WELCOME TO ALLGEDO ONLINE

Allgedo, News, May 4, 2008

Cambaarayn Dawlad goboledka Puntland iibsashada ay iibsato taageeroyaasha jabhada OLNF

Somali Reconstruction And social Development ry  (SORASOD)   

Apajakuja 7 B 45

01600 Vantaa

idirishf@hotmail.com

www.srasd.net


Gudoomiyaha ururka SORASOD:   Eng Idiris Hassan Farah  waxuu  Cambaaraynayaa maamulka gobolada  waqooyi bare Soomaaliya ee isku magacaabo Puntland ka ganacsiga ay ka ganacsadaan taageerayaasha jabhada OLNF ee ka dagaalanto dhulka soomaali galbeed

Arintaas foosha xun ooy ku kacday kooxda damiirka daran ee  kataliso gobolada waqooyi bari ee  ka ganacsato muwaadiniin soomaaliyeed una dhiibto xukumada Manazanawi ee  kaligiis taliska ah  ee naxariista daran waan cambaaraynaynaa bahal nimadooda darteed iyo ka ganacsiga shacabka soomaaliyeed darteed.

Falkaas fulaynimada ah waan cambaaraynaynaa sida oogu xooga badan ayaan u cambaaraynaynaa

Sidookale waxaan oogu baaqaynaa kooxdaan ka taliso waqooyi bare ee soomaaliya inay joojiyaan ka ganacsiga taageerayaasha jabhada OLNF. 

ugu dambayntii waxaan  shacabka soomaaliyeed iyo inta nabada jecelba oogu baaqaynaa ayay la xisaabtamaan kooxdaan arxanka daran lana diwaan galiyo tacadiyada ay kula kacayaan taageerayaasha jabhada OLNF iyo dadka kaleba si loola xisaabtamo maalintii la gaaro xiligeeda.

Wada shaqayn wacan

Helsinki 5.5.2008


Gudoomiyaha Ururka  SORASOD
Eng. Idiris Hassan Farah

 






Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com



 

 



 

                            Allgedo  Online © 2006 - All Rights Reserved.                        
 Contact us at:
allgedo@allgedo.com