Allgedo News, May
14, 2008
|
Warqad furan oo ku socoto isbahaysiga
dibuxoraynta soomaaliyeed iyo
Ka:
Eng.
Idiris Hassan Farah
Ku: Gudoomiyaha isbahaysiga
dibuxoraynta soomaaliyeed
Ku: Gudoomiyaha golaha dhexe ee
isbahaysiga dibuxoraynta soomaaliyeed
Ku: Ururada bulshada ee
soomaaliyeed
Ku: Dagaalyahanada soomaaliyeed ee
isbahaysiga dibuxoraynta soomaaliyeed
Ku: Mmadax
dhaqameedyada soomaaliyeed
Ku: Culima awdiinka soomaaliyeed
Ku: Dumarka soomaaliyeed
Ku: Aqoon yahanada soomaaliyeed
Ku: Jaaliyadaha soomaaliyeed ee dibada
Ku: Dhalinyarada soomaaliyeed
Ujeedo: Khatarta
shirka Jabuuti
Madaxda sharafta leh iyo
bulshada qaybaheeda
muhiimka ah eey warqadaan sida tooska ah
oogu socoto waxaan lasocodsiinaynaa in
shirka jabuuti khatari kasoo socoto
hadii aan lagu baraarugin oon loo weecin
dhanka soomaalidu danta oogu jirto
Waa maxay Qatarta shirka Jabuuti?
1. Waa mid lagu marin habaabinayo rayulcaamka ayadoo la
duugayo godobta laga galay shacabka
soomaaliyeed iyo xasuuqo ciidanka
gumaysiga ethiopia ka wadaan soomaliya.
2. Waa dagaal siyaasadeed oo lagu sooqaaday isbahaysiga dib u xoraynta
soomaaliya iyo cid kastaa oo gumaysi
diid ah.
3. Waa qorshe lagu kala jabinayo laguna wiiqayo mucaaradka kasoo horjeedo
gumaysiga oogana yaraynayo culayska
ciidamada gumaysiga Ethiopia kala
kulmayaan dagaal yahaniinta soomaaliyeed.
4. In laga taakuleeyo kooxda imbigaati iyo ciidanka gumaysiga ethiopia dhanka
siyaasada maadaama oo kooxda iyo
shacabka soomaliyeed aragtida kukala
cararaan loona tuso shacabka
soomaaliyeed in kooxdaan ka shaqaynayso
danaha soomaalida.
5. Inay daba qabtaan qorshahoodii Embigaati ee lacagta badan kaga baxday
waxa lagu tilmaamo beesha caalamka
ayagoo qabanayo shirkaan jabuuti si loo
jaha wareeriyo
bulshada caalamka iyo soomaalida
labadaba.
Maxaa la gudboon isbahaysiga dib u
xoraynta soomaaliyeed iyo bulshada
inteeda indheer garadka ah?
1. Waxaa lagudboon
inaanan laga noqon qodobka ah inaanan
lala fariisan kooxda Embigaati ilaa
ciidanka gumaysiga ethiopia laga
saarayo soomaaliya ama la qeexayo markay
baxayaan.
2. In lala hadlo oo kali
ah beesha caalamka laguna adkeeyo inay
saaraan ciidamadaan gumaadayo shacabka
soomaaliyeed oo ay ayagu keeneen waa
hadii ay danaynayaan danta shacabka
soomaaliyeed.
3. Inuusanyeelin
isbahaysiga dibuxoraynta soomaaliyeed inay
kamid noqdaan dawlad ku sheega kooxda
Embigaati waayo kooxda Embigaati waxay
u badanyihiin basaasiin ka kaaf toomay
soomaalinimo iyo islaamnimo waana waxa
ay doonayaa kuwa lagu magacaabo beesha
caalamka ee danaha guracan kaleh dalka
soomaaliya.
4. In lagala hadlo
kooxda lagu magacaabo beesha caalamka
sidii arimaha soomaaliya loogu dayn
lahaa soomaalida isla markaana loosoo
afjari lahaa dagaalka soomaaliya ka
socdo oo ay ayagu qabta kayihiin.
Wada shaqayn wacan.
Idiris Hassan Farah
Chairman of Somali
Reconstruction And Social Development
ry (SORASOD)
|