Minnesota Somali Kenyans,
Kenyans, iyo saaxiibadood oo
Senator Coleman u soo gudbiyey
cabasho ku saabsan fowdada iyo
qalaalasaha doorashada Kenya
Minnesota, Minneapolis (AOL)
- Waxaa xafiiska Senator Coleman
maanta booqasho ku yimid
bulshada Reer Kenya oo
senatoorka ka codsaday inuu
gaarsiiyo dareenkooda iyo
fariintooda Washington DC iyo
State Department.
Gudoomiyaha ururka bulshada reer
Kenya ee Minnesota Dr. Siyad
Abdullahi iyo isku duba ridaha
ururkaas Dr. Ali Mahamed ayaa
qoraal iyo warbixint soo
gudbiyey. Minnesota waxaa ku
nool 10, 000 oo reer Kenya ah.
Sida ay sheegeen Dr. Ali iyo Dr.
Siyad in kabadan 300 ayaa la
dilay
boqolaal kun ayaa ka qaxay
guryahooda iyo kaniisadbaa dad
lagu laayey iyo in Masaajiddada
Muslimiinta Garisa iyo Mombasa
dad badan lagu badbaadiyey.
Sidoo kale maciishadda iyo
shidaalka oo yaraaday ama
qaaliyoobay.
Sidoo kale Soomaalida
Minnesotaba aad ayay uga
walwalsan yihiin
xaaladda Kenya ayagoo indhaha
iyo dhegahaba u taagaya Kenya
gaar ahaan Islii oo ay yaalaan
ukumaha iyo hantida iyo shacbiga
Soomaalida.
Waxaa xusin mudan mar kasta oo
meel cabsi iyo wel wel ama
xasuuq ka dhacdo in la dareemayo
xadaaradda diinta Islaamka
ayadoo aad mar walba maqlaysid
Rwanda masaajid ayaa lagu
badbaaday Kenya Muslimiin ayaa
dad kirishtaan ah badbaadiyey
iwm. Somalida nasiibkood
dagaalkii sokeeye ayada ayay ku
badbaadeen inkastoo aanan la
yarayn Karin tirada badan oo
dulmi iyo jaahilnimo loo dilay.