Allgedo News, May
12, 2008
|
|
Jacayl waa kan oo kale!
|
(Qaybta
8-aad)
Waa dhab Mahdi inuu guursaday
Marwo;si fiicanna ay u wada-dhaqmaan, oo
isula saan-qaadaan. Waa ay jirtaa in uu
Mahdi soo xusuusto Muna iyo ballantii uu
ka qaaday. Laakin docda kale, waxaa la
yiraahdaa:- "Indho run bay ku ooyaan", "Laba
wada qaawanna isma qaaddo", "Af waa kuh,
maa liki aamee" iwm. Waxaa is-weydiin
leh:-Muxuu hadda Mahdi u qaban karayaa
Muna ?!!. Mahdi Mushaarka
yar ee uu qaato ma ku biili karayaa laba
reer ?!!. Mahdi miyuu la hor-tagi
karayaa Marwo inuu guursanayo Muna ?!!.
Muna ma tahay xitaa haddii uu Mahdi ku
mehersado qaab qarsoodi ah, mid maaliyad
ahaan is-bixin karaysa ?!!.
Sideedaba Muna ma tahay qof la
khudba-sireyn karayo?!. Ma lagu
fekeri karayaa in la furo Marwo, laguna
baddalo Muna?!. Waa Su'aalo ayan
jawaabahoodu sahlanayn, meeshana ku jira
kara. Si kastaaba arrintu ha
ahaatee, Muna ayaa waxay go'aansatay: in
ay Mahdi u istaagto dhammaan Waddooyinka
uu maro iyo meeshii kasta oo ay ka heli
karayso; si ay ula kulanto fool-ka-fool,
uguna sheegto in la soo furay, kuna soo
hadal-qaaddo fulinta ballantii u
dhaxaysay labadooda. Waxaa Muna
loo tilmaamay Waddo ka timaada xagga
Suuqa Xaafadda, taas oo uu badanaaba soo
maro Mahdi Maqribyadii, isaga oo ku
labisan Macawis, Shaar, Camaamad iyo
Dacas, Gacanta midigna ku wata Tusbax
abuu 33-Xabbo ah. Goorahaasna ay tahay
marka uu Mahdi dadka kula sheekaysto
Waddooyinka.
Maalin Khamiis ah, goor ay maqribyadii
ahayd ayay Muna soo kaxaysatay
saddexdeedii caruur. Mid
dhabarka ayay ku sidday, labana gacmaha
ayay ka heysay. Waxay soo gaartay
waddadii loo ishaaray ee uu soo marayay
Mahdi. Makiinad kuwa saliid macsarada ah
oo meesha ku tiil ayay ag-istaagtay,
iyada oo isu ekaysiinaysa ruux sugaya
qof ku jira gudaha gooba, waxayna isha
ku heysay hadba qofkii kasta oo soo mara
waddada. Daqiiqado ka dibba, waxaa
dhanka suuqa ka soo muuqday Mahdi, kaas
oo u labisnaa habkii la filayay.
Muna waxaa ay gadaal ugu guratay meel
xoogaa mugdi ah oo ku naban Makiinadda
saliidda, si ayan isha dadku u qaban,
faallana uga bixin waxa ay kula hadlayso
Mahdi; waayo waxaa badan kuwa loo yaqaan
"War-xumo-tashiillo". Mahdi Suuqa
ayuu ka yimid, waxaana uu watay oo
waraaqo ugu duuduubnaa Macmacaan ay
jaclayd Xaaskiisa Marwo, kaas oo uu ugu
gogol-xaarayay Habeenkaas Jimcuhu uu soo
galayay. Macmacaanku wuxuu isugu jiray:-
Xalwad, Doolshe, Buskut iyo waxyaabo
kale oo dhammaan farsamada Banaadiriga
ah. Waayo,markii uu Mahdi ka soo
baxayay Aqalkiisa ayuu arkayay Marwo oo
isu diyaarinaysay "Jimcaysi". Taas oo
aqalka oo dhan nadiifisay, kuna
ekaysiisay waxyaabo udgoon badnaa,si
fiicanna u gogoshay qolalka oo dhan,
gaar ahaan kan jiifka. Mahdi wuxuu
arkayay oo kale Marwo oo ku labisatay
dhar khafiif ah oo u muujinaya jirkeeda
oo dhan, soona jiidanaya Mahdi. Weliba
wuxuu qooraansanayay Mahdi Marwo oo u
diyaarinaysa nooc-Casho oo uu aad u
jeclaa isagu. Mahdi isaga oo arrimahaas
ka jawaabayay ayuu Macmacaanka Suuqa uga
soo doonay Marwo. Wuxuu ku camal-falayay
Murtida ah:-"Gacmo is-dhaafaa Gacal ku
jirtaa".Reer Xamarna waxay
yiraahdaan:-"Saxan, Saxan ku
gud",Reer-Afgooyana waxay ku shirbaan:-
"Sabuul-Galleey, Nin ku siiyay aa
la siiyaa".
Mahdi iyo Muna oo
kulmaya
Si uusan filanayn ayuu Mahdi dhankiisa
Midig, meel aan ka fogayn oo ilaa
xadna mugdi ahayd uga maqlay Cod macaan,
naxariis leh, kal-gacalna uu ku dheehnaa
oo ugu yeeraya:- "Mahdi, Mahdi...
Abboowe-Mahdi".
Dhankii looga yeeray ayuu eegay,
abbaaray,kuna dhowaaday,wuxuuna yiri:- "Yaa
waaye, yaa ii yeeray ?". Waxaa loogu
jawaabay:-"Aboowe-Macaane Mahdi
Xaaji-Muuse, waa Aniga...Waa Muna
Sheekh-Maygaag"...!!.
Mahdi ayaa isagoo
qosol-gariiraya,fajacayna si caadi ah
gacanta uga salaamay Muna, dabadeedna
madaxa ka wada tabtay Caruurta
Muna.Wuxuuna isaga oo ay arrintu ku
noqotay lama-filan yiri:-"Ii warran
Abaayo-Muna ?".
Muna ayaa waxay tiri:- "Marka hore,
waxaad iga guddoontaa Tacsida
Aabbe-Muuse iyo Hooyo-Malayko...waan
maqlay geeridooda...Allaha u
naxariisto,waa ay naga wada dhinteenna".
Waxay kaloo Muna raacisay intaas:-"Tan
kale,waa la i soo furay Aniga, ballantii
naga dhaxaysay fulinteeda ayaanna kuugu
imid oo kuugu socdaa".
Xaaladdan taaggan ayaa u eg tii ay
gabadhii heesaysay ku lahayd Ninka:- "Laba
heshiis ahoo, hadday kala tagaan,ama
weys halmaamaan,ama isu soo hiloobee...hadda
maxaynu yeellaa ?.Ma harsannaa ?
Ma hoyannaa? Ma hawl-galaynaa ? Maxaa
kula hagaagsan ?!!.
La soco qaybta 9-aad.
WQ/ Muxyaddiin M. Kaalmoy
kasmo1561@hotmail.com
Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com
|