Allgedo News,
September 24, 2008
|
Hunguri xumada iyo dhaxalkeeda!
By Caaqil Axmed
Waxaa beryahaan webabka
soomaalida qabsadey sheekada
magaalada kismaayo, dadka qaar
baa ku leh "magaalada
waxaa qabsadey wadaado isku
dhafan oo soomaaliyoo dhan ah",
qaar waxey ku leeyihiin "maya
ee waxaa qabsadey beesha
Ogaadeen oo magaca wadaadada ku
gabaneysa",
kuwo kale Kablalax iyo wax la
mid ah ayey ku dareen, qaar
kalena su’aalo badan ayey
keeneen oo ah "qolyaha
beesha Sade ee wadaada ah miyay
waalan yihiin markii ay niman
qabiil ku gabanaya wax ku
darsanayaan?."
Hadaba waxaas oo dhan hal arin
ah ayey isla ogol yihiin,
taasina waa Kismaayo maanta kuma
jirto gacantii sadexdii nin ee
ilma adeerka ahaa ee intii mudda
ahba ka ariminayay oo maamul
xumo iyo hunguri xumi awgeed ku
heshiin waayay xoogaaga
shilimaadka xaaraanta ah oo
Dekeda iyo Airportka laga
aruurin jirey.
Waa kuwama sadexdaas nin?
Waa: C/risaaq Faarax Taano,
Yaasiin Nuur Gaas (Indho raadeer)
iyo Barre Aadan Shire (Hiiraale.)
Ayada oo ay haddaba jirto
xaqiiqada aan kor kusoo sheegay
in ay tahay waxa ay beesha Sade
ku weyday maamulkii magaalada
dekedda ah ee Kismaayo, ayaa
waxaa si gaar ah loo
canbaareeyey Barre Hiiraale,
laakiin waxaa kasii danbi badan
labada kale ee iyagu
mas’uuliyadeeda iska leh wixii
keeney in magaalada dhexdeeda
lagu dagaalamo oo Al-shabaab iyo
cid walba meesha ugu
yeerey.
Soomaalidu waxey ku maahmaahdaa
"waxaad
qarsataba waa ku qarsadaan!"
oo macnaheedu yahey hadii aad
cudur qarsato waad u dhimaneysaa.
Reer sade waxey ka xishoodeen
iney sadexdaan iimaanlaawayaal
farta ku fiiqaan oo iska dhex
qabtaan, maantase miraheedii
ayey guranayaan. Ma
ogtihiin in Kismaayo inta eysan
Al-shabaab iyo Kablalaxa aad
sheegeysaan aysan imaan in reer
Sade dhexdiisa lagu kala tagey
oo nin walba xeyn wiilal ah meel
ku xareystey? Mase
ogtihiin in kuwa badan oo reer
sade ah ay markii ey
isbaarooyinkii ay isku
xumeynaayeen sedexdaan nin
ee magaalada iyo daafaheeda
daadsanaa ay u adkeysan waayeen
ey Alshabaabka naftooda ku
biireen?
Aan u soo laabto su’aalihii
faraha badnaa ee dadku is
weydiinayey. Waxaas oo su’aalo
ah laba jawaabood ayaad kaga
qanci kartaan. Tan koowaad,
hadii beel Kablalax la yiraahdo
ay qaab qabiil beesha Sade oga
adkaan karto xageey jireen
Kablalaxaan tobankii sano ee aad
magaalada ka arimineysey?
Ma hada ayey rag usoo dhasheen?
Jawaabtu waa maya. Mida kale,
weligeed lama sheegin qoom
hunguri iyo xukun isku qabsadey
oo guuleysta. Waa hubaal in laga
faa iideysanayo kala
qeybsanaantooda oo si fudud
looga taqlusi karo.
Hadaba reer Sadoow, is weydiiya
su’aashan weligaa dagaal qabiil
lagaagama guuleysan ee maanta
maxaa keeney in laba sano
gudahood Barre sadex jeer
Kismaayo ka cararo? Markii
koowaad maxkamado xamar ka yimid
ayuu ka cararey isaga oonan
hal xabad ah ridin. Hadana mar
labaad Bu’aale ayey wixii uu
baabuur watey kaga furteen.
Hadana markii sadexaad ayuu
maanta Gedo usoo cararey isagoo
dhaawac iyo dhimashaba wata.
Miyeysan intaa garasho ugu
filneyn qofka caqliga leh inuu
is weydiiyo war xaaladu waa
sidee iyo maxaa is badaley?
Waa run wax badan ayaa is
badeley. Siyaasada
soomaaliya maanta ninkii raba
inuu qaab qabiil meel ku heysto
been ayuu isu sheegey, weliba
qabiil dhexdiisa hunguri isku
heysto haka yaabin iney meel ka
taliyaan.
Arinta Soomaaliya waxey isu
badeshey isbaheysiyo wadaado ah
oo Soomaaliyoo dhan jareer iyo
jileecba ay ku jiraan oo aanan
qabiilkuna ka maqneyn.
Qabiilada hubeysan ee dega
koonfurta Soomaaliya maanta
wiilashooda wadaadada ah ayey
hubkii u dhiibeen, kuwii
mooryaanta ahaana dowlada ayey
ku biireen iyagoo ciyaaraya
labada kaar ee
hadba kii soo baxa ayaan
cuneynaa; laakiin beesha Sade
waxaa hogaankeeda si
macangagnimo ah iskugu dhejinaya
magaalada Kismaayo sadex nin oo
caloosha wax galo waxaan aheyn
indhahoodu eysan qaban, waana
boogta laga heley in laga
weeraro xukun jecleysi aanan
meel dheer gaareyn iyo hunguri
waali ah oo ubadkooda xitaa ay
iibsanayaan hadii xoogaa
shilimaad ah loo sheego.
Barre waa xildhibaan Baydhabo
jooga oo la mid ah ragii ay beri
wax wada cuni jireen sida
Seeraar, Qanyare, Suudi yalaxoow,
Cismaan Caato,
iyo rag kaloo fara badan oo
Baydhabo jooga. Ragaas oo
dhan lacag waalan ayaa soo
martey qanyareba ha ugu
badnaadee iyo Airportkii
Dayniile oo xamar meesha ugu
dhaqaalaha badneyd heystey,
hadana maanta waxba kama hayaan
Airportiyadii iyo Dekedihii ay
lacagta waalan ka guran jireen.
Maanta waxey ku qanacsan yihiin
1500 doolar ee UNDP da ay
xildhibaanada siiso. Bil
walba ayey isaga qayilaan,
meeshooda ayeyna isaga jiraan ee
maxaa Barre keligiis cir
weyninka ku ridey oo uu Kismaayo
uga samri la’ yahey rag ilmo
adeeradiis ah ayaa cadkiisii u
cunaya’ee muu meeshiisa isaga
dhuunto oo shaley ragaan iyaga
ayaa Afguduud meesha ka eryadey
ee uu faraha uga qaado Kismaayo?.
Maya sidaa Barre kuma samro,
maxaa yeeley isaga oo Baydhabo
jooga oo aanan ka qeyb galin
dagaalkii Afguduud magaalada
looga saarey ayaa waxaa kismaayo
looga qorey lacag joogto ah bil
walba oo Baydhabo loogu dirayey,
waana tan keentey Barre
maalintii uu ina Faarax Taano ka
gooyey lacagtii loo diri jirey
maalintii ku xigtey uu Kismaayo
soo aado isagoo careysan oo leh
"ma
meeshii aan kaadida usoo cabey
ayuu nin Holand ka yimid aniga
igula xisaabtami karaa?"
Waa tan keentey in ina Faarax
taano shaqadii laga eryo oo uu
isna sidii nin dhaxal ku heley
magaalada yiraahdo "cid
shaqo iga qaadi kartaa ma jirto!"
Waxaase isna sidaas oo kale
waashey ninkii meesha lagu
bedeley ee Yaasiin Raadeer ahaa
oo yiri "hadii
aanan ana markeyga la ii deyn,
walee in uusan xal imaaneyn!"
sidaas awgeedna, isqab-qabsigaas
saddesxda nin ee ilma adeerka ah
ee ay talada ka luntay ay
sababtay in maalin walba dekedii
magaalada tiro ka shan jeer ah
ay maleeshiyo xirato ilaa markii
danbe nin walba maleeshiyadiisa
ku amro
isbaarooyin dhigta
oo dadka shacabka ah baada.
Waa tan keentey in dhalin
yaradii beesha Sade ee nadiifka
ahaa ay ciil iyo caro darteed
Al-shabaab ugu biiraan oo
magaalada afarta koona ka degaan
iyagoo balan ku qaadey inay
qasab isbaarooyinka ku qaadi
doonaan.
Arintaan si fudud oo sahlan ayey
ugu guuleysteen wadaadadii
beesha Sade. Waxa ayna
qaadeen dhamaan isbaarooyinkii
yaaley laga soo bilaabo Jilib
iyo xitaa kuwii dhex yiiley
magaalada gudaheeda oo arintu ay
u ekeyd mid meel fiican ku
socota. Faarax taano oo ku
xumeynaya labada nin ee isu
baheystey ayaa ku yiri dhalintii
wadaadada ahaa "soo
gala gudaha magaalada oo
hogaanka la wareega!",
waxaase arintaan ay u cuntami
weysey rug cadaaga weyn ee Barre
Hiiraale oo isu arkayey in
maalmihiisii Kismaayo ay
dhamaatey, hadii wadaada beesha
Sade ay hogaanka magaalada la
wareegaana inuusan aadi doonin
meel ka sokeysa Baydhabo. Xaal
markuu ku adkaaday, wax uu
sameeyana garan waayay ayuu
Barre wuxuu bilaabey inuu shirar
iyo abaabulo hoose ka bilaabo
magaalada oo dareen cabsi ah
geliyo dadkii beesha u dhashey
ee la dhacsanaa amaanka ay
wadaadadu keeneen.
Maalintii danbe iyadoo loo
fadhiyo wada hadalkii ugu
danbeeyey oo la isku raacey in
wadaadada beesha Sade maamulka
magaalada lagu wareejiyo, gaar
ahaan Sheikh Maxamuud iyo raga
kale ee Beesha ugu cad cadaa in
si gaar ah maamulka lagu
wareejiyo, ayaa waxaa bambo lagu
tuurey gaari ka mid ah teknikada
Barre oo meel maraya cida ku
tuurteyna lama yaqaano,
ragii gaariga wateyna waxba ma
gaarin, arintan oo lagaba yaabo
inuu Barre naftiisa ka danbeeyo
ayaa hadana aheyd fursad u timid
Barre. Waxaa uu iska
dhaadhacshey hadii ey xabadu
bilaabato beesha oo dhan sidii
caadada aheyd adiga ayey kugu
daba safanayaan oo maanta ayaad
heshey jaaniskii aad mudada
dheer sugeysey, sidaasna
Kismaayo mar kale gacantaada ha
ugu soo laabato, waxaana isla
markiiba maleeshiyadii Barre
weerar qaldan oo gardaro ah oo
aan ka fiirsasho laheyn ku
qaadeen wiilal wadaado ah oo
reer Sade ah oo ilaalo ka hayey
mid ka mid ah kontoroolada
magaalada laga soo galo oo aan
waxba ka war heyn.
Aqristoow, bal u fiirso arintan
meeshan Kablalax ma joogo ee yey
duulaanka ku qaadeen? Sow
kuwaan ay leynayaan maaha kuwii
ay isku dadka ahaayeen!.
Xabadii maalintaas bilaabatey
waxa ay socotey laba maalmood,
waxaana xabudu ku dhaceysay oo
labada dhinacba dhimanaayey
wiilal reer Sade ah!U fiirso
ayada oo ay xabadii socoto
markii uu la hadlayay Idaacadaha
waxii uu yiri Yaasiin Raadeer "waxaan
la dirireynaa argagixiso, berito
ayaana magaalada ka saareynaa",
cajiib! Waa nin walaalkiis
dilaya oo leh argagixiso ayaad
tahey!.
Wiilasha reer Sade ee wadaadada
ah ma wadan baabuur Tikniko ah
iyo qoryaha cul culus ee Barre
iyo raadeer ay heysteen, taasna
waxey keentey in ey awood u
waayaan iney magaalada qabsadaan,
waxaana markii danbe gurmad
ahaan u yimid qolooyinka kale ee
wadaadada ah. Maalintii
sadexaad ayaa waxaa yimid ciidan
fara badan oo gawaari Tikniko ah
wata oo Baraawe iyo Dhoobley ka
kala yimid. Maalintaas
maleeshiyadii labada dhinac ee
reer sade waa ay isku daaleen,
taas ayaana keentey in
miisaankii dagaalka uu is bedalo
oo Barre iyo kooxdiisii saacad
gudaheed magaalada looga saaro.
Maanta
magaalada waxey hoos tagtaa
xasan Turki oo dhawaan halkaas
maamul is qab qabsi ku jiro
meesha ka dhisey, waxaa uuna
sheegtey isagu inuu yahey
amiirka Jubbooyinka hogaankana
uu u dhiibey niman dhalin yaro
isku dhafan oo qabiilo kala
duwan ka soo jeeda,
sadexdii
iimaan-laawe-yayaal ee meesha
isku haystey ee waxaan oo dhib
iyo qasaaro ah keenay
wixii ay iyagoo nabad qaba,
sharaf qaba, magaaladooda iska
joogi kara u diideen wiilashii
wadaadada ahaa ee tolkood ayey
maanta Xasan Turki uga soo
carareen; waana kuwa hada
abaabulka ka wada Gobolka gedo.
Hadaba su’aasheyda waxey
tahay, nin ujeedadiisu tahey
canshuurta Dekeda iyo Airport-ka
aruurso, hogaamiye qabiilna ka
jecel jago kasta oo la siiyo,
hunguri iyo iimaan darina
haleeshay, ma idin hogaamin
karaa qarnigan kala guurka ah?
Maanta Barre wuxuu diyaar u
yahay sidii uu markii horeba
diyaarka ugu ahaa kun wiil oo
reer Sade ah xitaa hadii ay
qaadato naftooda inuu Kismaayo
iyo Dekedii ku noqdo oo wadaado
Soomaali huwan ah ka kooban oo
weliba reer Sade ku jiraan
idinkoo hal qabiil ah idinka hor
geeyo. Meeyay Xabashidii
uu saaxiibka la ahaa may
Kismaayo u qabtaan oo uu ka
maarmo wiilasha reer Gedo?
TALO:
Ugu
danbeyntii, waxaan reer Sade
kula talinayaa ineysan sida
Barre iimaanka iska qaadin oo Ay
yiraahdaan calafkeena ayaan
cuneynaa oo ay si toos ah ula
xisaabtamaan Barre iyo kuwa la
midka ah kuna dhahaan "wiil
danbe oo kaana ah dagaal qabiil
nooga diri meysid ee Barroow
orodoo Amxaaro soo kaxeyso.
Ma Cabdilaahi Yuusuf baad ka
liidataa? Dal dhan oo
dadkiisu diidan yihiin ayay
qasab madaxweyne ooga dhigtey,
hadana ku dhex ilaalineysaa ee
ma hal magaalo oo keliya ayay
adiga oo saaxiib la ah kuu qaban
weydey?.
Intaa kaddib, hadaan reer Sade
nahay, Kismaayo indhaha ayaan ka
fiirineynaa, hadii qabiil
sheekadu noqoto oo meesha hal
qabiil isa siiyo, saacad ka yar
ayaan kala wareegeynaa, hadii ay
arrintu tagto in ay Kismaayo
haystaan wadaado huwan ah oo
Soomaali oo dhan ka koobana,
anagaba wadaadada ugu badan
Soomaaliya ayaan leenahey ee
yaanan mar danbe tolbeelayeey
iyo qabiil nin ku daneysanaayo
nalagu dagin.
Caaqil Axmed
caaqiloow@yahoo.com
FG: Qoraalka sare waxuu
xambaarsan yahay aragti cabirka
iyo ra'yiga gaarka ah ee qoraha
uu magaciisa kor ku qoran yahay,
ciddii dooneysa in ay ka
jawaabtana waxay kala xiriiri
kartaa qoraha email-ka kor ku
qoran.
Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com
|
 |
|
|