|
|
Allgedo Jaceyl, April
8, 2008
|
|
Jacayl waa kan oo kale!!
|
(Qaybta 2-aad)
Dhaqaale ahaan Mahdi iyo Muna,
maadaama ay labaduba Arday
ahaayeen, waxba isma ay dhaamin,
oo wax sidaas ah isuma ay tari
karayn; walow uu Mahdi mararka
qaarkood uu Lacago ka heli jiray
Walaalihiisii waaweynaa ee
shaqaalaha ahaa; markaasna uu
Muna xoogaa uga tuuri jiray, ama
ugu soo iibin jiray waxyaabo ay
si gaar ah u jeclayd, sida:-
Cadar iyo Xalwad. Niyadda ayay
labaduba isku dhisanayeen oo is-dugsanayeen,
waxayna ku taamayeen, si
dadbanna u wada lafa-guri jireen:
Waxbarashada oo ay dhamaystaan,
ku shaqaystaan Aqoon,urursadaan
Hanti, wada dhistaan Qoys
hagaagsan oo bilicsan, una
adeegaan naftooda, dadkooda iyo
dalkoodaba. Laakin Soomaalida
ayaa ku halqabsata:- "Tii Alley
noqon". Xiriirkii u dhaxeeyay
Mahdi iyo Muna, waa uu sii
xoogaystay,koray oo kobcay,
jacaylkoodiina waa uu soo
shaac-baxay, wuxuuna noqday:
"War la qabaa xiiso ma leh" iyo
"War Dhafoorkuu ku yaal".
Badanaaba dadka Xaafaddu waa ay
arkayeen oo garanayeen in ay
labadatan Casar ilaa Fiid walbaa
isku naban oo isku lammaanan in
ay is-jecel yihiin. Docda kalena,
wada socodkooda waa la ogaa in
uu waddo san iyo tub toosan
heysto,waayo labadaba waxaa lagu
soo anqariyay Casharro diineed
oo kala caddaynaya xuduudda ay
kala leeyihiin labood iyo
dheddigood iyo akhlaaqda
Islaamiga ah ee loo baahan yahay
in lagu dhaqmo.
Mahdi 3 ilaa 4-gu' ayuu ka
weynaa Muna, waana sida
badanaaba la bogaadiyo; waxayna
Culimada Seykolojigu sheegaan:
in ay Haweenku inta badan door-bidaan
Ragga xoogaa ka da'-weyn, halka
ay Raggu xushaan dumarka (gabdhaha)
xoogaa ka da'-yar.Tani sidaas
ugama foga maahmaahda
Soomaaliyeed ee ah:- "Naag waxaa
dhaqi kara, nin dhali kara".
Dhanka kale, dabeecadda, is-fahamka
iyo is-waafaqa fikradeed iyo
Seykolojiyeed ee Mahdi iyo Muna
ayaa ahaa mid cajiib ahaa, oo ay
Xog-ogaallada aan xaasidka
ahayni u riyaaqayeen oo
bogaadinayeen. Qaar baa dhihi
jiray:- "Waxaa la moodaa Mahdi
iyo Muna in Ciiddooda hal meel
laga soo qaaday"...!!.
Sidii ay Arrintu sidaas asaga
ahayd, ayay habeen ka mid ahaa
habeennada, sidii caadada
ahaydba ay Muna u hoyatay
Aqalkooda, ka-gadaal markii
waqti qaali ahaa oo ay
saxan-saxadu haraysay la
qaadatay Mahdi. Isaga ayaa sii
sagootiyay oo ku dhoweeyay
Aqalkooda, waxayna ku soo kala
tageen:- "Waa inoo habeen dambe
Abbaayo" oo uu Mahdi yiri, iyo
Muna oo ku jawaabtay:- "Waa
hagaag Abboowe". Muna ayaa iyada
oo war la' gashay Aqalkooda,
waxayna toos u abbaartay
Qolkeedii gaarka ahaa. Waxay
rabtay in intii ayan seexan in
ay xoogaa dib u jalleecdo oo
isha mariso Casharradii uu u soo
naqtiimiyay Mahdi. Waxayse ku
sii luuqaynaysay erayo ku jiray
heestii Magool ee "Webiyo isu
ooman", heestaas oo ay
beydadkeedu ku soo wada
hoorayeen:- "Wax ku qaadan
maysaan Wacdarrada Aduunkee
weydiiya Culimada"..!!.
Muna waxaa qolkeeda uga yeertay
hooyadeed Mullaaxo. Muna waxay
soo gashay qolkii hooyo-Mullaaxo
iyada oo moodaysa in loo dirayo
adeeg-guri oo iska caadi
ah.Waxayna tiri:- "Waa i kan
hooyo, maxaan kuu qabtaa?".
Hooyo-Mullaaxo ayaa si taxaddar
leh oo deggan u tiri:-"Hambalyo
hooyo macaan...intii aad maqnayd
Caawa fiidkii ayaa lagu bixiyay...waxaana
lagu siiyay Ina-adeerkaa Mooge".
La soco qaybta 3-aad....
WQ/Muxyaddiin M.Kaalmoy
kalmoi@hotmail.com
Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com
|
 |
|
|
|
|
|