Allgedo News, May
13,, 2008
|
SOOMAALIDU WAA COWRO
CID ASTURTA WAYDAY
Hordhac
Sida la
ogyahay Soomaaliya 19 sanno ee la soo
dhaafay waxay ku jirtay burbur baahsan
oo sabab u noqday in malaayiin dad ah ay
naf iyo maalba waayaan, waxaa
guryahoodii ka qaxay ummaddii oo dhan oo
isugu jirta kuwo dibadda dalka uga
cararay iyo kuwo dalka gudihiisa ku
silicsan.xasuuqa dadka ra’yidka iyo
barakicinta ayaa si qorsheysan u dhaca.
Waxaa
burburay adeegyadii bulshada sida
caafimaadkii,tacliintii, nabaddii,
nidaamkii iyo kaladanbayntii iyo
midnimadii ummadda iwm. Waxaa iyaqna
burburay dhaqaalihii dalka oo dhan mid
guud iyo mid gaaraba.Waddankii wuxuu u
kala googo’ay deegaanno lugu maamullo
hab-beelleedyo.
Waxaa kaloo nabaad guur xun lugu hayaa
dhirtii oo dhuxul laga shido kadibna
dibadda loo dhoofiyo, xoolihii dhadig
iyo ugaartii, halka baddana si sharci
daro ah looga kaluumaysto sunna lugu
shubo.Waxaa dhibaatooyinka sare ku xusan
garab socday masiibooyin dabeeci ah (abaaro,
cudurro, cuntooyin dhacay iyo daadad).
Waxaa mugdi
galay madax-bannaanidii dalku lahaa.
Waxaa si joogto ah loogu xadgudba
xudduudii (dhul, bad iyo cir) iyo
ammuurihii gudaha ee dalka Soomaaliya
lahaa. Waxaa caado
noqotay in muwaadiniin Soomaaliyeed
adduun-weynaha qaarba meel loo dhoofiyo,
waxaa ugu danbeeyey lix wiil oo
burcad-badeed ahaa oo faransiisku qaatay.
Wiilashaasi danbiga ay galeen wuxuu ahaa
in dalka gudihiisa maxkamad lugu saarro.
Waxaa kaloo dhawaan ciidamo Itoobiya ahi
ay kaxaysateen guddoomihii gobolka Mudug,
sidaas oo kale ayaa dhalinyaro tiradooda
guud lugu sheegay sideed ay ciidamo
Itoobiya ahi magaaladda Gaalkacayo ka
kaxaysteen, kuwaas oo haybtooda
sababsadey (Absame). Arrimahan oo kale
waxay horey uga dhici jireen Muqdisho,
Boosaaso iyo Hargeysa. Ciidamo
Itoobiyaan ah ayaa canshuur soomaaliya
ka qaata sidda BBC, laanta af-ka
soomaaligu sheegtay (03/05/08). Waxaa
xarig iyo bahdil la’isgu darey
guddoomiyihii Maxkamadda Sare ee DFKG,
xildhibaanno iyo madaxweynihii hore, Dr.
C/qaasim Salaad Xasan, kuwaas oo sida la
xaqiijiyeey wixii hanti ay haysteen laga
qaatay.
Dowladda FKMG, Waxay
joojisey baasaboorkii Soomaaliga ahaa
baasaboor kalena luguma badelin.
Sixir-barar sababtiisu tahay lacaggo
been-abuur ah ayaa nolosha dan-yarta
dhibaato weyn u geysatay kadib markii
Lacagtii sharciga ahayd laga diidey,
luguna qasbay in ay macayshada Doolar ku
iibsadan!!
Waxaa kaloo burburay
hidihii iyo
dhaqankii,taariikhdii,garaadkii iyo
qiimihii qofka Soomaaliga ahi lahaa.
Waxaa mugdi
galay qarannimadii iyo madax-bannaanidii
Soomaaliya.Soomaaliya waxay noqotay meel
aysan dunidu kala xigin laakiin lugu
kala xoog badan yahay.
Arrimahani waxaay dhacayaan xilli 14
shir Soomaalida loo qabtay haddana
ciidamo shisheeyana 58,000 ay dalka
joogaan kuwo hor leh la keenayo,
magaaladii caasimadda ahayd ee Muqdisho
ay ka socdaan dhibaatooyinkii dalka soo
maray kuwii ugu qasaaraha badnaa.
Dowladda dalka ka jirtana ay noqotay mid
awoodeedii dhaafiweydey wareysiyo ay
war-baahinta siiso iyo codsiyo ay ku
doonayso ciidamo shisheeye!
Shirarka dib u heshiisiinta ayaa iyana
noqday mashaariic (foreign Projects).
Waxaan muuqan figrad xal u noqon karta
dhibaatooyinka aynu kor ku soo sheegnay.
Haddaba maxay tahay
sababta dhibaatooyinkan?
1. Siyaasiyiinta
Soomaalida oo aan lahayn aragti qaran oo
fog, danta guudna aan ka fakarin.
2. Ummaddii
Soomaaliyeed oo la kala safatay
siyaasiyiinta, oo an garan danteedii,
taas oo sabab looga dhigi karo aqoon iyo
waayo-aragnimo la’aan.
3. Faragalin shisheeye oo ku
dhex-baahsan Soomaalida.
4. Beesha caalamka oo ku
guul-dareysatay xal-u-helida
dhibaatooyinka Soomaaliya, lana kala
saftay dhicanyada isku haya soomaalida.
Si kastabaha ha ahaatee, si aynu gunta
dhibaatooyinka wax uga sheegno waxaynu
qormadan hoose ku sharaxi doonaa waxa ay
kala yihiin “Qaran” iyo “dowalad” kadib
markaan aragnay dad badan oo
soomaaliyeed oo aan kala aqoon waxa u
dhexeeya Qaran iyo dowlad.
Qaran, waxa loo
yaqaan waxaa asaasi u ah: ummad mid ah
oo wadaagta mabaadii, danno, dhul leh
xudduudo (dhul, bad iyo cir) lehna
astaan (calan) muuqaalkiisu ka turjumayo
qayb ka mid ah mabaadiida ummaddu
wadaagto. Ummaddaas oo ka tashata
ayahooda leh nidaam dowladeed oo ka
maxad-bannaan fargalin shisheeye. Intaas
isku darkooda ayaa la
yiraahda”Soomaaliya”qofkiina waxa noqdey
“soomaali”.
Dowladdu waa in ay u maxad-bannaan tahay
maamullida danaha dalka iyo illaalinta
qarannimada wadanka (xuquuqda gaarka
ah).Sidaas oo kale dowladdu waa in ay
illaalisaa mabaadiida laf-dhabarka u ah
qarannimada iyo sharuucda wadanka, isla
markaana ay dhowrtaa qawaaniinta
caalamiga ah.
Waajibaadka dowladda waxaa lugu soo
koobi karaa saddex arrimood: ilaalinta
qarannimada, sharuucda wadanka, iyo
horumarinta wadanka. Waxaa soo raaca u
hogaansanaanta sharciyadda caalamiga ah.
Xuquuqda wadanka u
gaarka ah, waxaa loola jeedaa Qaran
kasta oo xubin ka ah Ururka Qaramada
Midoobay, waxaa waajib ku ah in uu
illaaliyo xuquuqda gaarka ah ee dal
leeyahay sida xuduudaha, ammuuraha
gudaha iyo danaha sharciga ah, kuwaas oo
haddii lugu xadgudbo noqonaya in lugu
xadgudbay qawaaniinta caalamiga ah sida
kan UN-Charter-ka (sovereignty of
state).
Arrimaha kale ee
dowladdu xilsaaran illaalintooda waxaa
ka mid ah Danaha ummaddu wadaagto sida
khayraadka wadanka oo ay k mid yihiin:
xoolaha, badda, birriga hantida guud iyo
mida gaar. Danaha guud ee la wadaago
waxaa kamid ah, tacliinta (maadi & diini),
caafimaadka shaqada, jinsiyada iyadoo
aan loo kala saarin muwaadiniinta hayb,
deegaan iyo aragti midna. Illaalinta
nafta iyo sharafta muwaadin kasta (gudaha
dalka iyo dibadda) iyana waa masuuliyad
saaran dowladda wadanka ka jirta.
Dowladda wadanka ka jirta waxay awood u
leedahay in ay heshiisyo gasho, laakiin
heshiisyadu waa in ay noqdaan kuwo ka
turjumaya danaha wadanka oo aan ka
horimanayn sharuucda wadanka iyo kuwa
caalamiga ah.
La xisaabtanka madaxda sare, waa arrin
muhiim jiritaanka wadanka iyo wadda
shaqeynta shacabka iyo dowladda
danahooda gacanta ku haysa. Haddii
madaxdu ay waajibaadkooda ka soo bixi
waayaan muwaadiniinta waxaa laga rabaa
in ay madaxda maamulka badalaan iyagoo
aan wax u dhimin qarannimada wadanka ama
sharafta muwaadinku leeyahay ee lugu
ekeynaya arrinta xil ka qaadis oo kaliya.
Inta aan madaxda la dooran waxaa la
mariyaa waxa loo yaqaan“political
correctness”taas oo lugu eego in
musharaxu uu ka bixi karo shaqadaas.
Waxyaabah laga eego waxaa ugu horeeya in
qofku uu leeyahay fal-danbiyeed saamayn
kara xilka loo dhiibayo iyo in uu awood
u leeyahay hogaaminta dalka.
Haddii hoggaanka dowladdu xumaado yaa
qarannimada illaaliya?
Illaalinta qarannimadu waa waajib saaran
muwaadin kasta iyagoo ka duulaya
mabaadiidii qarannimada asaasiga u ah (midnimada,
danaha iyo sharcuucda) wadanka, taasina
waxay keentaa in dowlad, koox, ama qof
khaldan aysan wax dhibaato ah
samyn.Laxisaabtanka madaxda sare ee
dalka iyo illaalinta qarannimada, waxaa
marka labbaad masuul ka ah xildhibaanda
shacabka oo wakiil ka ah ummaddii.
Haddii wadankii
dowlad iyo ummad ilaashada waayeey, yaa
ilaaliya?
Halkaasi waa meesha maanta soomaaliya
taal, sida ku cad axdiga Ururka Qaramada
Midoobay(UN), marka sidaas oo kale ay
dhacdo waa waajib saaran United
Nation-ka in ay iyadu gacanta ku qabato
wadanka inta ummaddii lahayd ay awood u
yeelanayso maamulida wadankooda.
Marka laga hadlo qaran (madax-bannaani)
waxaa kugu soo dhacaya gumeysi (isticmaar),
sidaas daraateed, aynu wax yar ka
sheegno sifaha gumeystuhu
leeyahay.gumeysituhu mahan cid gaar ah
sida Yurub, Mareykan iwm, ee waxaa weeye
cid kasta oo ummad xoog ama xeelad ku
qabsata oo ka burburisa: mabaadiida,
diinta, dhaqanka, tacliinta, taariikhda,
dhaqaalaha, akhlaaqda iyo dadka
waxgaradka ah.Gumeytaha waxaa lugu
yaqaan in uu dadka ummaadaas wax ugu
yaal (nin doorka) u tuso kuwo xun, halka
kuwo aan bulshada wax ugu oollin uu
xanbaarsiiyey mabadiida gumeysiga uu u
tuso kuo wanaagsan. Waxaa kaloo
gumeytaha lugu yaqaan in uu dal iyo dad
magac kaliya lahaa uu magacyo iyo
xudduudo badan u sameeyo.
Haddaba akhriste,
qoraalkii aynu u bixinay “Soomaalidi waa
cowro cid asturta wayday”qaybtii labaad,
asbuucan intaas ha inoo joogo.
Waxaa naga xasuusin ah in barnaamijkan
oo taxane ah aad kala socon kartaan
bogga wargeyska. Sidaas iyo nabad galyo.
A.
Gurato -
Guarto2@hotmail.com
Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com
|