بسم الله الرحمن الرحيم السلام
عليكم ورحمة الله وبركاته
Hambalyo ku socota maamulka cusub ee
dhawaan laga doortay gobolka Gedo
Asalaamu calaykum, bacda salaan waxaan
dhanbaal hanbalyo iyo bogaaadin ah
hawada u soo marinaynaa mudanayasha la
doortay ee sida xaqa ah loo doortay iyo
shacab waynaha doortayba waxaana
leenahay waxaad furteen bog cusub oo aan
horay looga baran somalia iyo africa
inta badanba waxaadna muujiseen in uu
yahay codkiina qaali arintaan aad
samaysen waxay fariin cad u tahay ragga
la doortay oo ogaaday haddii ay waxqabad
muqda oo la taban karo ay san muujin in
iyagana lagala laaban karo codka
kalsoonida.
Dhanka kale, Mr. Xuseen Farey waxaa
looga baahanyahay in uu si wanaagsan
oogu abaal gudo shacabka sida weyn ogu
hanqal taagaayo oo uu la tartan siiyo
ama uu ka hor mariyaba gobolada kale ee
soomaalia anaga oo og kuna kalsoon Mr.
Farey iyo ragiisaba in ay yihiin dad
arintaan u bisil wax wayna ka qaban karo.