|
|
Allgedo News, May
22, 2008
|
Soomaaliya waa tuma, goormayse
hehsiin doontaa?
Soomaaliya:
Waa dad, dhul iyo dowlad gaar ah
oo loo aqoonsaday in uu ka mid
yahay golaha guud ee loo yaqaan
Qaramada Midoobay (United
Nations), waxayna aduunka kaga
taalaa Bariga geeska Afrika.
Dadka Soomaaliyeed waa dad lagu
tiriyo in ay ka mid yihiin
umadaha bariga Afrika ee la
yiraahdo KUSH (Cush) oo ay ka
midka yihiin qabiilooyin dega
Egypt, Sudan, Ethiopia, Eretrea
iyo Somalia.
Qabiilooyinkaas loo yaqaan
Kushka (Cush) ayaa waxaa ka mid
ah: Somali, Oromo, Galla, Adali,
Nubia, Dinka, iyo Nuer.
Umadda Soomaaliyeed ayaa marka
la eego qaab u dhaqankooda waxaa
lagu tilmaami karaa in ay tahay
mucjiso ama umad la yaab leh.
Waa umad aan xadaarad iyo
ilbaxnimo soo jireen ah toona
laheyn. Waxa ugu weyn ee ay
Soomaalidu aaminsan yihiin ayaa
ah QABIILKA.
Markii shaqo la bixinayo ama ay
bulsha weynta Soomaaliyeed
dhexdeeda wax muhiim ah
qeybsaneyso, qofka Soomaaliga ah
waxa kaliya ee lagu qiimeeyo waa
qabiilkiisa ee laguma qiimeeyo
muslim-nimadiisa, aqoontiisa,
kartidiisa iyo dadnimadiisa
toona.
Dabeecadaha kale ee gaarka ah ee
ay Soomaalidu leeyihiin,
bulshooyinka Bariga Afrikana
kaga gedisan yihiin waxaa ka mid
ah:
1. Soomaalida intooda badan caqiidadooda ugu weyn ee ay aaminsan
yihiin ee ay wax waliba ka hor
mariyaan waa xiriirka
qofka iyo qabiilkiisa ka
dhaxeeya (tribal affiliation.)
2. Waa dad aad u hadal badan (very talkative) oo laga yaabo xataa
hadalkaas intiisa badan in uusan
wadan wax nuxur ah ee aan ka
aheyn danbi iyo xan.
3. Waa dad kul-kulul (tempered people) oo haddii ay qof kale laba eray is
dhaafsadaan laga yaabo in uu si
fudud halkaas dagaal lama filaan
ah uga dhaco.
4. Waa dad aanay jirin caqiido ama mabda' lagu yaqaan oo ay ku dhintaan oo
aan ka aheyn weyneynta ama
qadarinta gaarka ah ee ay u
hayaan qabiilka.
5. Inta badan dadka Soomaaliyeed, ama miyi ha joogaan ama magaalo e', waa
dad jecel in ay ka war hayaan
waxa ka socda guud ahaan
caalamka, gaar ahaan dhinaca
wararka xambaarsan dhiilada.
Dhanka kale, Soomaalidu waa dad
la oran karo waxay si weyn u
jecel yihiin in ay waxa aduunka
ka socda wax ka ogaadaan ama wax
ka kororsadaan (very informative
people.)
6. Waa dad aan laheyn wadaniyad (Nationalism), isla markaana ay yar tahay
inta sidii la rabay ugu camal
fasha diinta ay haystaan ee
Islaam-ka.
7. Waa dad jecel in ay had iyo jeeraale xushmeeyaan ajnabiga iyagana is
gumaadaan ayada oo aanay jirin
wax karaamo ah ama xushmo ah oo
ay dhexdooda isu hayaan.
8. Qofka Soomaaliga ah waxuu had iyo jeeraale jecel yahay in uu intii
karaankiis ah ku hadlo ama wax
ku qoro luuqad ajnabi, isaga oo
yasaya tiisa Soomaaliga, aadna
marar badan arkeyso in ayba
intooda badan macno ugu fadhiyin
xafidaada iyo ku dhaqanka
diintooda, dhaqankooda iyo
luuqadooda. Waxaa kale oo la
oran karaa Soomaalidu inta badan
waxay inta badan jecel yihiin in
ay cadowgooda garab iyo gaashaan
u noqdaan.
9. Umadda Soomaaliyeed inteeda badan halyeyadooda iyo kuwii naftooda usoo
huray difaacidda dadka, diinta,
sharafta iyo ciidda Soomaaliyeed
waxay u bixiyeen magacyo xun-xun,
ayaga oo isla markaana ku
sheegaya dadkaas magaca iyo
maamuuska ku leh taariikhda
Soomaaliya in ay ahaayeen (argagixiso,
tuugo, dambiileyaal iwm.)
10. In badan oo Soomaalida ka
mid ah ma kala oga sumcad xumada
ay leedahay cadawgaada oo la'isu
dhiibo iyo saameynta ay
arrintaas foosha xun ku yeelan
doonto jiilka danbe sanooyinka
iyo qarniyaalka soo socda.
11. Intii uu qof Soomaali ah qof
kale oo Soomaali ah la heshiin
lahaa, ama qabiil Soomaaliyeed
uu qabiil kale la heshiin lahaa,
waxaa uga fiican in uu la
dagaalamo oo uusan waligiis la
heshiin. Sababtuna wax kale ma
ahan ee waa ayada oo ay
Soomaalidu u aragto wadahadalka
iyo heshiiska arrin hoose oo
raqiis ah oo laga yaabo in
qofkaas ama qabiilkaas heshiiska
qaatay ay aflagaado aan la
qaadan karin ku noqoto, ama
waxaaba la oran karaa umadda
Soomaaliyeed dhexdeeda ma jiro
qof ama qabiil xor ah oo uu
go'aan kasoo fuli karo ayaga oo
madax banaan.
12. Xiligii ay inta badan umadda
Soomaaliyeed ku nooleyd
baadiyaha, aduunkana uusan
horumarin, bulshooyinka
caalamkana aanay noqon sidii
ayaga oo ku nool hal tuulo oo
kale, dadka Soomaaliyeed ayaga
oo taya xun ayaa waxaa waligood
qaraaci jiray gacan bir ahna ku
hayay si aanay u kala tagin oo
ay cadowgooda u raacin
halyeyadii ay ka midka ahaayeen:
Axmed Bin Ibrahin (Axmed Gurey),
Sayid Maxamed Cabdulle Xasan iyo
Maxamed Siyaad Barre.
Waxaa xusid mudan in halyeyadii
mudada dheer Soomaalida gacanta
birta ah kusoo hayay ay maanta
ciida ka hooseeyaan, Soomaalidii
horay loo yiri "car yaan
laynin oo xukuma"
ay qaab daradii iyo gaala
jaceylkii kusii darsatay
ilbaxnimo-xumo iyo iyaga oo
gaalada af garanaya oo aan
turjubaanba u baahneyn.
Marka su'aasha hadda meesha ku
jirtaayi waxay tahay,
Soomaalidii way il baxaday oo ma
ahan tii shalay xooga lagu hayn
jiray, waxayna caqli iyo indho
ka dhigteen in ay u kala
dhuuntaan cadowga umadda
Soomaaliyeed, sidee baa la'isugu
keeni karaa ama yaa dib danbe u
xukumi doona?
Qofkii raba in uu wax ka ogaado
Soomaalida tayo iyo tayo xumo
waxay leedahay, ha akhristo
gabayadii Sayidka ama buugagta
ay ka midka yihiin:
Somali
Nationalism (Author: Saidia
Tofwal) iyo buugga la yiraahdo
The pursuit of mad mullah
(Author: Captain McWil).
Caadiyan, qofka Soomaaliga ah
markuu wax sheegayo ama wax
hasoo barto ama jaahil ha
ahaadee, waxaa jira dhowr
arrimood oo ay ka siman yihiin,
kuwaasoo ah: In ay ka maqan
tahay waxa la yiraahdo
DHEX-DHEXAADNIMO (Neutralism),
DAACAD-NIMO (Sincerity) IYO
MACQUUL-NIMO (Rationalism.)
Goormay Soomaalidu heshiin
doontaa?
Marka laga
eego dhinaca rajada kaliya ee
hadda jirta (Optimistic
Prospective Side.)
Rajada kaliya ee ay in badan
Soomaalida maanta qabaan waxay
tahay in ay labada garab ee
hubeysan ee Soomaalida ah (kuwa
dowladda KMG ah iyo kooxaha
kasoo horjeeda) ay miiska wada
hadalka shuruud la'aan kusoo
fadhiistaan ayaga oo u turaya,
bad-baadinayana dad iyo duunyo
dhulkii Soomaaliyeed waxii haray.
Goormay Soomaalidu heshiin
doontaa?
(Marka
laga eego dhinaca quusta iyo
raja xumida hadda jirta/
Pessimistic Prospective Side.)
Ayada oo la oran
karo xalka Soomaalida maanta
waxa uu yahay Rabi un baa garan
kara, ayaa haddana marka si
fiican loo eego dabeecadaha la
yaabka leh ee ay dadka
Soomaaliyeed leeyihiin ee kore,
waxaa la oran karaa xalka
Soomaaliya waxuu noqon karaa mid
ka mid ah qodobada soo socda:-
1. Markii ay Carab heshiiso, ama ay Carab iyo Yuhuud heshiisaan, laga
yaabo in ay Soomaliya heshiiso.
2. Haddii ay gebi ahaanba hal mar gaalo Islaanto, qoraxdana ay galbeed
kasoo baxdo, laga yaabo in ay
Soomaalida qabiilka iska dhaafto
ama ay heshiiso.
3. Haddii ay wadamada reer Galbeedka, kuwa Carabta iyo kuwa dariska la ah
Soomaaliya dantooda ka dhex
waayaan Soomaaliya, sidaas
awgeedna ay faraha kala baxaan
arrimaha Soomaaliya, laga yaabo
in ay Soomaaliya heshiiso.
4. Markii qof qaaimul wadan Soomaali ah oo wax qaribay cidda
qabataayi ay ugu horeeyaan
qabiilkiisa oo maxkamad lasoo
taago, lagana jaaseeyo danbiyada
uu galay, laga yaabo in ay
Soomaaliya heshiiso.
5. Markii la helo helyey Soomaalida oo dhan isu keena, dabadeedna
gacan bir ah ku qabto oo ka
dhiga Soomaalida inta xun wax la
laayo, wax la xiro iyo wax xoog
sharciga lagu fahansiiyo,
markaasna waa laga yaabaa in ay
Soomaalida heshiiso.
6. Haddii ay Soomaalida intii muddo ah kusii jirto silaca ay hadda
ku sugan tahay, waa suurta gal
in uu aakhirka kuleylka taabto
oo ay dhinacyada is hayaa ku
heshiiyaan nabad aanay rabin oo
dani kugu qasabtay ah.
7. Haddii aduunka laga waayo xiriir wada shaqeyneed iyo is fahan ee dhex
mara ADOON IYO NINKA ISKA LEH
(MASTER & HIS SLAVE), sidaas
awgeedna ay madax banaanaadaan
kuwa aanay talada ka go'in ee
Soomaalida ah ee awaamiirta laga
soo siinayo wadamo kale, waa
suurtagal in ay Soomaalida
heshiiso.
8. Haddii ay suurtagal tahay in la helo hal qodob oo ka mid ah
todobada qodob ee sare, waa
suurtagal in xalka Soomaaliya la
helo, balse haddii aanay
suurtagal aheyn in la helo mid
ka mid ah qodobada sare, waxaan
filayaa in aanay suurtagal aheyn
in mar dhow la helo xal waara oo
Soomaaliya loo helo iyo
Soomaalida oo dhexdeeda ka
heshiiso toona.
Maxaa dhici kara haddii
ay fashilmaan wadahadalada ay
beesha caalamka rabto in ay ku
dhex-dhexaadiso dowladda KMG ah
iyo kooxaha kasoo horjeeda?
Fashilaad ku timaada wada
hadalada ay beesha caalamka ka
dhex wado dowladda KMG ah iyo
kooxaha kasoo horjeeda waxay
noqon doontaa guul dara iyo
bur-bur hor leh oo umadda
Soomaaliyeed usoo hoyata iyo
guul kale oo cadowga
Soomaaliyeed uu ku naaloodo.
Soomaalida wax garadka ah
sidey u arki doonaa cidii isku
dayda in ay fashiliso
wadahadaladaas?
Waxaa xaqiiqo ah in wixii hadda
ka danbeeya ay si weyn isha ugu
hayn doonaan Soomaalida inteeda
wax garadka ah ee waliba
wadaniyiinta ah cidii isku dayda
in ay si dadban iyo si toos ah
wax uga haleeyaan. Haddaba,
cid kasta oo ka tirsan labada
garab ee dowladda KMG ah ama qof
kasta oo saameyn ku leh arrimaha
Soomaaliya ee isku daya in uu si
dadban iyo si toos ah toona u
fashiliyo wada hadalada lagu
dhex-dhexaadinayo dowladda KMG
ah iyo kooxaha kasoo hor jeeda,
waxay u arki doonaan QAAIMUL
WADAN (TRAITOR) umado kale u
shaqeeya ee doonaya in aanay
Soomaalida marnaba heshiinin.
Waxaan qoraalkeyga kusoo
gebo-gabeynayaa, in ay maanta
guud ahaan Soomaalida inteeda
wax garadka ah la gudboon tahay
in ay gacmaha is qabsadaan,
iskuna dayaan sida si ugu fudud
ee ay wadankooda uga saari
lahaayeen ciidamada ajnabiga ah,
isla markaana ay u heli
lahaayeen dowlad loo dhan yahay
ee umadda ugu adeegta sinaan iyo
cadaalad.
Xasuusin:
Dadka aan wax fahmin ee aan
mabaadi' aas-aasi ah oo ay ku
dhintaan laheyn ee aan qaoraalka
sare ku xusay ayaa waxaan ula
jeedaa inta badan dadka
Soomaaliyeed ee ulama jeedo guud
ahaan umadda Soomaaliyeed.
Sidaas awgeed, yaanan
qoraalkeyga aan ku
bartilmaameedsanayo dadka inta
badan ee xun loo qaadanin
aflagaado aan ugu tala galay
umadda Soomaaliyeed oo dhan oo
aan hubo in ay ku jiraan kuwo
fiican oo wadaniyiin ah, isla
markaana ku ad-adag caqiidadooda.
Aden A. Ali (Colujog), President of EADO
(East African Development Organization)
adencolujoog@yahoo.com
|
|
|
|