![]() ![]() ![]() ![]() ![]() |
|||
|
|
|||
Talo ku socota dadka maamula Website-yada ku qoran Afka Soomaaliga
Walaalle/Walaalo,
Nabadi korkaaga ha ahaato.
Waxaan ku xusuusinayaa (aniguna is xusuusinayaa) in aannu dhamaanteen Allaah maalin maalmaha ka mid ah hor tegi doonno oo uu ina weydiin doono wixii aannu ku luminnay waqtigii uu ina siiyey, caafimaadkii, iyo dhallinyarannimadii, iwm. Sidoo kale Allaah (swt) wuxuu ku weydiin doonaa in aad caddayso wax kasta oo aad fashay, sheegtay, qortay, ama aad xitaa sarbeebtay. Maalintaa iyada ah muran ma jiro oo inta afkaaga la sharooteeyo ayay gacmahaagu hadli doonaan lugahaaguna ay u markhaati kici doonaan. Dadka saaxiibbadaa ah way kaa carari doonaan. Adiguna walaalkaa, hooyadaa, aabbahaa, xaaskaaga iyo carruurtaba waad ka carari doontaa, maxaa yeelay mid kasta oo idinka mid ah hawl ku filan ayaa u taalla. Maalintaa iyada ah dembiga Sheekh Shariif, kan Bin Laadin, kan Obaama, iyo kan Efewerqi midna laguma weydiin doono. Iyagana kaaga lama weydiin doono. Kaaga uun baa lagu weydiin doonaa. Maalintaasi waa maalinka argaggaxa badan (Allaha inaga nabad gesho labadeenna iyo Muslimiinta oo dhane) oo qiyaamaha, mana foga oo xitaa lama hubo in aad fadhigan adigoo nool ka kici doontid. Tan kale, dadka aad neceb tahay waxba kama bi'in kartid, kuwa aad jeceshahayna waxba uma tari kartid. Waxa aad hoojin kartaa ama bedbaadin kartaa waa naftaada oo keliya, iyadaana bedbaado kaa mudan. War aaway Maxamed Siyaad Barre oo aaway Maxamed Faarax Caydiid oo aaway Aaden Xaashi Cayroow, oo aaway dadkii kale oo libaaxyada ahaa oo intaad aragtay oo saamayn ah ku yeeshay geyigeennii Soomaaliya? Wallaahi Ilaahay bay marti u yihiin mid kastaana god bay ku tuureen dadkii taageeri jirey kuwii aananba hortood dhiman, nin kastana buuggiisa iyo camalkii uu hor marsaday baa sugaya.
Waxaan marka kugula talinayaa in aad
markaad wax ku qoraysid boggaagan, wax
ka sii-deynaysid idaacaddaadan, ama wax
ku masawiraysid boggaagan, iyo markii
aad noloshaada kale wadatidba aad
Ilaahii billowgii ku abuurtay, haatanna
kuna irsaaqa tixgelisid iyo qabriga
madowgiisa.
Miskiin Rabbigiis: Ina Dhoobo Murmaa
|
|||
|
Allgedo Online © 2006 - All Rights Reserved.
|