SOMALI SERVICE
BBC 11:00 
BBC 14:00
BBC 18:00

Islamic centers
in California

Islamic centers
in Arizona

Worldwide Prayer Times

Somali Links
A
Afrikadabari
Abudwaq
Aftahan
Alldalka.com
Allpuntland
Allwadani.com
Allwaamo.com
Aminarts
B
Bakaaraha.com
BBC L. Af som/ga
Biyokulule.com
Buurhakaba.com
Buuloburde.com
C
Cadayga Cayaaraha.com Cadaado.net
Ceelbuurnet
Ceelbuur Online 
Ceelwaaq.com
D
Dayniile
Dhahar
Deeyoo

DjiboutNet
Diinsoor
G
Geeska Afrika
Goldogobsite.com
Goobjoog
H
Hadrawi
Halgan
Hiiraan Online
Himilo 
Hiiraan.com
I
Idaacadda Qur'anka
Israac
Islam East Africa
Idamaale
J
Jowhar.com
Jannaale
Jiimonet
M
Marka Caddeey
Mudug Online
Midgaan.com
Midnimo.com
S

Allgedo News, April 29, 2008

Doorashada gudoomiyaha gobolka Gedo oo maanta ka dhici doonta Garbahaarey iyo Degmada Luuq oo loo ogolaaday in ay ka qeyb qaadato doorashada

Garbahaarey, Somalia (AOL) - War mar dhow Allgedo soo gaaray ayaa waxuu sheegayaa in maanta oo ay taariikhdu tahay April 29, 2008 loo fadhiyo magaalada Garbahaarey sidii loo dooran lahaa gudoomiyaha gobolka Gedo.

Warku waxuu kale oo intaa uu ku darayaa in Degmada Luuq oo uu Afhayeenka baarlamaanka dowladda KMG ah Aden Madoobe qaab qoraal ah ugu diiday in ay ka qeyb gasho doorashada gudoomiyaha gobolka Gedo ee ka dhaceysa Garbahaarey hadda loo ogolaaday oo ay joogaan barta ay maanta doorashada ka dhaceyso oo ah caasimadda gobolka Gedo ee G/haarey.

Gudoomiyaha gobolka Gedo oo ay ku tartamayaan saddex musharax oo kala ah Aden Ibrahin Aw-Xirsi (Cirro), Xuseen Sh. Cabdi Iasmaaciil (Farey) iyo Jamaal Xasan Sarey ayaanan ilaa iyo hadda la ogeyn cidda ku guuleysan doonto jagada ay u tartamayaan oo ah guddoomiyaha gobolka Gedo.

Natiijada dhabta ah ee ku saabsan cidda ku guuleysan doonta gudoomiyaha gobolka Gedo ayaa waxaa la filayaa in ay soo bixi doonto maanta marka ay saacaddu tahay 12:00 ilaa 1:00 pm waqtiga gobolka Gedo.

Cidda ku guuleysata gudoomiyaha gobolka gedo iyo wixii faah-faahin ah ee arrintaan la xariirta kala soco shebekadda Allgedo Online.



Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com


 

 

                            Allgedo  Online © 2006 - All Rights Reserved.                        
 Contact us at:
allgedo@allgedo.com