq
Aftahan
Alldalka.com
Allpuntland
Allwadani.com
Allwaamo.com
Aminarts
B
Bakaaraha.com
BBC L. Af som/ga
Biyokulule.com
Buurhakaba.com
Buuloburde.com
C
adayga Cayaaraha.com Cadaado.net
Ceelbuurnet
Ceelbuur Online 
Ceelwaaq.com
D
Dayniile
Dhahar
Deeyoo

DjiboutNet
Diinsoor
G
Geeska Afrika
Goldogobsite.com
Goobjoog
H
Hadrawi
Halgan
Hiiraan Online
Himilo 
Hiiraan.com
I
Idaacadda Qur'anka
Israac
Islam East Africa
Idamaale
J
Jowhar.com
Jannaale
Jiimonet
M
Marka Caddeey
Mudug Online
Midgaan.com
Midnimo.com
S

Allgedo  News, January 6, 2008

Biyo la’aan Baahsan oo ka taagan Deegaanka Garileey oo ka tirsan Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo

Gariley, Gedo/Somalia (AOL) - Biya la’aanta soo food saaratay deegaanka garileey oo u dhaw xadka Somaliya iyo Kenya isla markaana ka tirsan Deg. Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa timid kaddib markii ay gureen ceel biyoodyada iyo warihii ku yiilay deegaankaasi taasoo maalmihii ugu danbeeysay ay dhibaatoyin kala kulmayeen dadka iyo duunyada deegaankaasi ku dhaqan.

Gudoomiyaha Deegaanka Garileey - Cismaan Faniin Buulle ayaa sheegay in dhibaatooyinka ka dhashay deegaanka ay sababtay in dadka iyo duunyadaba ay  isaga hayaamaan deegaankaas iyagoo beegsanaya halka uu Roob ka da’ay waxaana uu sidoo kale tilmaamy in deegaanda ka ag dhaw halkaasi ayan wax roob ah ka di’in sanadihii ugu dan beeyay.

Gudoomiyaha deegaanka Garileey ayaa intaa raaciyay in biyaha kaliya ee laga isticmaalo deegaankaasi ay ka yimaadaan deegaank wajeer ee gobolka woqooyi Bari ee dalka keenya oo booyado looga keeno iyadoo fuustadii biyaha ahna ay ka joogto 100 kun Shilling Somali ah, tasoo dadka intooda badani ayan awoodin in ay gataan Biyahaasi.

Ma’ahan oo kaliya deegaanada ay biyo la’aantu saameeyasay Garileey ee waxaa jira deegaano kale oo ay ka mid yihiin Fax Fax-dhuun, Siidimo, Kantama iyo deegaano kale oo ka tirsan degamada Baardheere ee Gobolka Gedo.

Mas'uuliyiinta deeganadaasi ayaa ugu baaqay in Hay’adaha samafalka iyo dowalada Somalia ay ka baaraan degaan sidii ceel biyood loogu qodi lahaa deegaanadaasi si looga gashaanto dhibaatooyin ka dhasha biyo la’aanta iminka jirta.


Axmed Cumar Saalixi, Baardheere-Gedo.



Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com

 

 

                            Allgedo  Online © 2006 - All Rights Reserved.                        
 Contact us at:
allgedo@allgedo.com