Allgedo News, May
11, 2008
|
|
Jacayl waa kan oo kale!
|
(Qaybta
7-aad)
Goor Aroor hore ahayd ayuu Mooge ku
dhawaaqay inuu furay Muna. Wuxuuse
markii uu shaqadiisa aadayay kula sii
ballamay in ay sugto isaga, oo ayan iska
sii socon; si uu Casaryadii ugu
amba-bixiyo xagga Muqdisha,uguna soo
sallimo gacanta Sheekh-Maygaag.
Hase yeeshee, isla-markii uu Mooge u
dhaqaaqay xagga goobtii shaqadiisa ayay
Muna ku tallaabsatay diyaar-garow xoog
leh oo Socdaalkeeda la xiriira.
Waxay isu-qurxisay si aanan abid loo
arkin. Waxaa yaabay oo uu arrinku lama
filaan ku noqday Haweenkii deriska la
ahaa Muna idil-ahaantood,kuwaas oo u
heystay in ay tahay Muna Haweeney
areebanimo,anyaasanimo iyo wax
isku-falid la'aan isku darsatay,
dayacdayna quruxdii iyo haybaddii uu
Allah ugu yaboohay.
Waxay isu adeegsatay wixii
Kareemayaal,Qum-qum(Uunsi), Cadar iyo
Indha-kuul u yiil guriga. Waxay Dahab si
xarrago leh uga buuxsatay Luqunta(Qoorta),
Dhegaha, Faraha iyo labada Gacmood.
Waxay ku labisatay Googorad,Dirac,Shaash,
Garbasaar iyo Kabo kuwii ugu qaalisanaa
uguna bilicsanaa. Derisyadeedii oo dhan
baa dib ugu noqday qooraansi hor leh iyo
milicsi.
Waxay soo kiraysatay Gaari "Xaajiyo"
laba-shirley ah. Waxay ku soo raratay
wixii alaabo qaali ahaa ee fudud,sida
shandadihii dharka. Waxay sidaas oo kale
si cajiib ah ugu soo labistay
saddexdeedii Caruur ee yar-yaraa.
Waxay iyada oo isu-mashxaradaysa, aadna
u faraxsanayd u soo dhaqaaqday xagga
Muqdisha.
Saacad iyo bar ka-dib ayay Muna soo
gaartay Aqalkii aabbaheed Sh.Maygaag ee
Muqdisha. Sheekhu wuxuu isaga maqnaa
Safarro xagga diin-fidinta ah(tabliig) ,waxaase
Muna iyo Caruurteeda ku soo dhoweeyay
Guriga Hooyadeed Mullaaxo iyo qaar ka
mid ahaa walaalaheed. Iyagu ma ayan
jeclaysan furriinka Muna, weyse ogaayeen
in ay iyada iyo Mooge soo kala taagan
yihiin iskuna dhib-qabaan, maarana loo
waayay.
Markii ay Maqribyadii gaartayba, waxay
Muna ku soo dhaaftay Caruurteeda
Ayeydood Mullaaxo,waxayna iyadoo
keligeed ah u soo dhaadhacday
xagga reero ay is-yaqaanneen, oo deris
la ahaa reer Muuse.
Muna ma ayan doonayn in ay toos u
abbaarto Aqalka reer Muuse,waayo, waxay
ku tala-gashay in ay marka hore ku
tallaabsato xuuraansi iyo ururin xog la
xiriirta guud ahaan xaaladda reer
Muuse,gaar ahaanna "Aboowe Mahdi".
Waxay heshay Warbixin buuxda oo
sheegaysa: in ay Aabbe-Muuse iyo
Hooyo-Maleyko iska daba-geeriyoodeen
labadii sano ee la soo dhafay iyo
In la guursaday Muumina.
Waxay kale oo Muna, iyada oo horena u
maqashiisnayd, haddana sii
xaqiiqsatay in uu Mahdi dhammeeyay
Waxbarasho Jaamacadeed,ku shaqeeyo
macallinnimo, uun guursaday gabar lagu
magacaabo "Marwo",oo ay Muna is-yaqaanneen,taas
oo hadda u heysa laba Caruur ah.
Inkastoo ayan Muna jeclaysan, ilaa xadna
ka sii naxday inuu Mahdi guursaday Marwo,
uuna leeyahay xaas,haddana waxaa
taas uga soo darnayd murugo iyo
walwal(wirwir) hor lehna gelisay:
Su'aasha ah:-Tolow,Mahdi weli ma ku
taagan yahay, oo ma fulin doonaa
ballantii uu qaaday oo ahayd inuusan
Muna ku nici doonin garoobnimo,mase
guursiga Marwo ayaa wax ka baddalay ?!!.
Waxay Muna si cod-hoose ah ugu
luuqaynaysay heesta ah:-"Boholyow
daraaddiis,bartamaha habeenkii sow ma
soo baraarugo oo boggaygu kuma tebo...ballantii
aan dhigannaba,weligaa ha
beenayn,barashadii kal-gacalkuna bilaash
yaaney kula noqon..".
La soco qaybta 8-aad.
WQ/ Muxyaddiin M. Kaalmoy
kasmo1561@hotmail.com
Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com
|