Muqdisho, Somalia (AOL) -
Labadan Diblumaasi oo ka tirsanaa
Safaaradda ay Liibiya ku leedahay
Soomaaliya ayaa maanta laga af
duubtay magaalada Muqdisho xili ay
ka adeeganayeen Suuqa Bakaaraha.
Diblumaasiyiintaan oo aanay noo
suurtagalin in aan helno magacooda
ayaanan ilaa iyo hadda la ogeyn
cidda af duubatay iyo sababta loo af
duubtay toona.
Ilo xog
ogaal ah oo ku sugnaa goobta uu af
duubka ka dhacay ayaa waxay sheegeen
in ilaa iyo hadda aanan la ogeyn
halka ay kooxaha af duubka geystay
la aadeen Diblumaasiyiinta, balse
waxay warar aanan la hubin
sheegayaan in 3 nin oo ku hubeysnaa
bastoolado oo uu afka u duubnaa ay
af duubteen labada Diblumaasi ee
reer Liibiya ah.
Dib
ayaan idinkala soo socodsiin doonaa
haddii uu rabi idmo wixii kusoo
kordha af duubka Diblumaasiyiintan.
Maxamed C. Cabdulahi, Muqdisho/Somalia.