SOMALI SERVICE
BBC 11:00 
BBC 14:00
BBC 18:00

Islamic centers
in California

Islamic centers
in Arizona

Worldwide Prayer Times

Somali Links
A
Afrikadabari
Abudwaq
Aftahan
Alldalka.com
Allpuntland
Allwadani.com
Allwaamo.com
Aminarts
B
Bakaaraha.com
BBC L. Af som/ga
Biyokulule.com
Buurhakaba.com
Buuloburde.com
C
Cadayga Cayaaraha.com Cadaado.net
Ceelbuurnet
Ceelbuur Online 
Ceelwaaq.com
D
Dayniile
Dhahar
Deeyoo

DjiboutNet
Diinsoor
G
Geeska Afrika
Goldogobsite.com
Goobjoog
H
Hadrawi
Halgan
Hiiraan Online
Himilo 
Hiiraan.com
I
Idaacadda Qur'anka
Israac
Islam East Africa
Idamaale
J
Jowhar.com
Jannaale
Jiimonet
M
Marka Caddeey
Mudug Online
Midgaan.com
Midnimo.com
S

Allgedo News, May 31, 2008

Dhacdo la yaab leh!

Gabdhaha Aqoonta leh ee dalka Masar waxaa lagu yiqiin waayadii hore in ay xushaan oo guursadaan Ragga Dhallinyarada ah, aqoonta leh ee iyaga u dhigma, lana da'da ah, kana soo wada-baxeen Jaamacado, amaba wata Tacliin tooda ka sii sarraysa.

Laakinse, tirakoob la sameeyay dhowaan ayaa waxay soo ban-dhigtay arrin taas ka duwan oo ah gabdhihii aqoonta lahaa ee Jamacadaha ka soo qalin-jebiyay in ay si xoog leh ugu qamaamayaan guursiga Odayaasha da'da ah, Hantiilayaasha ah, aadkana ay u hooseyso aqoontoodu, ha ahaadeen Masaari amaba dalal kale ha u dhasheene. Waxaa shardi ah oo kaliya inuu Odaygu yahay "HANTIILE AQOON-YAR".

Daraasaddan oo Casri ah oo ay soo bandhigtay Wasaaradda Garsoorka ee dalka Masar ayaa waxay muujinaysaa in 200-kun oo hablood (Gabdho) oo Masaari ah, kana soo qalin-jebiyay jaamacadaha kala duwan ee dalkaas, amaba Shahaadooyin sare ka wata dalalka kale ee dibadda in ay guursadeen dhowaanahan Odayaal Beesa badan leh oo ay badankood yihiin Jaahiliin.

Tallaabadan la yaabka leh ee ay ku dhaqaaqayaan hablaha Masaarida ayaa lagu fasiray in ay tahay mid ay hablahaasu kaga hor-tagayaan oo kula dagaalamayaan shaqo la'aanta baahsan, saboolnimada jirta iyo guumaysnimo isa soo taraysa oo si joogta ah ula soo derista Hablaha Masaarida.

Daraasaddan ayaa waxay raacinaysaa intaas in is-guursiga noocan oo kale ahi ee danaha gaarka ah laga leeyahay, aanna ku dhisnayn "JACAYL", uu badanaaba ku dhammaado is-furid deg-deg ah iyo burbur qoyseed.

Sababta uu furriinka deg-degga ahi u yimaado ayay ragga wax-darsaa ku sheegeen isu-dhignaan la'aanta labada is-guursatay ee dhinacyada fikirka, aqoonta, Seykolojiyadda, baahida isu-galmoodka iyo dhinacyo kaleba.

Inkastoo ay sababuhu kuwaas ka mid yihiin, waxaa haddana ka mid noqon kara-sida ay Soomaalidu tiraahdo-"Muraadkiisa kaa hele, meel dheer ayuu kaa maraa"...!!



W/D:- Muxyaddiin M.Kaalmoy
kalmoi@hotmail.com




Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com


 

 

                            Allgedo  Online © 2006 - All Rights Reserved.                        
 Contact us at:
allgedo@allgedo.com