Allgedo News,
October 29, 2008
|
Cristiano
Ronaldo oo loo doortay
ciyaaryahanka sanadka
Cristiano Ronaldo ayaa sidii la
filayey loo caleema saaray
ciyaaryahanka sanadka ee FIFPro
oo ay codeeyaan ciyaaryahanada
aduunka ee ururkaas xubnaha ka
ah oo gaaraya 57,500.
Laacibiinta aduunka ayaa gartay
iney u codeeyaan in Ronaldo
yahay xidigii ugu wanaagsanaa ee
sanadkan isagoo 42 gool u
dhaliyey kooxdiisa Man.United
isla markaana u horseeday iney
ku guuleystaan horyaalka
Ingiriiska iyo kan kooxaha Yurub
ee Champions League.
"Waxaan u mahad celinayaa
Macalinka iyo dhamaan ciyaar
yahanada Manchester United iyo
kuwa Bortoqiiska, Qoyskeeyga iyo
dhamaan asxaabteyda har iyo
habeen taageerada ila daba
taagnaa" ayuu yiri Ronaldo.
Ronaldo waxaa aad loogu
saadaalinayaa in sidoo kale uu
ku guuleysan doono abaal marinta
ciyaaryahanka sanadka ee Yurub
iyo weliba kan aduunka.
Mahad Maxamed Sheekh/Allgedo
Sports commentator
Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com
|