SOMALI SERVICE
BBC 11:00 
BBC 14:00
BBC 18:00

Islamic centers
in California

Islamic centers
in Arizona

Worldwide Prayer Times

Somali Links
A
Afrikadabari
Abudwaq
Aftahan
Alldalka.com
Allpuntland
Allwadani.com
Allwaamo.com
Aminarts
B
Bakaaraha.com
BBC L. Af som/ga
Biyokulule.com
Buurhakaba.com
Buuloburde.com
C
Cadayga Cayaaraha.com Cadaado.net
Ceelbuurnet
Ceelbuur Online 
Ceelwaaq.com
D
Dayniile
Dhahar
Deeyoo

DjiboutNet
Diinsoor
G
Geeska Afrika
Goldogobsite.com
Goobjoog
H
Hadrawi
Halgan
Hiiraan Online
Himilo 
Hiiraan.com
I
Idaacadda Qur'anka
Israac
Islam East Africa
Idamaale
J
Jowhar.com
Jannaale
Jiimonet
M
Marka Caddeey
Mudug Online
Midgaan.com
Midnimo.com
S

Allgedo News, May 13,, 2008

SOOMAALIDU WAA COWRO CID ASTURTA WAYDAY 
 

Hordhac

Sida la ogyahay Soomaaliya 19 sanno ee la soo dhaafay waxay ku jirtay burbur baahsan oo sabab u noqday in malaayiin dad ah ay naf iyo maalba waayaan, waxaa guryahoodii ka qaxay ummaddii oo dhan oo isugu jirta kuwo dibadda dalka uga cararay iyo kuwo dalka gudihiisa ku silicsan.xasuuqa dadka ra’yidka iyo barakicinta ayaa si qorsheysan u dhaca.

 Waxaa burburay adeegyadii bulshada sida caafimaadkii,tacliintii, nabaddii, nidaamkii iyo kaladanbayntii iyo midnimadii ummadda iwm. Waxaa iyaqna burburay dhaqaalihii dalka oo dhan mid guud iyo mid gaaraba.Waddankii wuxuu  u kala googo’ay deegaanno lugu maamullo hab-beelleedyo.

Waxaa kaloo nabaad guur xun lugu hayaa dhirtii oo dhuxul laga shido kadibna dibadda loo dhoofiyo, xoolihii dhadig iyo ugaartii, halka baddana si sharci daro ah looga kaluumaysto sunna lugu shubo.Waxaa dhibaatooyinka sare ku xusan garab socday masiibooyin dabeeci ah (abaaro, cudurro, cuntooyin dhacay iyo daadad). 

Waxaa mugdi galay madax-bannaanidii dalku lahaa. Waxaa si joogto ah loogu xadgudba xudduudii (dhul, bad iyo cir) iyo ammuurihii gudaha ee dalka Soomaaliya lahaa. Waxaa caado noqotay in muwaadiniin Soomaaliyeed adduun-weynaha qaarba meel loo dhoofiyo, waxaa ugu danbeeyey lix wiil oo burcad-badeed ahaa oo faransiisku qaatay. Wiilashaasi danbiga ay galeen wuxuu ahaa in dalka gudihiisa maxkamad lugu saarro. Waxaa kaloo dhawaan ciidamo Itoobiya ahi ay kaxaysateen guddoomihii gobolka Mudug, sidaas oo kale ayaa dhalinyaro tiradooda guud lugu sheegay sideed ay ciidamo Itoobiya ahi magaaladda Gaalkacayo ka kaxaysteen, kuwaas oo haybtooda sababsadey (Absame). Arrimahan oo kale waxay horey uga dhici jireen Muqdisho, Boosaaso iyo Hargeysa. Ciidamo Itoobiyaan ah ayaa canshuur soomaaliya ka qaata sidda BBC, laanta af-ka soomaaligu sheegtay (03/05/08). Waxaa xarig iyo bahdil la’isgu darey guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee DFKG, xildhibaanno iyo madaxweynihii hore, Dr. C/qaasim Salaad Xasan, kuwaas oo sida la xaqiijiyeey wixii hanti ay haysteen laga qaatay.  
 

Dowladda FKMG, Waxay joojisey baasaboorkii Soomaaliga ahaa baasaboor kalena luguma badelin. Sixir-barar sababtiisu tahay lacaggo been-abuur ah ayaa nolosha dan-yarta dhibaato weyn u geysatay kadib markii Lacagtii sharciga ahayd laga diidey, luguna qasbay in ay macayshada Doolar ku iibsadan!!   

Waxaa kaloo burburay hidihii iyo dhaqankii,taariikhdii,garaadkii iyo qiimihii qofka Soomaaliga ahi lahaa. 

Waxaa mugdi galay qarannimadii iyo madax-bannaanidii Soomaaliya.Soomaaliya waxay noqotay meel aysan dunidu kala xigin laakiin lugu kala xoog badan yahay.

Arrimahani waxaay dhacayaan xilli 14 shir Soomaalida loo qabtay haddana ciidamo shisheeyana 58,000 ay dalka joogaan kuwo hor leh la keenayo, magaaladii caasimadda ahayd ee Muqdisho ay ka socdaan dhibaatooyinkii dalka soo maray kuwii ugu qasaaraha badnaa. Dowladda dalka ka jirtana ay noqotay mid awoodeedii dhaafiweydey wareysiyo ay war-baahinta siiso iyo codsiyo ay ku doonayso ciidamo shisheeye!

Shirarka dib u heshiisiinta ayaa iyana noqday mashaariic (foreign Projects).

Waxaan muuqan figrad xal u noqon karta dhibaatooyinka aynu kor ku soo sheegnay. 

Haddaba maxay tahay sababta dhibaatooyinkan?
 

1.  Siyaasiyiinta Soomaalida oo aan lahayn aragti qaran oo fog, danta guudna aan ka fakarin.

2.  Ummaddii Soomaaliyeed oo la kala safatay siyaasiyiinta, oo an garan danteedii, taas oo sabab looga dhigi karo aqoon iyo waayo-aragnimo la’aan.

3.  Faragalin shisheeye oo ku dhex-baahsan Soomaalida.

4.  Beesha caalamka oo ku guul-dareysatay xal-u-helida dhibaatooyinka Soomaaliya, lana kala saftay dhicanyada isku haya soomaalida.

Si kastabaha ha ahaatee, si aynu gunta dhibaatooyinka wax uga sheegno waxaynu qormadan hoose ku sharaxi doonaa waxa ay kala yihiin “Qaran” iyo “dowalad” kadib markaan aragnay dad badan oo soomaaliyeed oo aan  kala aqoon waxa u dhexeeya Qaran iyo dowlad.
 

Qaran, waxa loo yaqaan waxaa asaasi u ah: ummad mid ah oo wadaagta  mabaadii, danno, dhul leh xudduudo (dhul, bad iyo cir) lehna astaan (calan) muuqaalkiisu ka turjumayo qayb ka mid ah mabaadiida ummaddu wadaagto. Ummaddaas oo ka tashata ayahooda leh nidaam dowladeed oo ka maxad-bannaan fargalin shisheeye. Intaas isku darkooda ayaa la yiraahda”Soomaaliya”qofkiina waxa noqdey “soomaali”. 

Dowladdu waa in ay u maxad-bannaan tahay maamullida danaha dalka iyo illaalinta qarannimada wadanka (xuquuqda gaarka ah).Sidaas oo kale dowladdu waa in ay illaalisaa mabaadiida laf-dhabarka u ah qarannimada iyo sharuucda wadanka, isla markaana ay dhowrtaa qawaaniinta caalamiga ah.

Waajibaadka dowladda waxaa lugu soo koobi karaa saddex arrimood: ilaalinta qarannimada, sharuucda wadanka, iyo horumarinta wadanka. Waxaa soo raaca u hogaansanaanta sharciyadda caalamiga ah.

Xuquuqda wadanka u gaarka ah, waxaa loola jeedaa Qaran kasta oo xubin ka ah Ururka Qaramada Midoobay, waxaa waajib ku ah in uu illaaliyo xuquuqda gaarka ah ee dal leeyahay sida xuduudaha, ammuuraha gudaha iyo danaha sharciga ah, kuwaas oo haddii lugu xadgudbo noqonaya in lugu xadgudbay qawaaniinta caalamiga ah sida kan UN-Charter-ka (sovereignty of state).

Arrimaha kale ee dowladdu xilsaaran illaalintooda waxaa ka mid ah Danaha ummaddu wadaagto sida khayraadka wadanka oo ay k mid yihiin: xoolaha, badda, birriga hantida guud iyo mida gaar. Danaha guud ee la wadaago waxaa kamid ah, tacliinta (maadi & diini), caafimaadka shaqada, jinsiyada iyadoo aan loo kala saarin muwaadiniinta hayb, deegaan iyo aragti midna. Illaalinta nafta iyo sharafta muwaadin kasta (gudaha dalka iyo dibadda) iyana waa masuuliyad saaran dowladda wadanka ka jirta.

Dowladda wadanka ka jirta waxay awood u leedahay in ay heshiisyo gasho, laakiin heshiisyadu waa in ay noqdaan kuwo ka turjumaya danaha wadanka oo aan ka horimanayn sharuucda wadanka iyo kuwa caalamiga ah.

La xisaabtanka madaxda sare, waa arrin muhiim jiritaanka wadanka iyo wadda shaqeynta shacabka iyo dowladda danahooda gacanta ku haysa. Haddii madaxdu ay waajibaadkooda ka soo bixi waayaan muwaadiniinta waxaa laga rabaa in ay madaxda maamulka badalaan iyagoo aan wax u dhimin qarannimada wadanka ama sharafta muwaadinku leeyahay ee lugu ekeynaya arrinta xil ka qaadis oo kaliya. Inta aan madaxda la dooran waxaa la mariyaa waxa loo yaqaan“political correctness”taas oo lugu eego in musharaxu uu ka bixi karo shaqadaas. Waxyaabah laga eego waxaa ugu horeeya in qofku uu leeyahay fal-danbiyeed saamayn kara xilka loo dhiibayo iyo in uu awood u leeyahay hogaaminta dalka.

Haddii hoggaanka dowladdu xumaado yaa qarannimada illaaliya?

Illaalinta qarannimadu waa waajib saaran muwaadin kasta iyagoo ka duulaya mabaadiidii qarannimada asaasiga u ah (midnimada, danaha iyo sharcuucda) wadanka, taasina waxay keentaa in dowlad, koox, ama qof khaldan aysan wax dhibaato ah samyn.Laxisaabtanka madaxda sare ee dalka iyo illaalinta qarannimada, waxaa marka labbaad masuul ka ah xildhibaanda shacabka oo wakiil ka ah ummaddii.

Haddii wadankii dowlad iyo ummad ilaashada waayeey, yaa ilaaliya?

Halkaasi waa meesha maanta soomaaliya taal, sida ku cad axdiga Ururka Qaramada Midoobay(UN), marka sidaas oo kale ay dhacdo waa waajib saaran United Nation-ka in ay iyadu gacanta ku qabato wadanka inta ummaddii lahayd ay awood u yeelanayso maamulida wadankooda.

Marka laga hadlo qaran (madax-bannaani) waxaa kugu soo dhacaya gumeysi (isticmaar), sidaas daraateed, aynu wax yar ka sheegno sifaha gumeystuhu leeyahay.gumeysituhu mahan cid gaar ah sida Yurub, Mareykan iwm, ee waxaa weeye cid kasta oo ummad xoog ama xeelad ku qabsata oo ka burburisa: mabaadiida, diinta, dhaqanka, tacliinta, taariikhda, dhaqaalaha, akhlaaqda iyo dadka waxgaradka ah.Gumeytaha waxaa lugu yaqaan in uu dadka ummaadaas wax ugu yaal (nin doorka) u tuso kuwo xun, halka kuwo aan bulshada wax ugu oollin uu xanbaarsiiyey mabadiida gumeysiga uu u tuso kuo wanaagsan. Waxaa kaloo gumeytaha lugu yaqaan in uu dal iyo dad magac kaliya lahaa uu magacyo iyo xudduudo badan u sameeyo.

Haddaba akhriste, qoraalkii aynu u bixinay “Soomaalidi waa cowro cid asturta wayday”qaybtii labaad, asbuucan intaas ha inoo joogo.

Waxaa naga xasuusin ah in barnaamijkan oo taxane ah aad kala socon kartaan bogga wargeyska. Sidaas iyo nabad galyo.



A.  Gurato -
Guarto2@hotmail.com

 

Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com
 


 

 

 


 


 

                            Allgedo  Online © 2006 - All Rights Reserved.                        
 Contact us at:
allgedo@allgedo.com