![]() ![]() ![]() ![]() ![]() |
||||||
|
|
||||||
Aadan Xaashi Ceyrow oo xalay la dilay
Aadan Xaashi Ceyrow oo ka mid ahaa
madaxda Al-shabaab ayaa xalay lagu
dilay weerar duqeyn ah oo ciidamada
Mareykanku ku qaadeeen degmada Dhuusa
Mareeb.
Dad goob joogayaal ah oo ku sugnaa Dhuusa Mareeb ayaa sheegay in xalay weerar dhinaca cirka ah ay ku soo qaaday diyaarad kuwa dagaalka ah oo Mareykan ah guri ku yaalay degmadaasi oo la sheegay inay ku sugnaayeen xubno ka tirsan Shabaab. Mukhtaar Roboow oo ka tirsan Al-shabaab ayaa BBC u xaqiijiyay geerida Aadan Xaashi oo Ceyrow oo ku dhintay weerarkaasi ka dhacay Dhuusa Mareeb, isaga iyo dhawr qofood oo kale. Wararka qaar ayaa sheegaya in ugu badnaan sagaal qof ay ku dhinteen weerarkaasi duqeynta ah, iyadoo weli laga soo saarayo burburka dhismaha weerarka lagu qaaday meydad la sheegay inay ku hoos jiraan halkaasi. Afhayeen u hadlay Taliska dhexe ee Mareykanka oo la yiraahdo Captain James Graybeal ayaa xaqiijiyay in weerar lagu qaaday waxa uu ugu yeeray saldhig Alqaacida oo ku yaala Somalia, laakiin waxa uu diiday inuu faahfaahin ka bixiyo.
Isha warka: BBC
|
|
|
Allgedo Online © 2006 - All Rights Reserved.
Contact us at:
allgedo@allgedo.com