Allgedo News, May
28, 2009
|
Gudoomiyaha
Shirweynaha
Columbus, Ohio oo faahfaahin ka
bixiyey Ujeedooyinka Shirka iyo Qodobada
looga hadli doono
Baardheere, Cabdi Nuur Sh.C/salaan Aw-
Maxamuud oo ah Gudoomiyaha Shirweynaha
Qurbajooga Beesha Sade uga furmaya
Colombus,Ohio
ayaa markii horeysay waxaa uu ka
warbixyey ujeedooyinka loo qabtey iyo
Qodobada looga hadli doono oo uu ku
sheegay in dadku ay is abaabulaan,
danoohadana ay u midoobaan, maalkooda
iyo muruqoodana ay isu geeyaan, si ay
wax taraan dadka kale walaalahooda ah ee
ku sugan Gudaha dalka Soomaaliya.
Cabdinuur Sheekh C/salaan oo Saaka
Wareysi dheer siiyey Idaacada Markabley
ee Magaalada Baardheere, isagoo ku sugan
Magaalada Columbus ee Cariga Mareykanka
ayaa wuxuu sheegay in shirkani uu yahay
kii ugu horeeyey oo isugu yimaadaan
Qurba jooga, dadka ka qeyb galaya ayuu
tilmaamay in ay ka kala imaanayaan
qaaradaha kale gedisan ee dunida,waxuuna
sheegay in inta badan ergooyinkii ka
qeyb geli lahaa Shirka oo socn doona
ilaa 4 maalin in haatanba ay ku sugan
yihiin Goobta shirka.
Mar aan wax ka weydiinay Gudoomiyaha
Shirweynaha Qurba jooga Beesha SADE
Cabdi Nuur in shirka lagu soo qaadi
doono sidii loo dar dar gelin lahaa
dadaalada nabada ee ka soconayey
dhowaanahan Gobolka Gedo ayuu ku
jawaabay in wax walba ay ku xirnaan
doonta marka laysu yimaado oo danaha
guud laga hadlo qodobada ajendayaasha
ah,wayna dhici kartaa ayuu yiri in
Qodobkaasi laga wada hadlo.
Sidoo kale Mar aan Cabdi Nuur wax ka
weydiinay sida uu u arko Khilaafka ku
saabsan shirka oo qaar ka mid ah Qurba
jooga ay ku kala aragti duwan yihiin
ayaa waxaa uu qirey in ay jiraan
shaqsiyaad iyagu fakir kale qaba oo
aaminsan in shirka dib loo dhigo, dadka
dooda ka qaba arinkaasina ma badan ayuu
yiri, waxaana rajeynayaa in maalmaha soo
socda ay ku soo biiri doonaan shirka .
Qabsoomida shirkani iyo dhaqaalaha ku
baxaya ayuu sheegay inaysan jirin Dowlad
ama hay,ada ka saacidey Qabsoomida
shirka ,Shirkana waa tabarucaad oo
Shaqsi weliba isaga ayaa iska bixiyey
ayuu yiri kharashka ,shirkani ma ahan
ayuu yiri mid siyaasadeed ama ujeedooyin
gaar ah mid laga leeyahay, ujeedadu waa
sidii Qurba jooga ay u yeelan lahayeen
mowqif mideysan iyo isku xirnaan.
Gudoomiyaha Shirweynaha Cabdi nuur oo ka
jawaabayey su,aal ahayd eedaha had iyo
jeer loo soo jeediyo Qurba jooga beesha
in ay ka gaabiyeen wax u qabashada
deegaanada ay ka soo jeedaan marka laga
eego dhinacyada Nabadeynta iyo
Horomarinta Adeegyada Bulshada,ayaa
waxaa uu yiri sababaha loo abaabuleyba
shirkani arimahaasi ayaa ugu
muhiimsanaa,waxaana ugu baaqayaa dadka
soo jeediyey dhaliilahaasi in ay ka dhur
sugaan Natiijooyinka ka soo bixi doona
Shirweynaha.
Hadalka Cabdi Nuur ayaa waxuu ku soo
beegmayaa xilli maanta lagu wado in
Magaalada Columbus, uu shirweyne uu uga
furmo ergooyin ka kala socda Qurba jooga
Beesha SADE,iyadoo shirkaasina dadka ku
dhaqan Gobolka Gedo ay si weyn uga dhur
sugayaan waxa ka soo bixi doona
shirweynahaasi.
Axmed
Cumar Salixi, Baardheere/Gedo.
Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com
|