WELCOME TO ALLGEDO ONLINE

Allgedo News, May 10, 2008

Jacayl waa kan oo kale!

(Qaybta 6-aad)

 
Muna Aqalkoodii bay gaartay, iyada oo luud-luudaysay, labisnaydna
Hagoog(Garbasaar) iyo Kabo ay ka sii qaadatay Muumina.
 
Ku-dhowaad 9:00 subaxnimo ayay ahayd goortu, wuxuuna reerkoodu la yaabbanaa meesha ay ku kallahday oo ku maqnayd; waxayse markii taas la weydiiyay, si weji-xirnaan iyo caro leh uga jawaabtay oo tiri:-"Wax shaqo ah oo aad ku leedihiin lama arko halkii aan ku maqnaa, ee i guuriya, iina gelbiya Godkii aad ii qoddeen".
 
Markii ay fiidkii noqotayba, waxaa soo caga-dhigtay Mooge, oo si fiican u soo
labistay, fuushanaana Gaarigiisii nooca "Fiat 124" ahaa.
 
Wuxuu yimid isaga oo ayan cidina wehelin, degdegaya, kuna soo tala-galay inuu
dhaqsa u kaxaysto, xaraystana Aroosadda Ina-sheekh ah ee uu da'ahaan dhali
karayay.
 
Aqalka Sh. Maygaag waxaa ku sii sugnaa oo kaliya tira kooban oo Haween ah,kuwaas
oo isugu jiray qaraabada iyo deriska reerka, una yimid sii gelbinta "Muna". Wey
mashxaradayeen,sacabba-tumayeen, kuna luuqaynayeen "Arooskeenna aamiin",
"Ladnaan ku-waara" iyo murti kale oo ku salaysnayd hidde iyo dhaqan.
 
Gaarigoodii bay wada raaceen Mooge iyo Muna. Wejiga Aroosadda Muna ah waxaa ka
muuqday: Ciil iyo Caro,waana ay faruuryo-qaniinsanaysay, halkii laga filayay
Farxadda iyo Fahmada.
 
Waxay abbaareen xagga magaaladii uu degganaa Mooge, taas oo ka mid ah
magaalooyinka aanan sidaas uga fogayn Muqdisha.
 
Wuxuu damcay Mooge inuu dhexda ugu sii sheekeeyo Aroosaddiisa, si uu jawiga u
caadiyeeyo, weyse uga dhaaratay wax jawaab-celin ah; marka laga reebo mar
kaliya oo ay si kulul ugu  dhawaaqday:- " Sidii Xoolihii ayaad i soo iibsataye, waxaad iga hesho ayaad leedahay,waadna ka shallaayi doontaa..Bahalyohow Weji-macbuuska ah oo ayan Aadaminimadaba waxba uga bilownayn"...!!.
 
Aqalkii Arooska ayay wada tageen, Moogana waxba kama uusan baddalin
dabeecaddiisii qallafsanayd iyo cudud-adeegsigiisii u caadada ahaa. Maba uusan
milicsan Murtida Soomaaliyeed ee ah:-"Naag waa u samir ama ka samir".
 
Muna,waxay mararka qaarkood dantu ku kallifaysay in ay lafaheeda kala baqdo
Mooge; waxay ka yaabaysay inuu muruqyadiisa waaweyn ku majiijiyo kuweeda taagta
daran -illayn ninkaan cabsan waa loo cabsadaaye.
 
Isu-galmoodkoodii Sariirta dusheed ahaa, ayaa isaga shaabbahay "Kufsi" iyo
"Saqiir-suujis" asturan. Kaas oo ka marnaa muxibbo,is-marxabayn, muuno, muusood
iyo macaansi oo dhan. Mooge wuxuu ka fursan kari waayay inuu qaab lagdan iyo
gawaantis oo kale ah uga ilma-dhalo Muna.
 
Waxaa la is-weydiin karayaa:sidee ayay Muna ula dhaqmaysay Mooge dhowrkii Sano
ee ay is-qabeen ?!!.
 
Dacar iyo Murdud ayay ka waraabisay. Waa uu ka waayay Weji-furnaan iyo farxad.
Waa ay jirtay in ay caruur iska daba-dhalaysay, oo ay ku sugnayd xaaladda loo
yaqaan"Mijin-gashay, Mijin-baxday" iyo Wallac is-daba-yaal sannadkii la arkaba;
laakin docda kale Imtixaan cajiib ah ayaa Mooge ka qabsaday Muna.
 
Tusaale ahaan:-Markii uu dalbado in loo diyaariyo Qado Baasto ah, ayay u karin
jirtay Bariis"Cali-Uraaye" ah oo aanan si fiican loo bislayn, lana gaar-oomaariyay ama Soor "Qamar-shiid" ah oo weli ceyriin ah.
 
Goortii uu naftiisa oo dhiig-kar la ildarnayd ama marti u imanaysa u codsado
Hilib Ari iyo Maraq si fiican loo farsameeyay, ayay baddalkood u sii diyaarin
jirtay Hilib caata ah oo Lo'-aad iyo Maraqiis oo lala beegsaday cantoobo Cusbo
ah(Milix).
 
Muna "Xaax" ayay u keentay Mooge, oo "Ma' " ayay ka siisay, waana ay xakaarisay.
Qaab macnawi ah ayay u jahawareerisay oo Maanka uga gadday. Nin baa laga soo
weriyay: "Hashu Maankayga gaddaye, ma Masaar bay liqday..". Haa Muna waxay
liqday "Mahdi".
 
Waxay isaga dhaaratay in ay sida Haweenka iyada la midka ah isu nadiifiso, una
muujiso bilicsamideeda iyo hannaanka wacan ee uu Alla siiyay. waxay iska
fogaysay adeegsiga :Qumqum, Cadar, Saabuun,Cillaan, Indha-kuul iyo dhammaan
qalabyada ay Haweenku ku soo jiitaan Ragga. Laakin aad ayay ugu nadiifin jirtay
Caruurteeda ugana dhigi jirtay "Shax-shax" iyo "Kaalay iska arag".
 
Lama huraan waxa Mooge ku noqday inuu iska furo Muna, siiyana saddexdeeda,
waayo waxaa la yiri:-"Wax aadan huri doonin, laguma darsado Habaar waalid"."
Ruux ay meeli u caddahay meeli ka madow".
 
Dhammaan wixii Malab-Shinni, Caana-Geel,Subag Lo'aad iyo joogag Ootkac
ah(Muqmad) , Dahab iyo Dhar ee uu Mooge u soo dhigay Muna Gurigeeda ayay waxba
tari kari waayeen....
 
 
La soco qaybta 7-aad.



WQ/ Muxyaddiin M. Kaalmoy
kasmo1561@hotmail.com




Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com




 

                            Allgedo  Online © 2006 - All Rights Reserved.                        
 Contact us at:
allgedo@allgedo.com