Allgedo News, April
10, 2008
|
|
Jacayl waa kan oo kale!
|
(Qaybta
4-aad)
Mahdi Aabbihiis Muuse ayaa markii uu
Kallahaadda aan caadiga ahayn ee Muna
arkayba dib ugu laabtay qolkiisii, si uu
xaaskiisa Maleyko ugala soo showro
arrinka. Waxay Muuse iyo Maleyko
bilaabeen in ay isla rog-rogaan: waxa ka
soo bixi karaya ujeeddada imaatinka
Aroornimo ee Muna ee ku wajahan
Mahdi. Iyaga oo isla-falanqayntii ku
guda-jira, ayay durba maqleen
Baroorashada uu codkeedu dheer yahay ee
ka imanaysa Muna iyo weliba erayadii
kal-gacaylkku ku dheehnaa ee ay iska
daba-gaynaysay:-sida:-Mahdiyow, Macaanow,
kaama maarmo iyo erayo kale.
Dhankii qolka Mahdi ayay u soo deg-degeen
Muuse iyo Maleyko, waxayna ku
dhawaaqayeen Alla-bariyo ay ka mid
ahaayeen:-"Allow na astur","Ilaahow ha
nagu ceebayn reer Sheekh-Maygaag",
"Eebbow na furo" iwm. Albaabkii
qolka Mahdi ayaa la isugu wada-yimid.
Muna weli waa ay ooyaysay; weli waxay si
cajiib ah meel kasta uga dhudhunkanaysay
Mahdi. Mahdi laftiisu waa uu ilmaynayay,
walow uusan faafaahin ku filan weli ka
helin Muna.
Hooyo-Malayko oo aad u amakaaksan ayaa
waxay tiri:- "Horta na soo geliya qolka
oo noo sheega sida ay wax u jiraan".
Aabbe-Muuse ayaa isaguna raaciyay:- "Munaay
Ina-sheekh, ha ooyin, annagana ha naga
oohinnin; noo warran horta, ogowna
dhibaata kasta oo jirta in xal loo heli
karo idim allah". Wuxuu Aabbe Muuse ku
maahmaahay:-"Haddii sidee wax la yeelaa
la is-yiraahdo, lama waayo, si wax la
yeelo". Wuxuu kaloo soo xigtay Murtida
ah:-"Rag tashaday dhul waa toli
kara, taako labadeede". iwm.
Qolkii yaraa ee Mahdi ayaa la isugu
wada-tagay oo la fariistay (Muna, Mahdi,
Malayko & Muuse). Meel aan qolka ka
fogayn waxaa taagnayd oo la yaabbanayd
waxa socda: Mahdi walaashiis Muumina (Muumow),
taas oo dhegaha iyo Indhahaba taagaysay.
Hooyo Malayko ayaa bilowday hadalka,
waxayna tiri:- "Munaay, Geberteey, see
camal waaye, horta noo warran oo hintana
iska jooji". Abbe-Muuse ayaa isaguna
tibaaxay:- "Dhibkaaga, waa na dhibaa,
caddeey warka, run iyo ilkaba waa la
caddeeyaa". Wuxuu kaloo ku maahmaahay:-"
War la uumba-uumbeeyo, waykac aa ka roon".
Waxa ugu weyn ee ay Hooyo Malayko iyo
Aabbe Muuse ka baqayeen ayaa ahaa:-In ay
dhici karto in Mahdi iyo Muna uu
Shaydaanku ka dhex adeegtay oo ay
hoos-hoos isugu taraaraxeen (isu-galmood);
markaasna ay Muna u barooranayso
ogaanshaha Uur
ay ogaatay in uu ku soo baxay dartiis,
ayna ka rabto Mahdi in uu asturo, qirto
oo xal u helo arrinka.
Laakin, Allah mahaddiis marnaba
fal-xumidaas iyo fisqigaas iyo wax ku
dhow toonna weligood ma ayan dhex-marin
Muna iyo Mahdi. Xitaa is-dhudhunkashada
(shumis) saakay meesha ka dhacay ayaa
iska ahaa mid hor leh oo anaan caadi
ahayn, loona xisaabayn.
Muna ayaa hadalka qaadatay, waxayna
iyada oo weli hingoonaysa shaaca ka
qaadday, kuna cabatay:- In ay si
xad-dhaaf ah u jeceshahay Mahdi,
ku-qanacsan tahay, uuna laabteeda
dhex-degay, qasadkeeduna uu ahaa in ay
mustaqbal wada dhistaan, ka-dib marka ay
waxbarashada dhamayastaan, laakinse uu
aabbaheed Sh.Maygaag siiyay Nin kale,
isaga oo aan la tashan iyada, eeginna
ku-talaglkeeda xagga mustaqbalka ah iyo
waxa ay ku taamayso toonna,taasna ayan
qaadan karayn marnaba.
Aabbe-Muuse ayaa ku jawaabay:-"Dhib ma
leh,taas camal weligeedba waa dhici
jirtay, aniga ayaana ka-arki doona
Sheekha,kana waraysan doona sida ay wax
u jiraan".
Muna ayaa dib u qaadatay hadalka,waxayna
tiri:-"Aabbe Muusow iyo Hooyo-Maleykaay,
idinka oo eegaya aadaminimada, wax nala
qabta maanta Aniga iyo Mahdi. Anigu
marnaba kama hari karayo Mahdi inta aan
noolahay, dartiis ayaanna u dhimanayaa".
Hooyo-Malayko ayaa si argaggax leh ula
soo boodday erayada ah:-"Mashaqo waa tan
oo kale, Jacaylna waa kan oo kale,
Geberteey, maxaan samaynaa hadda...?!!".
Muna:-" Noo raadiyo lacago aan aniga iyo
Mahdi ku baxsanno ,oo uga tallowno
Xuduudaha, badba aan ku dhacnee".
Hooyo-Malayko:-" Hee intee u baxaysiin ?
Maxaad isku tari karaysiin ?..yaasiinka
iyo tabaaraggee?!. Aabbe-Muuse:-
"Maya, maya, maya, taas talo ma aha,
waxayna u ekaanaysaa Reer Muuse oo
maja-xaabiyay reer
Sheekh-Maygaag"."Halkan dhabar-jebin
loogama samaynayo Sheekha", "Anigu waan
yaqiinsanahay jiritaanka jacayl, waana
aan qabaa in labadii is-jeclaata ay isla
dhistaan mustaqbal, gacanna la siiyo,
laakin, yaanan deg-degin...yacni...wallaahi
ma ogi...
Hooyo Malayko:- "Hee, see
camalkaa,gebertaan cawadaaba la
guurihooyaa,sheekadeeda waa soo
dhamaatay, sheekhana waa loo laabay
kistiisa". Aabbe-Muuse:- " Maxaan qaban
karnaa markaas"? H. Malayko:- "Talo
fiican anigaa haaya ee iga dhegeysta,
talana waa tii Rabbi, tiisayna tageysaa..."
Mahdi isagu waa uu iska aamusnaa oo sii
ilmaynayay markii uu wejiga Muna hoos ka
eegaba, wuxuuna niyadda
iska-lahaa:-"Allah Ciil iyo Caro weynaa"....!!
La soco qaybta 5-aad.
WQ/ Muxyaddiin M. Kaalmoy
kasmo1561@hotmail.com
Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com
|