WELCOME TO ALLGEDO ONLINE

Allgedo, News, April 6, 2008

War bxin la xariirta Dugsiga Hoose-Dhexe ee Luuq oo uu soo diyaariyay maamulaha Iskuulka Cabdulahi Maxamed Xasan
 
Luuq, Somalia (AOL) - Iskuulka Luuq Primary School oo la aas-aasay December 25, 2004 ayaa waxaa aas-aaskiisii dhidibada u dhigay ilaa iyo iminkana gacanta ku haya Ururka East African Development Organization (EADO) oo waagii hore ahaan jiray Gedo Edocationd Development Organization (G.E.D.O.)

Wax barashada Degmada Luuq oo markii la'aasay Iskuulkan mareysay
meel eber ah  ayaa ilaa iyo mudadaas wixii ka danbeeyay waxaa la oran karaa waxaa jira isbedel weyn oo dhanka wax barashada ah oo ay ku telaabsadeen dhalinta gacanta ku haysa maamulka Iskuulka oo iyagu ku sugan qurbaha.

Kaalmada dhaqaale iyo guubaabada joogtada ah ee uu Ururka East African Development Organization had iyo jeeraale la garab taagan yahay Iskuulka Luuq ka sokow, waxaa iyana jira in Hay'adda UNICEF ay macalimiinta Iskuulka wax ka dhiga siisay tababar 20 cisho ah, sidaas awgeedna ay hadda macalimiinta tababaran yihiin.  Sidoo kale, waxaa iyana jirta in isla Hay'adda UNICEF ay iskuulka u sameysay 6 musqulood oo dhagax ah, berkad biyo, iyo biyo galin tuubooyin ah oo bishiiba lacag Iskuulka lagu soo dallaco.

Tan kale waxaa xiligii abaaraha Hay'ad la yiraahdo TROCAIRE uu Maamulka Iskuulka ka codsaday in ay iskuulka Luuq ku daraan iskuulo iyaga hoos taga oo ay quudin u sameeyeen, waana lagu guuleystay oo mar mar haba istaagee, haddana wuu ka socdaa dugsiga barnaamijkaas quudinta ah.

Waxaa kale oo uu maamulka Iskuulka sameynay isaga oo kaashanaya gudiga dugsiga in ardayga laga qaado lacag dhan toban kun oo ah Shillinka Soomaaliga oo ka yar nus dollar (less than half Dollar) bishiiba, taasi oo uu Iskuulka u adeegsado dayactirka qalabka jajaba iyo nadaafadda dugsiga.

 
 
 
Abdullahi Mohamed Hassan (Abdullahi-Shino)
Maamulaha Luq Elementary School
Luuq, Somalia
cabdallam@hotmail.com
Tel. 25215120787



Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com



 

 



 

                            Allgedo  Online © 2006 - All Rights Reserved.                        
 Contact us at:
allgedo@allgedo.com