Allgedo, News, April
8, 2008
|
KU CAASHAQAYE MAXAAN KU CALFAN
WAYEY (by Hanad Cali Maxamud)
Nolasha gabigeed waa rawaayad,
markaad fiirisid waxa dunida
kuwada nool laba qof oo rabi
wada abuuray, balse kala nasiib
wacan, qofbaa waxa uu kasoo
jeeda Reero ladan qofna waxa uu
kasoo jeeda qoys aad iyo aad
sabool u ah, hadii an iska hadlo
waxan kasoo jeedaa qoys ay gil
gishay sabool nimo, markii aan
weynaday waxan ku indho furay
anigoo ay igu hareeraysan tahay
badweenta sabool nimada, waxa si
rasmi ah Cidayada wajeeray
dhaqli xumo, Edaday wiil ay
dhashay oo ku nool wadanka
Mareekanka ayaa waxaa lasoo
hadlay Abahay isla markaana u
sheegay in laga dhoofinayo cidda
wiil, balse ciddayada waxa ay go
aan saden in aan aniga u baxo
taas oo sababtay Fir fircoonida,
dabeecadda, dad jecliga, iyo
xoshmada qofka iga weyn iyo kan
iga yar oo an si fiican ula
dhaqmo.
Sanadkii 2000 waxan soo galay
wadanka Kenya caasumadiisa
Nairobi, qaasatan xafada ay
Soomaalida ay dagan yihiin ee
Islii. Dadka somalida ah
ee ku nool dhamaan tood waa dad
busy ah. Qaar way ganacsanayaan,
kuwana waxa ay busy ku yihiin
arimaha dhoofka, waxan bilaabay
in aan maro Responsarkii, isla
sanadkii aan imid, 2000-05-02
ayaan soo basay waxana ii
bilowday farxad iyo in aan
nolasha wax badan ka badalayo,
waxan bilaabay in aan wax
barasho an bilaabo anigoo
bilaabay Alaf beetada Soomaaliga
iyo English ka iyo xisaabta,
Sanad kadib maxa dhacay 2001
bishii 11 waa malin Wadanka Reer
mareekan ay Baroor iyo ilmo ay
indhahooda ay ku taagneed waana
maalin ay nolashayda bur burtay,
Subax aroor nimo ah waxan ku
xarooday xarunta weyn ee dad ka
baxaya lugu xareeyo, isla
galabtiina waxa laygu qaday
Gaari bus ah ay ku qoran tahay
IOM oo ah International
organization migration, waxaa
lay qaday Airport ka weyn ee
wadanka kenya oo socdaalkaygu ka
bilaabi lahaa markii aan galay
Airporka wili waxa isii
sogotinayey qaar ka mid ah
qarabada waxa iga muuqatay
shacur ka gadisana kii hore ee
laygu yaqanay, waxa isii
dhaweyey dhalinyaro badan, waan
iswada sawirnay waana is
macsalamnay waana isu oynay, in
yar ka dib waxan ka war helnay
in la baajiyey safarkii aan ku
tagi laheyn mareekanka, tas oo
sababtay Qarax ka dhacay New
york iyo Washinton.
Qaraxas wuxu qarxiyey daaro weyn
oo Ganacsi ah, waxana ku dhintay
dad badan, Balse dad ka dhintay
waxa ay kasoo jeedeen Reero
Royal Family ah mesha an kasoo
jeedo Reer ay Jar jartay
Dhaqaale xumo, waxa bur buray
Dhaqaalihii Mareekanka balse
waligay dhaqaale ka badan nolol
mal meed kayga ma aan arag,
Lakinse dad kaas waxan la qayb
saday Qaraxa ku dhacay ayaa
anigana igu qarxay waxana arkay
in ay wili ay nolashayda ay
haysato Daruuftii adkayd, moddo
kadib waxan soo qaatay warqad ay
ileeyihiin Mareekan idima ogola
in uu idin qaado, Nolashayda
waxa ku yimid isbadal balaaran
isla markaa waxan go aan ku
gaaray in aan nolasha wax fiican
ka badalo waayo meeshaan ka imid
malahan kadin laga golo mooye
mid laga soo baxo isbadalkii
nolashayda, waxan go aan ku
gaaray in aan wax barto, waxana
bilaabay Barashada Luqada
Englishka Sawahiliga iyo
Computer ka, lakinse waxan
ilaaway in aan Duninada aan ku
leeyahay caashaq iyo dooq.
Galab abaarihii 4:30 Sanadkii
2002-10-1, maalin arboco ah
waxan arkay gabar Qurux badan,
adan ku qiyaasi karin markas qof
lamid ah in u dunidaan ku nool
yahay, lakinse waxa igu jiray
hanweyni anigoo ilaaway levelka
aan ahay. Waxan isku dayey
in si toos ah ugu sheegto jaceyl
kayga, Nasiib wanaag gabadhaas
quruxda Rabi wuxu ugu daray dad
nimo wanaaga, sidoo kale waxa ay
aheyd qof ad iyo ad u qaali ah,
waxan u sheegtay in aan ka helay
oo aan u qaaday jaceyl kadib
waxa ay igu tiri soo dhawoow,
anagoo is weydaarsanay
Magacyadeena, Barasho wanaagsan
walaalow Magacaygu waa Farxiyo
ahmed adigana Hanadyare markas
ayeey igu sii dartay ina keen
waxan u raacay gurigeeda,
farxiyo waxa ay la joogta
Habaryarteed sidaydo kale ayeey
u timid Responsar ayada iyo
walaalaheed oo sadex dhalinyaro
ah, sifican ayaa xafaddii layga
soo dhaweyey, Habeenkii waxan
lasexan wayey laba arin, mid waa
farxad sidaan gabadhaas u helay
soo dhaweyn tii wacneed marna
waxan la seexan wayey naxdin iyo
fakar markaan arkay Dayrka
Sabool nimo oo igu gadaaran,
habeenkas oo dhan waan seexan
wayey dhankan u jeesto waxan
arkaa wax isbadal ah in uusan ku
imaaneyn nolashayda, Habeen kii
dabe waxan aday Farxiyo
gurigeeda waxana ku gaaray waqti
dabe, Markii aan kasoo dhaqaaqay
Farxiyo Gurigeeda una sii socday
kayga oo xogaa ijira maxa igu
dhacay?
(Lasoco qaybta dabe).
Akhristayasha qiimaha lahow
waxan ka cudur daaranayaa
Sheekadaan wixi qalad ah dhanka
qormada, tan xigta sheekada
Gadaal ayeey xiiso badan ka
leedahay waxan isla soo marnay
Farxiyo meesha uu ku dhamaaday
Jaceyl keeni, isbadalka
labadeena ku yimid sidoo kale
markii aan dhameeyo waxan soo
galinayaa isagoo afka Enlishka
ah hadii alle idmo.
Hanad Cali Mohamud
Nairobi-Kenya
Email:
peotlove@hotmail.com
Telephone: 254728343385
Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com
|
 |
|
|