|
|
Allgedo Jaceyl, April
8, 2008
|
|
Jacayl waa kan oo kale!!
|
(Qaybta 3-aad)
Mahdi dhankiisa kama ayan jirin
wax dhibaato iyo dareen ah.
Aqalkiisii ayuu dib ugu soo
laabtay; wuxuuse seexashadiisa
ka-hor dhegaha u raaricinayay
Hees Jacayl ahayd oo Banaadiri
ah,oo markaas ka socotay"Radiyo
Mogadisho", taas oo ay
erayadeedu ka mid
ahaayeen:-"Minaan bukadoo berkoo
beelo, haley barkiyo
Baraarteeda"."Minaan dhinto oo
Dhardhaar fuulo, haleygu dhaqo
Dhareerkeeda"..!!. Waxayba u
ekayd in ay Heestu ku
dhega-hadlayso isaga Mahdi ah.
Laakin Muna habeenkaas oo dhan
ma ayan seexan, oo labadeeda
Indhood isuma ay geynin. Wuxuu u
ahaa Habeen madow oo cadaabeed.
Dhididkii ayaa ka dhammaaday.
Waxay ku jirtay kurbo, kadeed,
kaar iyo wadna kur-kur.Markii ay
walaalaheed weydiisay halka uu
Aabbaheed ku maqan yahayna,
waxaa la xusuusiyay: inuu u
hoyday xagga Minyaradiisii 4-aad
ee uu maalmahanba arooska kula
jiray.
Muna waxaa hor-yimid Ninkaas
Ina-adeerkeed ah, ee la maaggan
yahay in loo guri-geeyo. Waa nin
ku-dhowaad 20-sano ka da' weyn
iyada, dhowr Naagoodna hore u
soo furay, dabeecad xun,
qallafsan, isla-qab-weyn, kibir
badan, naxariis-daran, gacantuna
ay ka soo horrayso. Waxaa ay is-weydiisay:
sababta uu Aabbaheed-Meygaag u
siiyay Ninkaas..?. Waxaase u soo
baxay in ay sababtu tahay
xigtanimo, jaga fiican oo uu
hayo iyo kuus lacag ah oo uu
hoosta u geliyay Odayga, xilli
uu aad ugu baahnaa...
Docda kale, waxaa ka soo
hor-muuqday Muna kii ay dadka
kale ka dooratay, ifkana ugu
jeclayd oo ah "Mahdi". Waxay
laabta ka tiri:- "Suuraddiisa oo
qura ma siisteen Aduunyada
haddey ii sinnaatee.." iyo "Dhowristiisa
oo qura ayaan dhowr ku
qadayaa(Mahdi)". Habeenkii
oo dhan bay soo jeedday, oo ay
ka fekeraysay waxa iyada la
gudboon, iyo jawaabtii ay ka
bixin lahayd xaaladda lama-filaanka
ah ee la deristay. Mar bay ku
fekertay in ay is-disho oo Sun
ama Dab isku khaarajiso,laakin,
waxay haddana soo xusuusatay in
Aakhirana Cadaab loogu darayo,
waayo "Naftu waa ammaano".
Ugu dambayntii waxay go'aansatay
in: iyada iyo Mahdi
isla-baxsadaan, kana tallaabaan
Xuduudaha dalka. Waxayse is-weydiisay
su'aalo ay ka mid
ahaayeen:-Tolow Mahdi ma
oggolaanayaa taas ?. Xaggee laga
helayaa kharajka safarka ?
Jihadee la abbaarayaa ? iwm.
Sidii ay u fadhiday oo
isula-hadlaysay ayuu waagii
dillaacay oo maqashay Aadaankii
Salaadda Fajarka. Ma ay xusuusan
in ay labisato Garbasaar(Hagoog)
iyo Kabo, Dacasba Allaha ka
dhigee; iyada oo Guntiino oo
kaliya xiran ayay aayar uga soo
baxday Aqalkooda, iyada oo weli
la wada hurdo.
Waxay soo abbaartay Aqalkii
Mahdi, waddooyinkii bacaadka
ahaa ee Xaafadda ayay orod ku
soo jeexday, iyada oo ilmaynaysa
ayayna soo gaartay Aqalkii Mahdi.
Weli mugdi ayay iska ahayd,
qof-qof Masaajid ku socda
mooyaane, cid kale ma ayan too
toosin weli.
Aqalkii Mahdi ayay garaacday;
waxaa soo jeeday oo Salaadda
Subax u weysaysanayay oo kaliya
Mahdi Aabbihiis "Muuse".
Aw-Muuse ayaa la yaabay cidda ku
soo kallahday aroornimada. Wuxuu
ku soo dhowaaday Albaabka
wuxuuna intuusan furin weydiiyay
su'aal ahayd:- "Yaa waaye hee
?". "Yaa noo socda Saacaddaan
?". Muna ayaa ku
jawaabtay:-"Adeer Muuse, waa
aniga..waa Muna
Sheekh-Maygaag..iga fur adeer.".
Deg-deg ayuu Muuse u furay
albaabka, wuxuuna mar kale
weydiiyay:_"See wax u jiraan
Ina-Sheekhey,maxaa saacaddaan ku
kallahinaya ? iwm.
Muna ayaa waxay ku jawaabtay,
iyada oo ilmeynteedana qarinaysa:-
"Waxba ma jiraan
Adeer-macaane,Mahdi un baan
rabay oo ay dani iga soo gashay".
Deg-deg ayayna u soo dhaaftay oo
u gudubtay qolkii uu hurday
Mahdi.
Aw-Muuse,waa uu iska gartay in
ayan xaaladdu ahayn Caadi,
illayn waa waayeele.Waxaana la
yiraahdaa:-"Kor waayeel,
hadduusan wada-caqli ahayn, waa
wada-indho" ,"Geelu laba jir soo
wada mar", "War jiraaba Cakaaruu
iman" iwm. Muna ayaa waxay
si xoog leh u garaacday
Albaabkii qolka Mahdi. Si fajac
leh ayuu Mahdi u soo booday oo u
furay Albaabka, isaga oo
feera-qaawan.
Durba Muna ayaa ku boodday Mahdi,
ugu qubaysay illinteeda, kana
dhunkatay wejiga kore, labada
Gacmood, labada dhaban iyo
Wadnaha dushiisa, iyada oo
barooranaysa, isla markaasna cod
dheer ku leh:-"Mahdiyow,
macaanow,Aabbahay Maygaag ayaa i
bixiyay oo i siiyay Bahal lagu
magacaabo Mooge....". Waxay
kaloo tiri:-"Ma adiga oo ifka ku
nool, oo aan ku arkayo, miyaan
nin kale u noqonayaa naag..?".
Mahdi oo aan weli warku u
caddaan, gariiraya,
jahawareersanna ayaa ku
celceliyay..:-"Yaa, yaa, yaa,,,.
maxaad sheegaysaa ?. See
camal ?....
La soco qaybta 4-aad.
WQ/ Muxyaddiin M. Kaalmoy
kalmoi@hotmail.com
Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com
|
 |
|
|
|
|
|