Allgedo News,
October 5, 2008
|
Didier Drogba oo
dhaawacmay, iyo Chelsea oo ay
murugo lasoo daristay!

Weerar yahanka caanka ah, ahna
kubad sameeyaha naadiga
Chelsea Didier Drogba
ayaa garoomada kubada cagta ka
maqanaanaya muddo lix todobaad
ah kaddib markii dhaawac culus
uu kasoo gaaray Cayaarta Chelsea
la gashay naadi ka dhisan dalka
Romania ee bar bar dhac ku
dhamaatay.
Baaritaano hor dhac ah oo lagu
sameeyay Laacibkaani Qaarada
Africa ka soo jeeda ayaa lagu
sheegay in dilaac uu ka galay
bowdada. Qeybtii
dambe ee Cayaarta ayaa garoonka
laga saaray laacibkaani iyadoo
gaari xanbaarka lagu qaaday.
"Didier Drogba
waxaa uu ku biiray liiska
laacibiinta dhaawacan oo
todobaadyo badan ka maqanaanaya
kooxda", sidaa waxaa lagu yiri
war ka soo baxay kooxda Chelsea.
Dhaawaca soo gaaray laacibkaani
Didier Drogba
ayaa dhar baaxo xoogan waxa ay
ku tahay kooxda Chelsea iyadoo
uu ka mid yahay laacibiinta
naadiga ku dhaarto.
Cayaarta uu shalay ku dhaawacmay
ayaa u aheyd markii sedexaad oo
uu kooxda u safto ka ddib markii
uu ka soo kacay qaliin horay
loogu sameeyay dhamaadkii
sanadkii tegay.
Waxaa Qoray wariye Mahad Maxamed
Sheekh.
Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com
|
 |
|
|