Allgedo, News, April
26, 2008
|
|
Xubnahii ka socdey Baarlamaanka
KMG oo Maanta la hadley
dadweynaha Garbahaarey iyo
Tartankii doorashada Gobolka
Gedo oo dib loo dhigay |
Garbahaarey,
Somalia (AOL) -
Xubnahii ka socdey Baarlamaanka
DKMG ah ee Soomaliya oo
maalmahan ku sugnaa Magaalada
Garbahaarey ee Xarunta Gobolka
Gedo ayaa Maanta meel fagaaro ah
waxay kula hadleen Boqolaal
dadweyna ah oo ay ku jiraan
mas'uuliyiinta Maamulada
degmooyinka Gobolka Gedo,
Odoyaasha dhaqanka iyo waxgarad
kale gedisan.
Xildhibaanada ayaa ugu horeyntii
waxaa ay ka warbixiyeen ujeedada
ay u yimaadeen Maagalada
Garbahaarey oo ay ku sheegeen in
ay xambaarsan tahay dhowr
ujeeddo oo ay ugu horeeyso sidii
Bulshada Gobolka Gedo ay ugula
qeyb qaadan lahaayeen tartanka
doorshada Gudoomiyaha Gobolka
iyo ku xigeenadiisa iyo sidii
loo dhameystiri lahaa dib u
heshiisiintii horey loogaga dhex
wadey qaar ka mid ah Beelaha
Gobolka Gedo..
Dhinaca
kale, tartankii doorshada
Gudoomiyaha Gobolka iyo ku
xigeenadiisa oo lagu wadey in
maalinta Axada 27 bishan in ay
ka dhacdo Magaalada Garbahaarey
ayey xildhibaanada ka socda DKMG
ah ay dib u dhigeen ilaa
Talaadada oo ay taariikhdu ku
beegan tahay 29/04/08, sida uu
Allgedo u Xaqiijiyey Xildhibaan
Xasan Deer.
Dib u dhigan ayuu Xasan deer
waxaa uu ku micneeyey kulamo iyo
wada xaajoodyo ay la yeelanayaan
Odoyaasha dhaqanka iyo Wafdi
balaaran oo isugu jira Wasiiro,
Xildhibaano iyo Safiiro ka socda
Beesha caalamka oo uu sheegay in
ay goob joog ka ahaan doonaan
tartanka Doorshada, arimahaasi
ayuu sabab ugu dhigey in ilaa
talaadada in dib loo dhigo
doorashada.
Xilka
Doorshada Gudoomiyaha Gobolka
iyo ku xigeenadiisa ayaa ilaa
iyo hadda waxaa u sharaxan
Gudoomiyaha xiligaan ee Gobolka
Gedo Aden Ibraahin Aw-xirsi,
Xuseen Sh. cabdi Ismaaciil iyo
Jamaal Xasan Sarey, halka Ku
xigeenadana ilaa iyo hadda ay u
taagan yihiin Maxamed Axmed Cali
(Sanka), Maxamed Cabdi kaliil,
Maxamed Xuseen Buraale, Cabdi
Bare Cabdi, Cabdi Qataar, Fiilow
Isaaq iyo Sheekh Bare Cali.
Axmed Cumar Saalixi,
Baardheere-Gedo.
Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com
|
 |
|
|