|
|
Allgedo News, May
4, 2008
|
|
Ururka Midowga qurba joogta
Soomaaliyeed oo fariin adag u
diray Ummada reer Puntland |
Ururka Midowga
Qurba Joogta Soomaaliyeed, (USD)
ee saldhigiisu yahay Gobolka
Minnesota ee dalka Maraykanka,
wuxuu aad uga xun yahay
Canbaaraynayaana, dhacdada
murugada leh ee ka dhacday
Dhulka Puntland, in dad
Soomaaliyeed oo Jooga dhulkoodii
hooyo cadow loo gacan galiyo.
Waxaan Tacsi gaar ah u diraynaa
dhamaan eheladii iyo qaraabadii
ay kadhasheen dadka loo dhiibay,
Si guudna
waxaan ugu tacsiyeynaynaa Umada
Soomaaliyeed ee ka murugaysan
ficilkaan tiiraanyada leh.
Waxaan aad ugu Mahad celinaynaa
Culumada, Isimmada,
Aqoonyahanka, Siyaasiyiinta,
Ganacsatada iyo dhamaan
Waxgaradka reer Puntland ee
Baaqa Taariikhiga ah kasoo
saaray 04/28/2008 Gobalka Bari.
Baaqaas oo si toos ah u
cambaaraynayey iibsigii Itoobiya
laga iibsaday Maxamed Axmed
Caafi (Dhiirre), iyo Cabdi Nuur
Maxamed Sooyaan 04/22/2008 oo
ahaa dad Soomaaliyeed. Sidaa si
leeg waxaan ugu Mahad celinaynaa
Abdalla Jaamac Jibriil oo Bisha
May 2, 2008 BBC-da ka
canbaareeyey isagoo ku sugan
magaalada Gaalkacayo, sheegayna
inay talaabo ka qaadi doonaan
iibisaga sideeda dhalinyarada ah
ee Gaalkacayo laga qafaashay
loona dhiibay Gumaystaha
Itoobiya 05/02/08.
May 3, 2008
USD# 0003
Minnesota USA
Ku: Isimada Maamul
Goboleedka Puntland
Ku: Culimada Maamul
Goboleedka Puntland
Ku: Siyaasiyiinta Maamul
Goboleedka Puntland
Ku: Aqoonyahanka Maamul
Goboleedka Puntland
Ku: Ganacsatada Maamul
Goboleedka Puntland
Ku: Shacabka Maamul
Goboleedka Puntland
Ku: Maamul Goboleedka
Puntland
Ku: Shacabka reer Soomaali
Galbeed
Ku: Ururka Midowga Qurba Joogta
Soomaaliyeed
UJEEDO: BAAQ
Ururka midowga Qurbajoogta
Soomaaliyeed, kadib markuu
ogaaday dhacdooyinka foosha xun
ee soo noqnoqonaya ee ka dhanka
ah Islaanimada, Soomaalinimada,
Wadadhalashada, xiriirka,
isdhexmarka, iyo ganacsiga,
wuxuu ugu baaqayaa Ururku
Isimada, Culimada,
Aqoonyahanka, Siyaasiyiinta,
Ganacsatada iyo
dhamaan waxgaradka reer Puntland
inay joojiyaan, is hor taagaana
dadka Soomaaliyeed ee Maamulka
Puntland kagadanayo Dowlada
Itoobiya.
1. Isimmadu waa dadkii dhisay islamarkaana dhidibada utaagay Maamulka
Puntland, sidaa daraadeed waxaan
ugu baaqaynaa inay go'aan cad
kaqaataan dhacdadan foosha xun,
kana soo saaraan go'aan ay u
dhanyihiin oo ay ku hor
istaagayaan inaan qof danbe oo
Soomaali ah oo jooga dhulka
Puntland loo dhiibin Itoobiya.
Sidoo kale waxaan Isimmada ugu
baaqaynaa inay Maamulka Puntland
ku cadaadiyaan inay shuruud
la'aana usoo celiyaan dadka
Soomaaliyeed ee laga taxaabtay
Ciida Puntland. Isimmada waxaan
kaloo ugu baaqaynaa inay dowlada
Itoobiya fariin u diraan inay
joojiso falalka ka dhanka ah,
Soomaalinimada, wada dhalashada,
ganacsiga iyo daris wanaaga ee
ay ka wado shacabka reer
Puntland iyo shacabka Soomaali
galbeed dhexdooda, soona celiso
dadkii loo gacan galiyey shuruud
la'aan.Sidoo kale inay u
cadeeyaan inaysan reer Puntland
diyaar u ahayn colaad ka curata
shacabka
reer Puntland iyo shacabka reer
Soomaali galbeed dhexdooda,
ficilkoodana loo fasiran karo
isku dir.
2. Culimada Soomaaliyeed ee jooga Puntland waxay ka midyihiin
aasaasayaashii dacwada ka jirta
Soomaaliya, miisaan wayna waxay
ku leeyihiin bulshada dhexdeeda,
waxaan ugu baaqaynaa inay
cadeeyaan waxay diinta
Islaamku ka qabto u gacan
galinta qof muslim ah cadow aan
bad baadin doonin. Sidoo kale
inay Fataawa qoran kasoo saaraan,
kuna cadeeyaan xukunka qofka
dhiiba qof islaama wuxuu
noqonayo.
3. Siyaasiyiinta iyo Aqoonyahanka Puntland waxaan ugu baaqaynaa inay ka
hor yimaadaan dhacdadaan
ceebaysan ee aan qof damiir leh
ka suuroobin. Waxaan ugu
baaqaynaa inay ka hadlaan
Saxaafada gudaha iyo dibadaba
cadeeyaana Siyaasad ahaan
dhibaatada ay mustaqbalka reebi
karto dhacdadaanu. Waxaan u
sheegaynaa Siyaasiyiinta inay
arintani tahay fursad qaali ah
oo soo
martay, shacabka reer Puntland
iyo ummada Soomaaliyeedna ay ku
qiimayn doonaan barri mowqifka
ay ka qaataan arintaan.
4. Ganacsatada reer Puntland oo ah laf dhabarta dhaqaale ee Maamul
Gobaleedka Puntland, waxaan ugu
baaqaynaa inay dad waynaha u
cadeeyaan faa'idada ganacsi ee
laga helayo isku xirnaanta iyo
isu socodka Shacabka
Soomaali Galbeed iyo haduu
ganacsigaas istaago khasaare
intee le'eg ayaa ka imaan kara.
Waxaan kaloo ugu baaqaynaa inay
cadeeyaan inaysan raali kanoqon
doonin inuu Maamul kushaqeeya
canshuurta ay bixiyaan uu ka
ganacsado dadka Soomaaliyeed.
5. Shacabka reer Puntland ee nabada jecel waxaan ugu baaqaynaa inay ka
dhiidhiyaan taxaabida laga
taxaabayo dad Soomaaliyeed
Guryahooda, hadii si kale loo
dhigana iyaga martida u ah.
Waxaan ugu baaqaynaa inay ku
garab
istaagaan cidkasta oo arintaas
isu taagta sida: Isimmada,
Culimada, Siyaasiga, Aqoon
yahanka iyo Ganacsatada. Waxaan
kaloo ugu baaqaynaa inaysan ka
liidan lo'o gisida oo neefkii
bahal ka qabsado aan uga harin
ee inta kusoo rogmada qoob iyo
qaylo iyo gees kaga soo rita.
Waxaan idinku adkaynaynaa
inaysin dhicin in qof 11aad laga
hogaansado ciida Puntland.
6. Maamulka Gobaleedka Puntland waxaan ugu baaqaynaa inay ixtiraamaan
rabitaanka shacabka ay matalaan
iyo inay ilaaliyaan sharciga iyo
qaanuunka u
degsan Maamul Gobaleedka
Puntland. Sidoo kale waxaan u
sheegeynaa inay ogaadaan inay
ayagu qaadidoonaan masuuliyada
Natiijada ka dhalata ficilka ay
ku kacayaan. Gaar ahaan waxaan u
sheegeynaa inay ayagu masuul
kanoqon doonaan wixii dhibaato
ah oo shacabka reer puntland uga
yimaada ama kasoo gaara arintan.
7. Shacabka reer Soomaali galbeed waxaan ugu baaqaynaa in ay ogaadaan in
aan shacabka reer Puntland iyo
dhamaan ummada Soomaaliyeed
raali ka ahayn, kana noqon
doonin dhacdadan qalafsan.
Waxaan ugu baaqaynaa Shacabka
reer Soomaali galbeed inay ka
feejignaadaan hagardaamooyinka
cadowgu uga gol leeyahay inuu
dabka isugu dhiibo ummada
Soomaaliyeed, gaar ahaana labada
shacab ee walaalaha ah.
Ugu danbayntii waxaan
xasuusinaynaa dhamaan qaybaha
sharafta iyo ixtiraamka mudan ee
aan soo xusnay , in xil layska
saaro joojinta ka ganacsiga
banii'aadamka qardhiga kow iyo
labaatanaad, loona maro xalinta
mushkiladan
qaab waafaqsan shareecada
Islaamka Dhaqanka, Aqoonta
Siyaasada iyo Caqliga saliimka
ah.
Xasan Maxamed (Xasan Dhooye)
Gudoomiyaha Ururka Midowga Qurba
Joogta Soomaaliyeed
Minnesota, USA
unitedsomalid@gmail.com
|
 |
|
|
|
|
|