WELCOME TO ALLGEDO ONLINE

Allgedo News, May 7, 2008

Kulan balaaran oo khadka Telephone-ka ah ayaa dhex maray Guddoomiyaha cusub ee gobolka Gedo Mudane Xusseen Sheekh Cabdi (Farey) iyo aqoon yahano & wax garad ka mid ah jaaliyadda reer Gedo

Gudoomiyaha gobolka Gedo mudane Xuseen Sheekh Cabdi Ismaaciil (Farey) G/ ku xigeenka 1aad ee gobolka Gedo mudane Maxamed Cabdi Kaliil

Columbus, Ohio (AOL) - Kulan balaaran oo khadka Telephone ka ah ayaa Axaddii  05/04/08 dhexmaray Guddoomiyaha Cusub ee gobolka Gedo Mudane Xusseen Sh. Cabdi (Farey) iyo Aqoon yahano iyo wax garad ka mid ah jaaliyadda reer Gedo ee qurbaha. Ujeedada kulan-khadeedkaan ayaa ahayd in loo  hambalyeeyo maamulka cusub iyo wada tashi guud. Ka soo qaybgalayaasha shirka ayaa waxaa ka mid ahaa xubna badan oo ka mid ah Hay’adda Somali Development Foundation.

Waxaa shirka furay  Prof. Warsame H. Ali oo shir guddoonka ahaa. Salaan iyo tahniyad ka dib, wuxuu ku soo dhoweeyey goobta guddoomiye Fareey. Aqbalitaan iyo ajiibid ka dib, guddoomiyaha wuxuu si kooban u qeexay qorshiisa uu doonayo in uu gobalka ku maareeyo isaga oo ku nuux-nuuxsada sida ay uga go’an tahay in uu mudnaanta koobaad siin doono dhamaasha tirka maamulka gobalka: Sida howl galinta police-ka iyo soo celinta amaanka. Sidoo kale wuxuu sheegay guddomiyuhu in uu diiradda saari doono dib u heshiisiin qotta dheer, is cafis iyo in loo dhaqaaqo tubta hor umarka.

Hadalkaa kooban ee guddoomiyaha ka dib, waxaa loo gudbay in la waydiiyo su’aalo iyo in uu ka jawaabo. Su’aalahaan ayaa u badnaa kuwo la xariiro habka uu doonayo guddoomiyaha in uu wax u maareeyo, cidda uu xariirka la yeeelanayo, cidda uu caawinta ka doonayo. Dhamaan su’aalihii wuxuu uga jawaabay si aad looga maqsuuday oo ay ku dheehan tahay aqoon, waayo aragnimo, dagganaasho iyo daacadnimo.

Su’aalaha ka dib, waxaa loo gudbay talooyin aad muhiim u ahaa oo loo gudbinayay Guddoomiyaha kuwaas oo ay aqoonyahnnada iyo wax garadku ku xeel dheeraadeen. Waxay cabireen aragtidooda ku aaddan sidii ay Gedo uga gudbi lahayd marxaladda ay manta taal. Sidoo kale, waxay u ballan qaadeen wada shaqayn dhinac walba ah iyo xariir joogta ah.

Guud ahaan shirka ayaa wuxuu ahaa min billow ilaa dhamaad mid aad u daggan una xiisa badan. Hadalkii koobnaa iyo jawaabihii ayaa waxay ahaayeen kuwo ay wax garadku aad uga maqsuudeen, kordhisayna taageerada ay u hayeen maamulka cusub ee Gedo.  

Ugu dambayntii, waxuxuu guddoomiyaha codsaday in la abuuro guddi maamulka u qaabilsan xariirka dibadda taas oo dib loogu balamay.

 

Mohamud H. Elmi, Columbus, Ohio.
 

QORAALADII HORE EE LA XARIIRAY DOORASHADA GUDOOMIYAHA GOBOLKA GEDO HOOS KA EEG
Guddoomiyaha Ururka East African Development Organization (EADO) Mr. Aden A. Ali (Colujog) oo baaq taageero ah u diray gudoomiyaha cusub ee gobolka Gedo Xuseen Sheekh Ismaaciil Cabdi (Farey)
April 29, 2008

"Tartan dheer kaddib, waxaa maanta aniga iyo ragii igu xulafada ahaa noo suurta gashay in aan ku guuleysano dhamaan jagooyinkii aan ku tartameynay" sidaas waxaa yiri Guddoomiyaha maanta gobolka Gedo loo doortay mudane Xuseen Sh. Ismaaciil Cabdi (Farey) - April 29, 08/ AOL
April 29, 2008

Maamul cusub oo maanta loo Sameeyey Gobolka Gedo
Maamul cusub ayaa maanta loo sameeyey Gobolka Gedo, ka dib markii dhowaan lagu guuleystay in maamulo heer degmo ah loo sameeyo ilaa 6 degmo oo ka tirsan Gobolkan. sii akhri...



Doorashadii gudoomiyaha gobolka Gedo oo uu si rasmi ah ugu guuleystay mudane Xuseen Sh. Cabdi Iasmaaciil (Farey)




Doorashada gudoomiyaha gobolka Gedo oo maanta ka dhici doonta Garbahaarey iyo Degmada Luuq oo loo ogolaaday in ay ka qeyb qaadato doorashada

Faalo: Maxay tahay sababta mar kale dib u dhaca u keentay doorashadii guddoomiyaha Gobolka Gedo ee la rabay in la qabto maanta?


Natiijada Cod bixinta Gudoomiyaha Gobolka Gedo oo ka socotay Allgedo ayaa soo gebo-gebowday, waxaana ku guuleystay mudane Xuseen Sh. Xuseen Cabdi Ismaaciil (Farey) Sii akhri...



WAR DEG-DEG AH oo la xariira doorashadii gudoomiyaha Gobolka Gedo oo maalin lasoo hor mariyay

Xubnahii ka socdey Baarlamaanka KMG oo Maanta la hadley dadweynaha Garbahaarey iyo Tartankii doorashada Gobolka Gedo oo dib loo dhigay






Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com





 

 


 

                            Allgedo  Online © 2006 - All Rights Reserved.                        
 Contact us at:
allgedo@allgedo.com