![]() ![]() ![]() ![]() ![]() |
|||||
|
|
|||||
Taariikh
nololeedkii Aadan Xaashi Ceyroow
Yusuf Garaad Omar - BBCSomali.com
Cayrow yaa yaqaan? Adan Xaashi Ceyrow waa nin
dhallinyar oo dhashay sannadkii 1976.
Weliba muuqaal ahaan waxaa uu u eg
yahay in uu intaa ka yar yahay, oo waa
caato madax xiiran. Sida raga kale oo kooxaha Islaamiga uma eka oo gar iyo shaarib midna ma laha, mana isticmaalin magacyada carbeed ee ay la baxeen qaar badan oo Shabaabka ka mid ah. Waxaa
lagu tilmaamaa in uu yahay nin ku
dheereeya tababbaridda malliishiyaadka,
iyo weliba abaabulkooda, taas
ayaana u sabab ah, in uu qaato magaca
ah Macallin Aden, macallinnimadaas oo aan loola jeedin
tan Quraanka, ee loola jeedo midda
dagaalka. Afghanistan Mar
aan kula kulmay Muqdisho, Macallin
Aden wuxuu qirtay in uu ku soo
tababbartay Afghanistan.
Macallin Aden waxaa magaciisu soo if
baxay, markii ay gurigiisa Muqdisho u
dheceen niman Soomaali ah oo ka baayac
mushtari jiray wadaaddada lagu
tuhunsan yahay in ay ku lug leeyihiin
hawlo argagixiso.
Xilligaas wuu ka maqnaa gurigiisa,
laakiin waxaa halkaa laga af duubay
laba nin oo kale. Aden waxaa uu markaa
sameystay ilaalo hubeysan. Dagaallada Soomaaliya Waxaa uu ka qeyb galay dagaalkii Itixaad ay ku qaadday gobollada woqooyi bari ee Soomaaliya horraantii sagaashamaadkii. Waxaa uu ku jiray dagaalkii Gedo ku dhex maray ciidammada Ethiopia iyo Itixaad bartamihii sagaashamaadkii. Waxaa uu ka mid ahaa raggii hoggaaminayay dagaalkii Maxkamaduhu ay Muqdisho uga saareen hoggaamiye kooxeedyada sannadkii 2006. Markii aan weydiiyay ujeeddadiisa ugu weyn ee uu dagaalka ugu jiro wuxuu ii sheegay in ay tahay in dalka lagu xukumo diinta Islaamka. Wuxuu isku sifeeyay in uu yahay nin aan dantiisu qabiil ahayn. Wuxuu tusaale iigu soo qaaday in 12 nin oo isaga ilaalineysa aanuu ku jirin mid keliya oo isaga ay isku reer yihiin. Wuxuu iigu muuqday nin ka duwan hoggaamiyayaasha malliishiyaadka ee aan hore ula kulmay. Wuxuu gashanaa dharka dagaalka, waxuuna sitay qori daba-laab ah. Waxay wada socdeen saddex nin oo isaga ku muuqaal ah, joog iyo lixaadba, isku sina u labbisan, saf simanna ku wada socda. Waxaa la iigu sheegay in uu diidi jiray in masawir laga qaado, anna kama codsan. Waxaan weydiiyay dadka Soomaaliyeed ee Islaamka wada ah sababta kallifeysa in qori loo qaato si Islaam loogu xukumo. Macallin Aden wuxuu yiri dadku wey doonayaan Islaam in lagu maamulo ee kuwa u diiddan oo ka hortaagan ayaan qoriga u qaatay. Markii aan weydiiyay ilaa iyo goorta ay soconeysana, waxaa uu yiri, ilaa ay Shareecadu hirgasho ama shafka ay xabbadi iiga dhacdo waan wadayaa. Macallin Adan, oo ka mid ahaa raga ay Maxkamaduhu aad u qaddariyaan, haddana waxaa uu ku jiray raggii ka goostay Maxkamadaha ee Shabaabka gooni u taagay. Waxaa uu doonayay in ciidammada Ethiopia oo jooga dalka Soomaaliya aan dagaalku istaagin. Waxaa
kale oo uu sideedaba diiddanaa in
dowladda Soomaaliya wax wadahadal ah
lala gelo maaddaama uu u arkayay in
aanay ku dhaqmeyn Shareecada. Isha Warka: Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da
|
|
|
Allgedo Online © 2006 - All Rights Reserved.
Contact us at:
allgedo@allgedo.com