|
|
Allgedo News, May
12, 2008
|
Shir dhawaan ka dhacay Degmada
G/harey oo looga dhawaaqay dalad
wax barasho oo la yiraahdo Gedo
Education Network (GEN)
Garbahaarey,
Somalia (AOL)
- Shir dhawaan ka dhacay magaala
madaxda gobolka Gedo ee
Garbahaarey ayaa waxaa looga
hadlay arrimo muhiim ah oo la
xiriira sidii loo heli lahaa
imtixaanaad iyo shahaado
muctarif ah oo loo sameeyo guud
ahaan ardayda wax ku barata
gobolka Gedo, gaar ahaan kuwa
dhameysta fasalka 8-aad ama kan
12-aad (Form Four.)
Waxaa shirkaas kasoo qayb galay
Hay'ado ay ka mid yihiin
NCA, TROCAIRE, HIRDA, EADO, ADA,
SADO, AMA, iyo SORDES, waxaana
la isku raacay in la samaysto
dallad wax barasho oo uu gobolka
leeyahay oo loo bixiyey Gedo
Education Network ( GEN), ayada
oo daladaasna Gudoomiye ku meel
gaar ah looga dhigay nin ka
socday Hay'adda HIRDA oo la
yiraahdo Cabdi-Dahir.
Tan kale, dallada waxay support
ka helaysaa ama ay
shahaadooyinka ka heli doontaa
Urur caalami ah oo loo yaqaan
African Educational Trust (AET),
ururkan oo isna dallada ka
caawin doona daabicidda
imtixaanaadka iyo sixiddooda,
bixinta shahaadooyin dugsi dhexe
iyo sare; waxuuna Ururku
xaruntiisa weyn ku leeyahay
UK.
Abdullahi Mohamed Hassan (Abdulahi
Shino)
Maamulaha Dugsiga H/dhexe ee
Degmada Luuq
|
 |
|
|
|
|
|