Allgedo News, April
27, 2008
|
|
Jacayl waa kan oo kale!
|
(Qaybta
5-aad)
Waxaa la wada eegay, dhegahana loo wada
raariciyay Hooyo-Maleyko, taas oo tiri:-
"Muna ha iska baxdo hadda; ha raacdo
Ninka la siiyay; yeysan ka hor-imaan
go'aanka Aabbaheed iyo Ducada Sheekha;
annagana yeysan na ceebayn".
Muna ayaa waxay si kulul ula soo boodday:-"
Inta aan Mahdi ka tago, miyaan raacayaa
Bahalka uu Aabbahay iiga beeciyay sidii
Sac oo kale...?!!". Hooyo-Malayko ayaa
tiri:- "I sug hee aan dhammeeyee Warka...
Adigu hadda iska raac Ninkaas... lana
soo dhaqan inta uu Mahdi ka sii
dhamaysanayo Waxbarashadiisa, uuna ka
noqonayo Nin wax-bartay, oo iskiis u
shaqaysta...markaas ayuu wax ku anfici
karaa adigana,maxaa yeelay hadda waxaad
u eg-tihiin:-"Laba wada qaawan isma
qaaddo".
Muna:-"Muddada intaas la eg, ee uu Mahdi
gaarayo heerka aad tilmaantay,sow
aniguna sii noqon maayo habar
ballaaratay, Caruur badan leh, Naasuhuna
ay soo dhaceen oo Dhabar weyn...markaas
ka-dibse ma i oggolaanayaa Mahdi ?
Muxuuse igu falayaa bay kula tahay hooyo
"?!!. Hooyo-Malayko:-"Wax waa kugu
falaa,weliba waa kugu farxaa, oo kugu
faanaa..yaase yiri:-Habar wax laguma
falaayo,Faaduma-Rasuule ?!!.
Aabbe-Muuse:-"Waqtiga aad ka hadlaysaan
ha la gaaree,horta waxaad hadda ka
talisaan sidii aan uga luga-bixi lahayn
Mixnada na heysata, illayn Mija Dhooqo
marba mid baa la bixiyaaye". Muna:- "Hooyo-Malaykaay,
haddii aan hadda raaco taladaada, oo
sidii Xoolaha iska daba-galo Ninkaas,
yaa ii ballan-qaadi karaya hadhow: in
uusan Mahdi Gabar kale guursanayn, ina
sugayo Aniga, ilaa aan ka soo
luga-baxayo Mooge, muddo kastaaba ha igu
qaadatee "?!!. Hooyo-Malayko:- "Taas
ballan waaye,adigu waxaad tahay Naag
Ina-sheekh ah, qurux iyo qiimo dadnimana
mid kugu gaaraysa ma jirto,.. gabarnimo
iyo garoobnimo intaba waad ku leedahay
qaddarintaada". Aabbe-Muuse:- "Ballan ma
qaadi karno, waase dadaalaynaa oo kula
duubanaynaa; Sida ay mustaqbalka wax
noqon doonaanna Allaa og, laakin Niyadda
ayaannu kugu haynaynaa oo joogto kuu
tirsanaynaa".
Intaas ka-dib, Muna ayaa waxay codsatay
in ay iyada iyo Mahdi si gaar ah u
faqaan (showraan), dabadeedna waxay isla
galeen qol gaar ah oo kale, waxayna ku
wada hadleen:- Muna:- "Aboowe
Mahdi,anigu wuxuu go'aankaygu ahaa in
aannu isla-baxsanno oo waad ogayd,
haddana waad maqlaysaa talada ay soo
jeedisay Hooyo-Malayko, maxay kula tahay
adigu Macaanow, maad hadashid "?. Mahdi:-
"Wallaahi Abbaayo, waxaa la yiri:- wax
aan la huri doonin, laguma darsado
Habaar waalid"... "Waxaan ku qasbannahay
talada hooyo-Malayko, waayo kharaj xoog
leh oo aan ku baxsanno, waxna ku
qabsanno ma heysanno, Sheekh-Maygaagna
Inkaar buu naga soo daba tuurayaa, Hees
Banaadiri ahna waxay tiraahdaa:-"Habaar
waalid Nin qaba, habeen iyo maalin ma
harsado, isagaa isla hadlaa". Muna:- "Waan
kula gartay, laakin haddii aan raaco
Taladaas, ma adiga ayaa hadhow i
oggolaanaya aniga oo la i soo naagaystay,
watana caruur uu Nin kale leeyahay,
miyaadse i sii sugaysaa muddadaas "?. (iyada
oo dib u ilmaynaysa): Mahdiyow sow aniga
dabadey kuma ay caashaqi karayso Gabar
kale, haddii aniga meesha la iga waayo"?!!.
Mahdi:- "Micna ma leh, qaddar Allah ayaa
nagu dhacay, waxaanse kuu
ballan-qaadayaa in aanan garoobnimo kugu
nici doonin, waqti kastoo ay noqotaba...halkan
ayaad iga heli doontaa, haddii Alla idmo,
wada-xiriirkuna hoos ahaan ha u socdo".
Muna iyo Mahdi ayaa inta ay hoos iska
qooraansadaan isku soo boodaya oo is-dhudhunkanaya
(is-Shumis cajiib ah), iyaga oo gacmaha
is-heysta ayayna u imanaya Muuse iyo
Malayko, una sheegayaan in ay waafaqeen
taladii Hooyo-Malayko. Aabbe-Muuse, ayaa
gacmaha kor u taagaya oo ku ducaynayo:-
"Tawfiiqda Allaha na waafajiyo, Allaa
mahad leh...". Muna waa la sii
sagootiyay, dhankii gurigooda ayayna
aadday, walow ay caga-jiidaysay oo
murugaysnayd. Mahdina waxaa uu niyadda
hoose ka lahaa:- "Anna waan ku sugayaaye,
soo noqo adoo nabad ah". Aabbe-Muuse,
dhanka Suuqa ayuu isaga
dhaqaaqay,Mahdina qolkiisii buu ku
noqday,isaga oo aad u fekeraya,laakin
Hooyo-Malayko Gambarkeedii weynaa ayay
inta ku fariisatay,waxay bilowday -
sidii caadadeed ahayd- in ay ku luuqayso:-
"Abaay-Sitiyey, Abaay-Sitiyey,Nuurkeeda
Mukhtaar Batuula-Nabi". "Maanaay-Sahraay,
Maanaay-Sahraay, Macsharkii Mara-laay,Midigtaayna
qabo "iwm. waayo, waxaa ay Habartu
horjooge u ahayd koox-haween
xusulla-baruur ah, oo khamiistii kasta
inta ay Gurigeeda ku kulmaan sidaas ku
dikriya, kuna Bun iyo Cambuula cuna,
dabeedna khayr ku ducaysta.
La soco qaybta 6-aad...
WQ/ Muxyaddiin M. Kaalmoy
kasmo1561@hotmail.com
Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com
|