SOMALI SERVICE
BBC 11:00 
BBC 14:00
BBC 18:00

Islamic centers
in California

Islamic centers
in Arizona

Worldwide Prayer Times

Somali Links
A
Afrikadabari
Abudwaq
Aftahan
Alldalka.com
Allpuntland
Allwadani.com
Allwaamo.com
Aminarts
B
Bakaaraha.com
BBC L. Af som/ga
Biyokulule.com
Buurhakaba.com
Buuloburde.com
C
Cadayga Cayaaraha.com Cadaado.net
Ceelbuurnet
Ceelbuur Online 
Ceelwaaq.com
D
Dayniile
Dhahar
Deeyoo

DjiboutNet
Diinsoor
G
Geeska Afrika
Goldogobsite.com
Goobjoog
H
Hadrawi
Halgan
Hiiraan Online
Himilo 
Hiiraan.com
I
Idaacadda Qur'anka
Israac
Islam East Africa
Idamaale
J
Jowhar.com
Jannaale
Jiimonet
M
Marka Caddeey
Mudug Online
Midgaan.com
Midnimo.com
S

Allgedo News, April 17, 2008

Wargelin muhiim ah: Allgedo oo dib u habeyn lagu sameynayo, maxay tahayse dib u habeynta?  Sii akhri waxa uu yahay isbedelka cusub ee allgedo kusoo socda...

Dhamaan akhriste-yaasha allgedo ee qiimaha badan waxaan ku war gelineynaa in aan Allgedo ku sameyn doono isbedel weyn oo la xariira qaabka ay shebekadda u shaqeyn doonto.

Allgedo oo furneyd 5 sano oo wax yar dhiman ayaa mudadii ay furneyd wax yaabaha ay akhriste-yaasheeda usoo gudbineysay waxaa ugu badnaa warar inta badan la xariiray kuwa Soomaalida.

Haddaba kaddib markii aan si weyn ugu kuur galnay wax tarka uu u yeelan karo umadda Soomaaliyeed warar aan dhamaad laheyn ee inta badan isku mid ah oo looga soo tebiyo dalkooda iyo sida ay inta badan umadda Soomaaliyeed uga xiisa dhaceen wararka Soomaaliya uga imaanaya oo inta badan aanan wadan wax aan ka aheyn dhiilo iyo wax laga naxo ayaa waxaan go'aansanay in aan bedelno qaabkii ay Allgedo ku shaqeyn jirtay.

Laga bilaabo May 1, 2008, Allgedo waxaa loo qaabeyn doonaa nooc ka badalan qaabka ay shebekadaha Soomaaliyeed ku shaqeeyaan.  Isbedelka cusub ee Allgedo kusoo socda ayaa waxaan fileynaa in 100% uu bulshada Soomaaliyeed uga faa'iido badnaan doono qaabkii hore ee ay ku shaqeyn jirtay.

Haddii uu rabi raali ka noqdo, naqshadda cusub ee Allgedo ayaa waxaan kusoo bandhigi doonaa macluumaad aad u fara badan oo anfici doona guud ahaan qeybaha kala duwan ee bulshooyinka caalamka, kuwa Islaamka iyo gaar ahaan kuwa Soomalida oo aan hubno in ay jecleysan doonaan naqshadda cusub ee Allgedo.

Waxyaabaha aan kusoo bandhigi doono allgedo haddii uu rabi raali ka noqdo waxaa ka mid ah:-

 1. Quraanka kariimka oo maqal iyo akhrisba leh.
 2. Axaadiista iyo muxaadarooyinka Islaamiga ah.
 3. Video-yada, Documentary-iga iyo Clips-ka xambaarsan wax kasta oo bulshada faa'iido u leh.
 4. Culuunta ay bulshadu ka faa'iideysan karto sida: Chemistry, Biology, Physics, Math iwm.
 5. Games-ka wax barashada sida: kuwa xambaarsan xisaabta noocyadeeda kala duwan oo dhan iyo kuwa maskaxda fur-fura (Problem solving and Puzzles.) 
 6. Sports-ka (marka laga reebo kuwa aan habooneyn aadaab ahaan ama anshax ahaan.)
 7.  Saadaadaasha hawada ee wadanka Soomaaliyeed, Worldwide prayer time, iyo maclumaad kale oo badan oo aan halkaan lagu soo koobi karin.
 8.  Wargeysyada caalamka sida:  Headlines, News,  Newspapers, International News, Weather, Today in History, and Today's Pictures.
 9. Dhejinta wararka Soomaaliga ah (waa kuwa ugu muhiimsan oo kaliya ee wararka oo dhan ma ahan.)
10. Dhejinta faalooyin la xariira amuuraha Soomaaliya (oo noqon doona kuwo mar-mar kusoo baxa Allgedo ee aan mar kasta noqon doonin.)
11. Soo bandhigidda CODKA WADANIGA oo noqon doona barnaamij mar mar ah oo ay Allgedo uga faaloon doonto waxa qaldan iyo waxa saxan marka laga hadlayo arrimaha Soomaaliya.
12. Haddii loo baahdo, waxay allgedo soo gudbin doontaa wareysiyo ay la yeelatay shaqsiyaad muhiim ah (laakiin taas qudheeda waxay noqon doontaa mar-mar ee ma ahan mid joogto ah.)

Note:  Nuxurku waa in laga bilaabo taariikhda kor ku xusan ay allgedo joojin doonto dhejinta wararkii maalinlaha ahaa ee ay allgedo usoo gudbin jirtay akhriste-yaasheeda.
 

Maamulka Allgedo Online (AOL)



Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com


 

 

                            Allgedo  Online © 2006 - All Rights Reserved.                        
 Contact us at:
allgedo@allgedo.com