WELCOME TO ALLGEDO ONLINE

Allgedo News, October 5, 2008

Barcelona oo ku barbaratey Atletico Madrid, soona ciriirsatey kaalinta 2aad



Xavi, Messi iyo Gudjohnsen Naadiga Barcelona ayaa cashar lama ilaawaan ah siisay kooxda Atletico Madrid markii ay 6-1 gurigooda ugu direen.

Markii ay ciyaarta socotey 3 daqiiqo oo kaliya ayey Barcelona fureen tubadii ay goolasha ka burqanayeen iyagoo nuskii saac ee ugu horeeyey dhaliyey 5 gool marka lagu daro goolka A.Madridna ka dhigaya 6 gool 30kii daqiiqo ee ugu horeeyey.

Goolasha Barcelona waxaa kala dhaliyey Rafael Marquez (3), Samuel Eto'o (rigoore 6 iyo 18), Lionel Messi (9) iyo Eidur Gudjohnsen (28) halka goolka A.Madrid uu dhaliyey Maxi Rodriguez (13).

Qeybtii labaad uma fursado badneyn sidii qebtii koowaad hase yeeshee taageerayaashii reer Barcelona ee ku dhowaa 100,000 ayaa farxad iyo reynreyn garoonka kala dareeray iyadoo bandhigii goolashana uu soo xiray Henry rubi saac ka hor dhamaadkii ciyaarta.

Messi ayaa si gooni ah u farxad geliyey taageerayaasha Barcelona isagoo goolka uu dhaliyey ka sokow sigay gool kale markii uu kubad uu kasoo qaatey gudaha qeybta garoonka Barcelona lana soo dhex marey dhowr ciyaartoy ugu dambeyntiina ula yimid brrtaha A.Madrid Gregory Coupet hase yeeshee nasiib darro intuu is yiri ka dul qaad ay shabaqa dushiisa martey taasoo dhalisey guux iyo sawaxan xoogan oo gilgilay garoonka Camo Nou.

Barcelona waxey soo ciriirsatey kaalinta labaad ka hor kulamada maanta waxaana hogaanka haya kooxda Villareal oo shaly 2-1 ku dhufatey kooxda Real Betis.

Kulamada Maanta: Deportivo La Coruña - Numancia, Getafe - Almería, Mallorca - Sporting Gijon, Osasuna - Racing Santander, Recreativo Huelva - Málaga, Sevilla - Athletic Bilbao, Valladolid - Valencia, Real Madrid - Espanyol.


Waxaa Qoray wariye Mahad Maxamed Sheekh


Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com



 

 



 

                            Allgedo  Online © 2006 - All Rights Reserved.                        
 Contact us at:
allgedo@allgedo.com