Allgedo, News, April
25, 2008
|
|
LIIBAAN MODERN HOSPITAL |
Dr.
Xuseen (Takhtarka guud ee
Isbitaalka Liibaan Modern
Hospital oo ku yaala magaala
madaxda gobolka gedo ee
Garbahaarey. April 25, 08/AOL. |
Isbitaal
si gaar ah loo lee yahay oo
loogu magac daray Liiban Moderen
Hospital oo laga furay Caasimada
Gobolka Gedo ee Garbahaarey iyo
Xaflad Balaaran oo galabta
xariga looga Gooyay
Garbahaarey, Somalia
(AOL)
- Waxaa laga furay degmada
Garbaharey Isbitaal private ah
taariikhdu markay ahayd April
25, 2008 ayadoo lagu taamayay
ama la qorsheenayay mudo aad u
dheer.
Isbitaalka waxaa furay aqoon
yahano iyo ganacsato u dhalatay
gobolka Gedo oo kala joogo
gudaha iyo dibada dalka, kadib
markay arkeen baahida caafimaad
ee loo qabo isbitaal casri ah oo
qalab iyo dhaqaatiirba
udhanyihiin.
Furitaanka
xaflada isbitaalka waxaa ka qayb
galay dad aad ufarabadan oo ku
nool magaalada degmada
Garbahaaray, sida maamulka
degmada Garbahaarey oo uu
horkacayay Gudoomiyaha degmada
Garbahaarey Mudane Maxamed
Cabdullaahi Xaashi, odayaasha
dhaqanka, ururada haweenka,
dhalinyarada, aqoonyahanada iyo
hay’adaha ka howlgala degmada
garbaharey sida GHC iyo WHO.
Gudoomiyada dagmada Garbaharey
Maxmed Cabdulahi Xashi oo halkas
ka joodiyay qudbad gaaban ayaa
ku nuux nuuxsaday ahmiyada
isbitaalkan uu u leeyahay
bulshada gobalka iyo dhamanba
umada Somaliyeed isagoo amaan u
soo joodiyaya dadkii ka
dambeeyay furitaanka
isbitaalakan.
Isbitaalka waa isbitaal private
ah oo casri ah kana kooban
dhamaan qaybaha kala duwan ee ay
isbitaaladu leeyihiin,
dhaqaatiirta ka howlgashana waa
dhaqaatiir lasoo xulay oo laga
keenay dalka dibadiisa sida
dowlada Kenya iyo dalka
gudihiisa, waxaana loogu
talagalay isbitaalka in uu
daboolo guud ahaan baahida
caafimaad ee ka jirto Gobolka
Gedo, gaar ahaan degmada
Garbahaarey iyo nawaaxigeeda.
Waqti
xaadirkan isbitaalka qaybihiisa
kala duwan waxaa kamid ah:-
1) Qaybta bukaan jiifka (Inpatient Department)
2) Qaybta bukaan socodka (Outpatient Department)
3) Qaybta Baaritaanka oo leh dhamaan qaybaha kala duwan ee shaybaarka oo
lakeenay qalab casri oo la jaan
qaadayo technologyada casriga
ah, taas oo uu qofku kuhelayo
jawaabtiisa waqti yar oo kooban
ayadoo si sax ah oo taxadar leh
looga shaqeeyay.
4) Pharmacy department oo leh dhamaan dawooyinka loo baahanyahay oo
dhamaystiran, sidoo kale
pharmacyga waxaa lagu soo
kordhiyay qaybta cosmetics ka .
5) Waxaa sidoo kale diyaar ah oo kol dhow howlgalayo Ultrasound iyo X-ray.
6) Qaybta haweenka ( Maternaty Department)
Dhaqaatiirta
ka howlgasho isbitaalka waxaa ka
mid ah:-
Doctor guud (General Physician)
Doctor ka Caruurta
Doctorka Haweenka (Gynacologist
and Obsterician)
Shaybaariiste mudo 28 sano oo
khibrad ah leh
Pharmaciste takhasus u leh
Dawooyinka Matron
Kal-kaaliyaal u tabaran
howshooda iyo shaqaale kale oo
badan oo kashaqeeyo qaybaha kala
duwan ee isbitaalka kuwaas oo
tabar iyo takhasusba u leh
shaqadooda heegana u ah xili
walbo.
Ahmed Mahamed Urur, Oslo Norwey.
|