WELCOME TO ALLGEDO ONLINE

Allgedo News, May 29, 2009

Hay'adda Afrikan Muslim Agency oo Raashin Gargaar ah ka qeybisey Gudaha Magaalada Baardheere


Hay'adda Afrikan Muslim Agency (AMA) oo ka howlgasha qeybo badan oo ka tirsan Gobolada Koonfureed ee dalka Soomaaliya ayaa waxay raashin gargaar ah u qeybisey dad lagu qiyaasay ilaa kun iyo konton qoys oo ku dhaqan Xaafadaha Magaalada Baardheere,iyadoo qoysaskaasina ay ahaayeen kuwa sanadahii ugu dambeeyey ay la soo gudboonaatey daruufo adag oo dhinaca nolosha ah.

Wakiilka Hay'adda Muslim Agency ee Degmada Baardheere, Maxamed Aden Cabdule ayaa sheegay in hay, doodu ay raashin gargaar ah u qeybisey dad gaaraya ilaa kun iyo konton qoys oo ah kuwa ugu daran oo caruurtoodu ay la liitaan nafaqa darida,kuwaasi oo uu tilmaamay in ay ka kala yimaadeen dhamaan Xaafadaha ay ka kooban tahay Magaalada Baardheere.

Raashinkani Gargaarka ah ee loo qeybiyey Qoysaskani ayuu sheegay in ay isugu jiraan Masego, Saliid iyo Boorish, waxuuna tilmaamay in qoyskiiba la siiyey raashin ku filan mudo bil ah, sidoo kale Caruurta da,doodu ay ka yar tahay 5 sano ayuu sheegay in loo qeybiyey Boorish Nafaqo leh,isagoo sheegayna in gargaar kani raashineed ay ku deeqday Hay'adda WFP.

Si kastaba ha ahaatee Qeybinta Gargaarkani raashineed ee la siiyey Qoysaskani danyarta ah ayaa ku soo beegmaya xilli deegaanka ay ka taagan tahay dhibaato adag oo dhinaca nolosha ah, taasoo saameyna ku yeelatey nolosha dadka iyo duunyada.


Axmed Cumar Salixi, Baardheere/Gedo.

 


Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com





 

                            Allgedo  Online © 2006 - All Rights Reserved.                        
 Contact us at:
allgedo@allgedo.com