Inj. Maxamed Cali Cibaar
Mohamed_ebar@hotmail.com
Dhageyso Gabayga oo ah mp3
Marka dib loo milicsado taariikhaha
dhow, illaa iyo markii ay xornimada
qaadatay Soomaalidu, sanadkii
1960kii, ayna midoobeen labadii
gobol ee Waqooyiga iyo koofurtu,
waxaa lagu hayay jillaafooyin ka
imaanayay dowladaha gobolka iyo
quwado kale oo waaweyn. Waxaana la
rumeysanyahay in hagardaamooyinkaas
la dardargeliyay wixii ka dambeeyay
dagaalkii
Soomaaligalbeed
ee ay Soomaalidu sanadkii 1977kii la
gashay, kuna jebisay, gumeysiga
Abasiinya. Waqtigaas oo uu cadowga
umadda Soomaaliyeed ku baraarugay
awoodda aan la dhayalsan karin ee ka
soo muuqatay Bariga Afrika.
30kii sanadood ee u dambeeyay waxaa
ku socday Umadda Soomaaliyeed,
baab’in arxandarro ah oo loo
adeegsanayay gacmo Soomaaliyeed iyo
kuwo shisheeye intaba. Waxaana la
dhihi karaa guud ahaan geyiga
Soomaaliyeed ma jiro gobol iyo guri
aan dabkii la shidayay gaarin,
goortu haba kala duwanaatee. Ugu
dambeyntiina, wax marba dabin la soo
maleego oo maalinba ay meel soo
joogto,waxaan maanta markhaati ka
wada nahay xaalad musiibo oo aad u
murugo iyo xanuun badan badan.
Gumeysigii Abasiinya oo ahaa
cadowgii uu muddo qarniyaal ah
loollanku naga dhaxeeyay ayaa maanta
ka arriminaya guud ahaan gayiga
Soomaaliyeed, si toos ah ha uga
taliyo amaba si dadbane.Wuxuuna
muddo 500 oo maalmood ku dhow
gacanta ku hayaa Qalbigii qaranka
Soomaaliyeed, oo uu calankiisii ka
dulbabbanayo,
xasuuq
nooc walba ahna uu ka geysanayo,
isagoo ay arrinkaas ku
gacansiinayaan, calooshooda u
shaqeysteyaal Soomaali ah iyo qowado
kale oo shisheeye oo dano aan
sahlaneyn ka leh deegaankeenna.
Gabayga Qaylodhaan, oo ka dhashay
fikir ku wajahan arrimaha aan soo
xusnay, wuxuu ka hadlayaa
waxyaalihii sababay silica maanta
lagu suganyahay. Waxaa kale oo uu
gabaygu xambaarsanyahay digniin
culus oo tilmaameysa in haddii aan
lala imaannin dadnimo uu xaalku
meesha uu maanta taaganyahay aad uga
sii xumaan karo. Wuxuuna ugu
dambeyntii gabaygu soo gudbinayaa
talooyin ku wajahan, qaababka looga
dabaalan karo musiibadaan qarada
weyn iyo qaranjabkaan nagu dhacay,
Rabbi ha na dabaqabtee.
Dhageyso Gabayga oo ah mp3
Gabayga Qaylodhaan,wuxuu ku
bilaabmayaa:
-
Qalbidhagaxey Soomaaliyey qaafil
baad tahaye
-
Qeyrkaa inaad u hormartoo qaddarin
aad mudato
-
Qarannimo qofkii kula jeclaa inaad
qurxoonaato
-
Qabri wuxuu la galayaa hungoo iil
adow qodiye
-
Quraan iyo xadiis kuma kariyo qawl
indheergarade
-
Qolof daxala iney fuushay iyo
qallashay mooyaane
-
Laabtaadu qoyi mayso oo wey
qarribantahaye.
-
Waa seef qurgoysaa la yiri quud
xun kii jecele
-
Shacbiyahow qaloon lagu go’oy
qabato hoos taallo
-
Qirshi baad caqligii siisatiyo
qarash aan buurneyne
-
Garashada qolkii lagu ogaa quful
lagaa saarye
-
Qalalaase lagu baabi’iyo qax iyo
guurguurid
-
Qubqac iyo colaad waxan aheyn
kuma qabowshaane
-
Haddaad qiiro weli leedahood dhab
u qushuuceyso
-
Qaraar haba ahaatee runtaan soo
qaddimayaaye
-
Qaylodhaanta u dhug yeelo iyo
qatarta soo fool leh.
-
Qorraxdii aroor soo baxdee uu
qaddaro Eebe
-
Maalinba qisey leedihiyo qasnado
taariikhe
-
Quruumuhuna kuwo qorboshayoo qarfe
ku diifeysan
-
Iyo waa dar quwad sheegta oo qooq
u hodayaaye
-
Adigana Quraanshoy haddaan taada
qiimeeyay
-
Qaacidada nacabkana dersiyo
qidadda aad moogtay
-
Waxa dhagar qamiir kuu aheed
qarsin ku fuuqeyso
-
Cudur lagu qombobo iyo waxaad
qaaxo boobeyso
-
Adigoo quxuxuu lahoo qufac la
luudaaya
-
Ma-naxaan qadaadkiyo aduu qoobka
kaa jiidi
-
Oo lagu qadaanqutinayoo
qardadaxleynaaya
-
Qow inaad ka duushaan ka baqi qar
iyo haadaane.
-
Taariikh qaddiimoo fog iyo garasho
qaangaar ah
-
Qab waxaad laheyd beri awood
quusin cadowgaada
-
Iyo qulubka waayahan ku galay
qayirka kaa muuqda
-
Qoborradaad ka soo jeeddo iyo
qurunka kuu huursan
-
Qolo-Laandkanaad ku digrisiyo kala
qannaaskaada
-
Qalaanqalka lagugu beerayiyo qabyo
ku faankaada
-
Quushaashaa inaad caashaqdiyo
quursi iyo liidid
-
Oo qabbaanku ku hoggaamiyiyo
qaa’inkiyo tuuggu
-
Qabanqaabaduna saaka tahay
Qandhicilley kaalay
-
Qaadan waayay qowsaarnimiyo
qaabdarradan taalle.
-
Qasdilaayey adaa qabi ah oon
qaddiyad leyne
-
Adigeys qonfaayee qaniin kuma
haweysteene
-
Qarbudaadda adigaa ka hela qabarka
dhiilladaye
-
Sida caanihii kuwa qurqurin
dhiigna ku qubeysta
-
Qaatiliin intaad dabatubnayd
qabqable haamaan ah
-
Qaadicul-dariiqyada intaad qiil u
bixinaysay
-
Qaballuus habaarqaba intaad burcad
qaliifeysay
-
Ood qumayga awliyo laheyd quuta
xaaraanta
-
Intii uu qisaas kii mudnaa hagayay
qaanuunku
-
Waa qarracan waxaad dhaxashayoo
dhaayahaa qiriye.
-
Ummadyahay qabiil caabbud iyo
qadaf ku naafeeye
-
Qamrigii sidiisoo kaluu qasay
dareenkiiye
-
Waa kaa sidii aad qac tahay
qallibay maankiiye
-
Qarjac-qarjac hadduu xaal tagoo
laysba qalanaayo
-
Haddii uu dugaag baahi qaba kugu
qamaamaayo
-
Ood eeyo qadadooda tahay qarjamsan
meydka ada
-
Bisadana quraac kaa dhigteen
qanjir aan reebeynin
-
Oo haadda soo qaraabataa gawin
qalfooftaada
-
Dhibaatada qarada weyn miyaan laba
qiyaasaynin?
-
Qayilaad miyaan laga koreyn qaadka
cuniddiisa?
-
Qiiliyo waqaaliyo miyaan qaylo
laga daalin?
-
Culimadu miyay wixii qaldamay
qunyar tilmaameynin?
-
Abwaannadu miyay qarinayaan
xaajadaan qaawan?
-
Qaanadaha tujaarta leh miyaaney
shilinba quureynin?
-
Janannadii ma waxay qaayibeen
qoorta laga fuulo?
-
Qaaraan mariidliyo in aad qamadi
soo tuugto
-
Qaxootiga haddaad doorbiddiyo
qurbe ku noolaansho
-
Ama aad qaneecaba ku tahay
qaadumnimadaada
-
Qaxar lacag ah iyo waxaan arkaa
gunnimo qaali ahe
-
Qorsheyaal halagaa jiroo la isku
qayrayne
-
Baarliin kuwii nagu qurbaye
dorraad na qeybqeybshay
-
Qabridaharre kuwii shalay dhiciyo
qasriyadii Adari (Harar)
-
Kuwii qalinka en-ef-dhii (NFD) ku
xadee Kiinya qabadsiiyay
-
Ee Jabuuti danab qulqulayiyo silig
ku qoolaabay
-
Maantana qalqaaladey wadaan waxa
la qoondeeyay
-
Dabinnada qotada dheer lahoy
qubaro kuu daahi
-
Qandaraasku waa labadi haray
qataliddoodiiye.
-
Qaalin geela oo waa la dhacay laba
is-qaareysay
-
Qarjaruufo waxaan dhaaminoo qoysas
kala gaaray
-
Adna godobsokeeyood quftaad qumani
mooddaaye
-
Ma huraan qaraabo ah intaad
deriska qoomaysay
-
Qoqob iyo intii aad Warmoog qashin
u heeseysay
-
Oy quracyo isku tookhayeen qoryo
abaareystay
-
Ku qamaartay nabad iyo samaan lagu
qaxweeyaaye
-
Faa’iduu qilaaf dhalo haddaad
qandi u hoorhoorsan
-
Qibladaad ku socotaahi wey ila
qalloocdaaye
-
Qalbiyada la dhaawacay intaad ka
dhaqdo qaanjeerta
-
Danta guud inaad u qunto ood
qanacdo yaa roone.
-
Ilmo uu shallaay kaa qubiyo inaad
qamuunyooto
-
Iyo qosol marbey simanyihiin oy ku
qadiyaane
-
Waanada haddaad qushi tiraa
Qoolaney talada
-
Qarni inaad dulleysnaato iyo
qoomamaa xigiye
-
Inta aan qariidaddoo bedelen qayax
wax loo sheegin
-
Qaaradda dalkaan la eg intaan
qowlad laga waayin
-
Oon Quddus sideedii dhulkii qoom
kaleba yeelan
-
Adiguna qariib aadan noqon ku dhex
qaloonaaya
-
Sida Qasaa intaan niman qalaad
jiidan qalanjooyin
-
Oon ubadka la qafaalayaa xabsi ka
qaaqleynin
-
Inta aan masaajidda qataar weyn
qab lagu siinnin
-
Oon diinta qodob lagu xarrimi
qaalli ku dhawaaqin
-
Qaramada midoobana hadhow qasab ku
taageerin
-
Qaalis Muslim ah haddii aad tahood
Qani ka yaabeyso
-
Ood naar qaxeysoo ka biqi laysku
quminaayo
-
Qabyaaladda ka dheerow intii mabda’
qurraafaad ah.
-
Qaafleyda gabayga ah haddaan soo
qatimo caawa
-
Qawi tiisa lama baajin karo sheyga
kuu qorane
-
Inkastoo ay qaflad nagu hayaan
quwado soo duulay
-
Oy qamarka heehaabiyoy quusi
badaheenna
-
Hubka qananaxleeyana berriga qiiq
ka kicinaayo
-
Mar haddii Jihaad loo qumoo
laysku qalabqaato
-
Mujrimiinta wadnahaa qarrari oo
qandhaa diliye
-
Goorta laysku qaabilo dagaal wey
qarqarayaane
-
Qumbulado waxaa uga darnaan qaanso
iyo leebe
-
Quruuruxan ku tuurtuureynaa qarxin
Insha-Allaahe
-
Ha qalqalina Weynaha dad qiray
kuma qasaaraane.
-
Rabbigii fircoon iyo qarqiyay
boqorro Qaaruun leh
-
Abrahana shimbirihii qabdhabay ku
diray qoolleyda
-
Oo Namruudkii qalcadaha lahaa ku
qahray hoygiisa
-
Qafuur iyo Qudduud iyo Qudduus
Qaaliq iyo Qaafir
-
Qayuum baan ku dhaartaye kuwaan
kibir is qaadqaadi
-
Qulhuwalle haddey diidayaan
Qaaddir amarkiisa
-
Waxay qooshayaan waa sun ay qalaf
ku leeyiine
-
Qaaddadana annagaa u dari oo ku
qalam siinnoo
-
Qaanteennii wey hunqaacayaan qaras
ka sii dheere
-
Ha qalqalina Weynaha dad qiray
kuma qasaaraane.
-
Ha qalqalina Weynaha dad qiray
kuma qasaaraane
-
Ha qalqalina Weynaha dad qiray
kuma qasaaraane
-
Ha qalqalina Weynaha dad qiray
kuma qasaaraane.