WELCOME TO ALLGEDO ONLINE

Allgedo News, May 22, 2009

 

Talo raac noqo ama talo keen noqo

Waxaan halakan u dirahayaa bogaadin iyo hambalyo waxgaradka reer Sade ee qabanqaabiyey shirweynaha nagu soo fool leh ee lagu qaban doono magaalada Columbus, Ohio.  Taa dabadeed, anigu shaqsi ahaan ma ahi qof qabiili ah laakin waxaan rumeysanahay haddeey isu habarwacashadeena aay waxtareyso dib u dhisidda iyo horumarinta gobollada aan dhalyo
ahaan ka soo jeedno, waxaan diyaar u ahay inaan intii karaankeey ah aan gacan ka geysto. War reer Sadoow miyaad diiddan tihiin inaan iskaashano oon gobolladeeni horumarinno? Waxaan ku kalsoonahay ineey jawaabtu
tahay maya, kolka mugdiga nagu kala jira maxaan isaga saari la'nahay?  
Waxaa in muddo ah soo jiitamaysey bal aan madal isugu nimaano oon lafogurno caqabadaha na hortaagan.Taasi waxaad mooda ineey soo dhaboobeyso oo haddii Eebe ka raalli noqdo, la isu imaan doono
5/28/09.

Marka Walaalayaal, wakhtiga yaanan isaga lumin wax raad iyo cirib toona lahayn oo kala jabkeena abuurahaya ama sa'dinahaya. Waxaa igu maqaala ah, in la wado propaganda lagu kala jabinahayo lafaha kala duwan
ee Sade ka kooban yahay.Anigu kolleey iima kala soocna lafta uu yahay, iyo bahda uu yahay qofkii Sade ku abtirsada. Sade inuu hal yahay baan ogahay, intaasaana uga harey wareysiga noocaas ah.  Waxaa igu maqaala ah in dacayad raqiis ah socoto oo ah hebel baa jago isu raba iyo hebel baa la caleema saarahayaa.

Soomalidu waxay ku maahmaahdaa ninkii hoyadey guursadaa waa adeerkey, cidkastaba ha hogaamiso hayaankaan dheer een gobolladii lagu dhisahayo, kolka maxaa ka quseeya danteena guud cidduu ka yahay Sade qofka na hogaaminahaya.

Waxaa igu maqaala ah in qaarkeen shirka uga soo horjeedaan, la iima yeerin. Yaad ka sugeysaa inuu ku casumo? Haddaad talo wax ku ool ah hayso soo bandhig oo imow, cidna marti ugama tihid madasha beeshu go'aamada ku gaarahayaan.  Maantaan soo gaarney bilawgii hayaankeena horumarineed ooy beela kale gaareen sannado ka hor,Ilahay baan idinku dhaarshe u naxa masaakiinta colaada iyo cunto xumida aafeyeen ee ku sugan gobolladii. U fududeeya dhalinyaradaan barakeysan ee wakhtigooda qaaliga ah u hibeeyey fulinta saanqaadka isku fillanshaha beesha.
Dhallinyaradaan waxay ka maran yihiin caajis, cabsiin, shaki, welwel, dib u
gurasho, isu godid, niyad jabin, laandheeraan ahay, laangaabaan ahay. Waxaa u cad talaabada taarikhiga ah ee horumarineed, cidna uma
joogsanahayaan.

Waxaan filahayaa intaan gartey qofkasta wuu garankaraa,marka waa waajib muqaddas ah inaan ama talo racayaal noqono ama talo keenayaal noqono. Adduunka laguma arag annaga ka horow ummad rabta giddigood wada
hoggaamiye ineey noqoto, waxaa wax hoggaamiya qofkii garaadkiisa iyo kartidisa loo bogo lana isku raaco, lafkasta ha ka soo jeedo.

Waxaan warkeyga ku soo gabogabeeyey Allaha Weyn baan nooga baryey inaan noqo kuwii is afgarta waxna wada qabsada.

Ilahay jidka toosan oo in mudda ahba aan ka lunsaneyn hanagu hagaajiyo. Amin.

Mahadsanidin.

Haweeya Mohamed Siyaad
hasi1@msn.com
WWWB



Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com




 

 



 

                            Allgedo  Online © 2006 - All Rights Reserved.                        
 Contact us at:
allgedo@allgedo.com