WELCOME TO ALLGEDO ONLINE

Allgedo News, May 24, 2009

Ururka Sade Youth Connection (SYC) wuxuu baaq u dirayaa dhamaan wax garadka beesha Sade in ay hiil iyo hooba la garab istagaan qabsoomida shirka Columbus, Ohio ka dhici doona

By Maxamuud Dacar
 
Marka hore naga  gudooma salaanta islaamka asalaamu caleykum:
 

Marka xigta Waxaan go'aan sanay marki aan wada tashi weyn  sameynay hadii aaynu nahay ardayda iyo aqoonyahanada ku abtirsade beesha Sade ee ka waxbarata wadamada kala ah Pakistan, Sudan,Yemen, India, Maser, Sacudi arabia, Malisia, iyo gudaha wadanka sida Moqdisho, Kismaayo, Bardheere.  Waxaan go'aan sanay in aan wax ka dhahno arrimaha ay  warbaahinta qaar soo bandhigeen oo ku saabsan shirka beesha Sade ee lagu qaban doono magaalada Columbus ee gobolka Ohio.

Runtii anagu uma nihin xog ogaal ama goob joog halka ay wax ka socdaan, balse hadii aan cabiro aqliga illahay nasiiyay iyo cilmiga aan baranay waxay nala tahay in aan waxba laga oran karin gaar ahaan xumaantiisa shir aanan weli dhicin, balse wixi la sheego waxay noqon karaan un sadaalin.

Sadaalinta waxay dadka usoo kordhin kartaa in la fisho halka uu dhacaayo shirka, hadaba warbaahinta ama shaqsiyaadka donaayo in ay shirka kula dagaalamaan warbaahinta ma waxay xaq  uleeyihiin in shirka oo aan dhicin ay xumaantiisa shegaan?

Hadii aanu nahay ardayda iyo aqoonyahanada ku mideysan Ururka Sade Yourh Connection (SYC) ee ku sugan wadamada aan kor ku soo xusnay  waxaan qof kasta oo ka tirsan beesha Sade u sheegeynaa in uu xasuusto sharaftiisa iyo tix-galintiisa oo aan laga hor imaan qof walaalkiin ah oo ku fikiray in uu ka shaqeeyo hormarka iyo wadatashiga beesha oo aan loo arag in uu yahay qof ka hor imaanaayo wanaaga iyo wax wada qabsiga.

Waxaan ka codsaneynaa shaqsiyaadka u tafa xaytay in ay dhaleeceeyaan qabsoomida shirka ay ku balansantahay beesha Sade in ay joojiyaan baahinta iyo soo badhigida shirkaas xumaantiisa.

Waxaa kale oo aan ka codsaneynaa shaqsiyaadkaas in ay soo bandhigaan hiilada iyo garabka looga baahanyahay iyo wanaagana ay sheegaan oo ay u baahantahay beesha Sade.

Sidoo kale, waxaan u cadeynaynaa cid kasta oo danaynaysa hormarka iyo wadatashiga goboladaas ay beeshu degto in aan looga seexan shaqsi intuu computer dhigta gurigiisa hadana soo qora wax aan ka turjubeyn beesha.
Waxaa kale oo aan u cadeynaynaa shaqsiyaadkaas in ay ka waantobaan hagar daameynta shirka iyo wadatashi u diidka beesha.
 
Runtii waa wax laga xumaado waxay ay shaqsiyaadka shirka Columbus, Ohio ka dhici doona dhaleeceynaya ama kasoo horjeeda, waxayna taasi u horseedaysaa beesha Sade in aanba loo ogaleen wax hormar ah ama wada tashi ah.

Waxaa hadaba wax aad loola yaabo ah waxa qaylada iyo qayladhaanta keenay xiligaan oo dadka ku nool ama ka soo jeedo gobalada kale ah Gedo, Galgaduud iyo Jubboyinka ay baahi weyn uqabaan in la helo isbadal weyn oo lagu diirsada kaas oo la dhihi karo beesha Sade meel kasta oo ay jogtaba shirka ka dhacaayo Mareykanka wuxuu u noqon karaa tilaaba hormar leh waa hadii sida ay tahay loo abaare.
 
Waxaynu leenahay "shaqsiyaadkaas aan kor kusoo sheegay ee shirka kasoo horjeeda ama warar aanan jirin oo borobogaan ah shebekadaha kusoo bandhigaya waa  dhagar qabeyaal, qayladu ka fog intaasi maxaa idiin qarsoon oo hagardaamo ah baad soo wadaan?

Shaqsiyaadka shirka Columbus, Ohio kasoo horjeeda waxay isku dayayaan  in ay maqashiyaan warar aanan jirin oo ku saleysan borobogaando raqiis ah bulsha weynta beesha Sade intooda isticmaasha warbaahinta internetka.

Waxay kale oo ay xusayaan in shirkale la cilaamiyo, waxaynu leeenahay "goormey noqdeen dad sharciga dhowra, maxaase keenay qaylada iyo qoraalada nocaas oo kale  ah?  Ma waxay donayaan in la jooga oo aanan laga dhaqaaqin halka ay ku sugantahay beesha Sade maantay sida: tacliin liidashada, cafimaad liidashada iyo maamul liidashada?, ayada oo ana ognahay in waxaasoo dib u dhac ah waxa keenay in ay tahay in aanay beeshu si quman oo istixgelin leh aanay aayaheeda marnaba uga tashan,  taasina hada ay inoo cadaatay in ay jiraan shaqsiyaad tan mid lamid ah donaayo oo aan rabin in beesha ay si toos ah u tashato.
 
Gabagabadii iyo gunaanadkii, Ururka Sade Youth Connection (SYC) wuxuu baaq taageero ah u dirayaa dhamaan wax garadka beesha Sade in ay hiil iyo hooba la garab istagaan qabsoomida shirkaas iyo qaadashada qodabada ka soo bixi doona shirkaas.

Sidoo kale, waxaan baaq midkaas la mid ah u direynaa maamulka Gobalka Gedo ee Islaamiga ah in ay qataan wixii ka soo baxa shirkaas kana shaqeyaan hormarka bulshada beesha Sade.
 


Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com



 

 

 

 

 



 

                            Allgedo  Online © 2006 - All Rights Reserved.                        
 Contact us at:
allgedo@allgedo.com