![]() ![]() ![]() ![]() ![]() |
|||
|
|
|||
QURBA JOOG TASHATAY CIR WAA TOLI KARAAN KOLEEY TAAKO NOQOTAAYE!
SILICIYO DHIBAATADA SANADAHAAN LA SOO MARAY SIYAAD DOONA WAR SUNBAAD NA SIISEEN BAA SAWAXANKII KA YEEREE SAFARKII DHAWAAYEE DAWLADNIMO LAGU SAHMINAYEE WIIL INA SADAA BAA SIGAY SOOMAALI INUU HOGAANSHEE SABABAHAAS IYO KUWO KALE OONAN SII GALIN SOOMAALIYI SAXAN WEYNBEY U HEYSAA SADE INAY KU SOORTEE SAAKANA SOCDAALKAYAGU WUXUU YAHAY SAFAFKEENA OO LA SIMA IYO QURBA JOOGTA REER SADE HOGAAN SARE IN LOO HELO SUUBANOOW ILAAHOOW SAXANSAXO UDGOON SHIRKA COLUMBUS NAGA SII
Bismilaahi, nabadgalyo iyo naxariisi nabi Mohamed korkiisa ha ahaato. Inta aanan u gudbin qormadeydaan waxaan ilaahey uga baryayaa inuu janatu Fardowsa uu siiyo intii ku dhimatay dagaaladaan ka dhacaya gobalka Banaadir,Hiiraan iyo G/gaduud intii ku dhaawacantayna uu u boogadhayo. Waxaa maqaalkeygaanu uu ka hadli doonaa labadaan qodob oo kala ah: (a) Soomaalidu siday u aragto beesha reer Sade. (b) Shirkaan la filayo inuu ka dhaco “Ohio Columbus” May 28, 2009 oo ay ku wada xaajoon doonaan qurba joogta reer Sade. Haddii aan ku bilaabo qodobkeyga hore, waxaan shaki ku jirin in wakhtigii la joogo ama la soo marayba ay ka dhalaneyso taariikh galeysa diiwaanka, tusaale haddii aan u soo qaato 20-kii sanno oo umadda Soomaaliyeed ku baab’aday dagaalada sokeeye waxaa diiwaanka galay shakhsiyaad ama qabaa’ilo lagu bartay xumaan iyo ku tumashada xuquuqda, hantida shacbiga Soomaaliyeed. Waxaan muran ka taagneyn wixii Soomaaliya ka dhacay dagaaladii sokeeye in qof kasta oo Soomaaliya uu qeyb ka ahaa, waase la kala badsaday hagardaameeynta shacbiga Soomaaliyeed. Shakhsiyaad iyo qabaa’ilo ayaa ku sifoobay in aysan naf iyo maalba waxba hanbeeyn, qabaa’ilo kale ayaa lagu bartay in hogaanka sare qabashasiisa ay ku bixinayaan qiima kasta xataa haddii dalka oo dhan ay gacanta u galiyaan cadawga Soomaaliyeed ama dawlado shisheeye ah. Hadaba beeshaan Sade waa jiraan shakhsiyaad ka qeyb qaatay halaaga umadda Soomaaliyeed la mariyey waxaase beeshaanu si wada jir ah aysan uga qeyb qaadan hagardaamada loo geystay dalkii iyo dadkii Soomaaliyeed si kale hadaan u iraahdo beesha Sade kuma sii fogeyn ragaadkii ama qodaxdii muday shacbiga Soomaaliyeed. Waxaan arintaas daliil uga dhiganayaa beeshaanu marna caqabad kuma noqon 14-kii shire e dibuheshiineed ee Soomaalida loo qabtay, waxaa goob kasta oo Soomaalidu ku kulanto ay isla qireen in ay beesha Sade tahay “Moderate tribe” macnaha aysan ahayn xag jir ay ka go’an tahay in shacbiga Soomaaliyeed lagu tuuro haadaan dheer. Waxaa kheyr allaha siiyee suugaan ku cabiray abwaan Abshir Bacadle isagoo ku hadlaya afkii umadda Soomaaliyeed isagoo leh “War duqii doona ducana ugu dara waad na dilateene”. Waxaan kale oo markhaati uga dhiganayaa doodeydaan in beesha Sade aysan 12-kii shir ee dibuheshiineed ee Soomaalida loo qabtay aysan isu soo taagin hanashada hogaanka sare ee shacbiga Soomaaliyeed. Waxay isu soo taageen doorashadii 2004 Kenya lagu qabtay iyo doorashadii ka dhacday Jabuuti 2008 waxayna labadaas doorashaba sigeen raggii beesha Sade ahaa oo isu soo taagay jagadaas lagu hogaaminayo ummadda Soomaaliyeed, arintaanoo loo fasiran karo in shacbiga Soomaaliyeed uu u gudbiyey fariin beesha Sade oo oraneysa “Xoriyo waad geeysaan waadna guursan kartaan”. Hadaan hada u gudbo qodobkeeyga labaad oo ah shirka loogu qaban doono “Ohio Columbus” qurba joogta beesha Sade ee dhici doona bisha May 28,2009, waxaan qabaa in haddii shacabka Soomaaliyeed ay xurmad u hayaan reer Sade in markaas beesha Sade ay ka gudbaan hogaan la’aantii kala danbeyn la’aantii loona gudbo ismaqal, horumarinta bulshada Sade gobolada ay ku nool yihiin loona wada shaqeeyo si “Organizational-ah”oo xilalka iyo shaqadu qeybsan tahay. Waxaan shaki ku jirin haddii hal qooys ama hal qabiil uu hagaajiyo maamulkiisa iyo kala danbeyntiisa uu wax ka tari karo soo dibu soo nooleyntii qarankii Soomaaliyeed, dhinaca kalana haddii hal qooys ama hal qabiil uu ku jiro fawdo iyo ismaqal la,aan uu sii fogeynayo jaahwareerka iyo halaaga shacbiga Soomaaliyeed ku jiro. Waxaan leeyahay qurba joogta beesha Sade waxaa la soo gaaray wakhtigii caqligu shaqeyn lahaa oo hogaan mug leh loo sameyn lahaa qurba joogta, waxaanan hubaa maadaama dhaqaalaha ugu badan qurba joogtu ay u diraan dadka gudaha ku nool in ay talo wax ku ool ahna ku yeelan karaan guurtida gudaha ku nool haddii ay mideysan yihiin. Waxaan mahad balaaran u soo jeedinayaa walaalaha wakhtigooda qaaliga u horay qaban qaabada shirkaan oo muddo sadex bilood ah ku jiray abaabulkaan waxaanan leeyahay tixdeydii ahayd: “Suubanoow ilaahow Saxansaxo udgoon shirka Columbus naga sii”.
Wa
Bilaahi Towfiiq.
|
|||
|
Allgedo Online © 2006 - All Rights Reserved.
|