Allgedo News, May
18, 2008
|
|
Baaq la xariira Bad-baadinta
dadka, diinta iyo dhulka
Soomaaliyeed |
Soomaaliyey ma tashanaa, mise
cid kalaan talada ka sugnaa?
Ku: Mas'uuliyiinta Dowladda KMG
ah ee Soomaaliya
Ku: Mas'uuliyiinta Golaha
Maxkamadaha
Ku: Mas'uuliyiinta xoogagga Al-shabaab
Ku: Aqoon yahanada umadda
Soomaaliyeed
Ku: Culumaa'u diinka
Soomaaliyeed ee dhex-dhexaadka
ah
Ku: Hogaan dhaqameedyada umadda
Soomaaliyeed
Ku: Maamulada Shebekadaha, TV-ga
iyo Joornaalada ay Soomaalidu
maamusho
Ujeeddo: BAD-BAADIN DADKA,
DIINTA IYO DHULKA SOOMAALIYEED
Guud ahaan walaalaha uu baaqaan
sida tooska ah ugu socdo waan
salaamayaa, salaan kaddib,
markii aan in dheer u kuur
galayay xaaladda ay dadka iyo
dhulka Soomaaliyeed ku
sugnaayeen muddada dheer oo
xaqiiqdii la oran karo waa mid
argagax leh, isla markaana aad
moodo in ay maalinba maalinta ka
danbeysa kasii dareyso ayaa
waxaa ila haboonaatay in aan
baaqaan idiin soo jeediyo.
Walaaleyaal, dhibka maanta
Soomaaliya haysta iyo waxa ay
isku haystaanba ma ahan mid ugub
ah, balse waxaa wax lala yaabo
ah in la waayo dad bisil oo
dadkooda, diintooda iyo dalkooda
u tura oo intay meel isugu
yimaadaan arrimahooda si wada
jir ah uga wada hadlo.
Waxaan wada xasuusanaa xiliyo ay
umadda Soomaaliyeed ku faani
jirtay in ay tahay umad isla
weyn ee aan ogoleyn quursiga.
Waxaan ka wada war qabnaa oo ay
taariikhdu na bareysaa in
hanashada xoriyaddii
Soomaaliyeed loo soo daadiyay
dhiig fara badan ayada oo sidoo
kalena ay umadda uga baxday
hanti fara badan ee aan la
qiyaasi karin sidii ay
xoriyadeeda u hanan laheyd.
Waxay qaar inaga mid ah
xasuustaan faa'iidada ama
qiimaha ay laheyd dowladnimada.
Waxaan ognahay oo ay taariikhdu
na bareysaa in umado badan oo
muddo qarniyaal ah ay u
dhaxeysay cadawtinimo fog,
kuwaasoo iska laayayay malaayiin
dad ah, iskana bur-buriyay hanti
aan xad laheyn in ay maanta
yihiin saaxiibo kuwa ugu fiican.
Bani aadamka waxaa la yiraahdaa
waxuu xayawaanka kale uga
gedisan yahay qaab u fekerka,
waa marka uu xaalku taagan yahay
"KA GUDBIDDA XALINTA MUSHKILAD
DHIB BADAN OO MARKAAS TAAGAN
(Problem solving.) "
Bani'aadamka waxa ugu horeeya ee
caqligiisa lagu qiimeeyo ayaa
waxay tahay sida ay u wajahaan
xalinta arrin adag ee markaas
soo food saartay noolashooda ee
ma ahan sida ay u kala hadli og
yihiin, u kala adag yihiin, u
kala badan yihiin, u kala maal
badan yihiin ama u kala aqoon
badan yihiin.
Dabcan maalka, aqoonta, iyo
tirada ay bulsho leedahay waxay
ka mid yihiin wax yaabaha lagu
tix geliyo bulshada markaas
jirta, balse haddii ay meesha ka
maqan tahay caqliga oo laga
shaqeysiiyo iyo in awood loo
yeelan waayo in arrin dhib badan
oo bulshada soo wajahday la'isku
dayo in looga guuleysto si wada
hadal iyo caqli uu ku dheehan
yahay, waa hubaal in aanay waxa
kale oo dhan waxba tareyn.
Sidaas awgeed, waxaa la oran
karaa awood u yeelashada xalinta
mushkiladaha bani'aadamka soo
food saaro ayaa ah furaha dhabta
ah ee ay bulsho horumar ku gaari
karto, dabcan taas baana ah waxa
bani'aadamka lagu qiimeeyo qof
ahaan ama wadar ahaanba.
Haddaba, haddii aan dib ugu soo
noqdo ujeedada qoraalkeygaan oo
ah BAD-BAADIN DADKA, DIINTA IYO
DHULKA SOOMAALIYEED, waxaan
filayaa in markaan loo baahan
yahay in umadda Soomaaliyeed loo
turo si loo bad-baadiyo dadka
inta hartay, diinta iyo dhulkaba.
Waa xaqiiqo waana nasiib daro in
maanta aanay dadka Soomaaliyeed
isku siba u aqoonin macnaha
Soomaalinimo, diin, iyo qaranba.
Sidaas oo ay tahayna, waxaan
filayaa in cidda aan sida tooska
ah ula hadlayo ay garan karaan
ujeedada iyo nuxurka uu
qoraalkaan xambaarsan yahay.
Waxyaabaha aan is leeyahay dadka,
diinta iyo dhulka Soomaaliyeed
waa lagu bad-baadin karaa ayaa
waxaa ka mid ah:-
1. In meel la'iska dhigo eedeymaha aan dhamaaneyn ee ku saleysan
kooxeysiga ama is xulufeysiga ku
dhisan qabyaaladda iyo kuwa
siyaasadda ee dadka sii kala
fogeynayo.
2. Si loo gaaro nabad waarta oo Soomaaliya ka dhalata, waa in la aqbalaa
wada hadal abuuri kara jawi isu
soo dhawaasho.
3. Si ay gebi ahaanba ciidamada Ajnabiga ah uga baxaan Soomaaliya, waa in
ay kooxaha kasoo horjeeda
joogitaanka ciidamadaas
muujiyaan in ay wada hadal
siyaasadeed la galaan dowladda
KMG ah, balse ha ogaadaan haddii
ay taasi dhici weyso in uu
fogaanayo xalka Soomaaliya.
4. Mas'uuliyiinta dowladda KMG ah iyo kuwa maxkamadaha waa in ay maanka ku
hayaan in ay dadkooda, diintooda,
sharaftooda iyo dalkoodaba ku
dhaceen god dheer oo madow,
cidda kaliya ee hadda laga
sugayo in ay xal keenaan Ilaah
ka sokowna ay iyaga yihiin.
5. Dhamaan inta uu qoraalkaan sida tooska ah ugu socdo iyo inta fursadda u
hesha in ay akhristaanba waa in
ay si dhab ah u aaminaan in
aanay marnaba dhici karin in ay
UN, IYO CID KALE TOONA
SOOMAALIYA XAL U KEENI KARAAN,
BALSE LAGABA YAABO IN AANAY
DOONEYN IN AY SOOMAALIYA XAL
WAARA HESHO.
Sidaas awgeed, waa in ay
Soomaalida isku tashataa si ay u
bad-baadiso dad iyo duunyo wixii
haray.
Aden A. Ali (Colujog), President
of EADO
(East African Development
Organization)
adencolujoog@yahoo.com
|
 |
|
|