|
|
Allgedo Jaceyl, March
30, 2008
|
|
Jacayl waa kan oo kale!!
|
(Qaybta 1-aad)
Mahdi waxaa uu ahaa Arday aad u
Akhlaaq wanaagsan,
waxabarashadana ku fiicnaa;
sannad kastana waxaa uu kaalinta
1-aad ka gali jiray isu-geynta
dhibcooyinka Ardadii ay isku
fasalka ahaayeen.
Ardaygani wuxuu ka soo jeeday
Qoys Soomaalida Beeralayda ah,
oo weliba ehelu-ddiin ah, hanti
la sheegaase aanan lahayn.
Mahdi waxaa ay isku Xaafad
ahaayeen 'Muna' oo iyadu Ardayad
Dugsi kale dhigata ahayd,
fasalkeeduna uu ka hooseeyay kii
uu Mahdi dhiganayay.
Gabadhu waxay ka soo jeedday
asal-ahaan qoys Xoolaley ah.
Aabbaheed Meygaag ayaa isaguna
ahaa Sheekh weyn oo Cilmiga
Diinta looga dambeeyay.
Muna Allahii abuuray waa uu u
dhameeyay quruxda muuqata iyo
tan qarsoon intaba, hase yeeshee,
dhanka Waxbarashada Dugsiga ayay
ku liidatay, taasna waxaa ay ku
kalliftay in ay ku fekerto cid
kale oo galbihii ama fiidyadii
dib ugu naqtiimisa casharradii
loo soo dhigayay subaxyadii.
Sidaas darteed ayay Muna danku
ku kalliftay in ay Mahdi oo ay
is-yaqaanneen ka codsato inuu ka
gacan-qabto u naqtiiminta
maaddooyinka qaarkood, xilli loo
tafa-xeydanayay Imtixaanno soo
wajahnaa. Codsigaas oo uu
Mahdina oggolaaday, soona
dhoweeyay.
Muna waxaa ay ku qasbanaatay-
illayn Dani ninkeed ka adage-in
ay Mahdi galab kastaa ugu
timaado Aqalkooda, lana
fariisato gudaha qolkiisii yaraa,
ee isaga u goonnida ahaa.
Imaatinkii joogtada ahaa, ee ay
Muna ku imaaneysay, kuna
raageysay Aqalka Mahdi, wuxuu
iska ahaa mid caadi ah, oo ay
waalidiintoodu ku kalsoonaayeen,
kana shakinayn, waayo, Mahdi
Aabbihiis Muuse ayaa wuxuuba ka
mid ahaa xerta Cilmiga ka
kororsata Muna Aabbaheed
Sheekh-Maygaag. Xiriir
wanaagsan iyo is-xushmayan
guudna waa uu ka dhaxeeyay
labada qoys.
Markii ay Muna timaado Aqalka
Mahdi,aad ayaa loo soo wada
dhoweyn jiray,loona qaddarin
jiray. Waxaa ugu darneyd
Mahdi hooyadiis 'Maleyko' oo la
soo boodi jirtay erayo ay ka mid
ahaayeen:- "Ina-Sheekhey soo
dhowow, fariiso...u keena
Shaah-Casiriyo ah, Daangawiis
iyo weliba Daango" iwm.
Xiriirka Mahdi iyo Muna wuxuu ku
salaysnaa xiriirkaas guud ee
labada qoys, dabadeedna wuxuu ku
sii xoogeystay iskaashiga xagga
duruusta.
Duruus isu-akhrintii u dhaxaysay
Mahdi iyo Muna, waxaa si lama
filaan ah uga soo hoos-dusay "Jacayl
kulul" kaas oo labada dhinacba
hareeyay, walow, ay Muna ayan
toos ugu dhawaaqi jirin:"Waan ku
jeclahay"- illayn waa
haweene-waxayse bilowgii hore ku
war-wareegi jirtay erayo ka
turjumaya Jacayl oo ay ka mid
ahaayeen:- "Ag-jooggaaga waan ka
helaa", "Marna kuma moogaan
karayo". "Had iyo goor laabta
ayaad iiga taallaa" iwm.
Iyada oo Mahdi hor-fadhida ayay
badanaaba ku luuqeyn jirtay
heestii ahayd:- "Sabab kale ha
moodine, Suntaadii Habeennadan
waan ka seexan waayoo, Seedahaad
i gooysee".
Mahdi lama uusan gabban Jacaylka
ee toos ayuu ugu sheegay Muna in
uu jecel yahay, weliba wuxuu ka
codsaday in ay badiso saacadaha
ay isaga la joogeyso, u keento
sawirkeeda, habeenkii kastana la
cashayso. Muna waa ay soo
dhoweysay codsiyadaas, iyada oo
weliba dhoollacadaynaysa,
bannaankana soo dhigaysa
Cirridkeedii madoobaa iyo
Ilkaheedii cad-caddaa ee weliba
loogu dadaalayay nadaafadda.
Mahdi ma uusan heesi jirin Muna
oo la joogta,laakin, markii uu
keligiis yahay ayaa markii uu
soo xusuustaba uu ku luuqayn
jiray Heestii Suudaaniga ahayd
ee "Waa jacaylkii iigu horreeyay,
iiguna dambeynaya "(Awal-Xub
wa-aakhir Xub). Jacaylkan
haleelay Mahdi wuxuu u muuqdaa
kii ugu horreeyay ee soo mara
abidkiis,waayo, kuwa dhowr ahaa
oo kan ka horreeyay, waxay iska
ahaayeen nooca loo yaqaan "Jacayl-Digaag".
La soco qaybta 2-aad....
WQ/Muxyaddiin M.Kaalmoy
kalmoi@hotmail.com
Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com
|
 |
|
|
|
|
|