WELCOME TO ALLGEDO ONLINE

Allgedo News, September 26, 2008

Xildhibaan Bare Hiiraale kelidii ma ahan ee waa lala wadaagaa! 
 

“Runtii markii aan arkay meesha ay kala marayaan Barre iyo Itoobbiya, Barre iyo Maleesiyada Marreexaan ee dhiiggooda u soo daadisay, Barre iyo Odayaasha ree Sade, Barre iyo Siyaasiyiinta la ayniga ah ee Marreexaan iyo weliba Barre iyo madaxda iyo Golaha Maamulka Gobolka Gedo, ayaa waxaa ii soo baxday in siyaasadda odaygu ay hoos u socoto, maskax ahaanna ay jiraan wax khaldan”. 

Qoraalkaas waxaan ka soo xigtay maqaalkii gaabanaa uu Abdirizaque M. Daa’uud ku soo daabacay Allgedo oo uu cinwaankiisu ahaa
"Barre Hiiraale iyo runta aan kala kulmay!."  Runtii wuxuu maqaalkaan taabanayaa arrimo waaqici ah ee ku saabsan xaaladda caafimaad ee uu ku suganyahay Xildhibaan Barre Aadan Shire Hiiraale.

Barre waa  hogaamiye kooxeed, Xildhibaan, Caaqil, amaba Gaashaanlle Sare ciidanka Xogga Dalka Soomaaliyeed ka gaaray, waana mudane dalka iyo dibedba laga yaqaano.
 

Bal aan wax yar dib u milicsano taariikhda Col. Barre Hiiraale anigoo jecel in aan soo kobo.

Sannadkii 2000, ayaa magaalada Kismaayo waxaa maamulkeeda la wareegay kooxo isbaheytay oo madaxdeedu ka mid ahaa taliye Barre Hiiraale oo hore ugu sugnaa gobolka Gedo. Col. Barre Shire markuu Kismaayo xarun ka dhigtay ayaa wuxuu  Isbahaysiga Dooxada Jubba door weyn ka ciyaaray sida difaaca maamulka. Col. Barre wuxuu ahaa hoggaamiyaha rasmi ah ee aan laga daba hadlin, taladuna ka go’i jirtay inta uu majaraha u hayey maamulka Isbahaysiga Dooxada Juba. Col. Barre wuxuu halkaas ka sameeyey maamul iyo kala danbeyn xeer iyo sharci lagu dhaqmo leh. Isla sanadkaa 2000, Xildhibaan  Barre wuxuu ka mid ahaa ragii Madaxweyne-nimada isu soo sharaxay, inkastoo uusan ku guuleysanin doorashadaas. Xildibaan Barre Hiiraale waxaa loo magacaabay wasiirka Dibudhiska DKMG.

Col. Barre A. Shire waxaa lagu xasuustaa qeybta weyn uu ka ciyaaray nabadeynta u dhaxeysay Col. Cabdullahi Yusuf iyo xubnahii ka soo horjeeday oo markaas Muqdishu ku amar-ku-taagleynaney. Raggas waxaa ka midka ahaayeen  Muuse Suudi, Maxamed Qanyare, Cumar Filish, Bootaan Ciise, Shiikh Yusuf  Indhacadde, iyo kuwa kale arrimo siyaasad xumo iyo damac adduunyo ku mideysnaayeen una diidanaa Col.  Cabdullahi Yusuf in uu magaalamadaxda Muqdisho yimaado. Mudadaan danbe, calaaqaadkii Barre iyo Cabdullahi uu wiiqmay iyadoo ay sabab u ahayd qaraxii Barre ku dhaawacmey ee uu ka danbeeyey  C/laahi Yusuf. 

Col. Barre waxuu dawladda Ku Meel Gaarka u qabtay xilal kala duwan sida Wasiirka dib-udhiska iyo  wasiirka Gaashaan-dhiga ee DKMG.  Waxaa kaloo Xildhibaan Barre lagu xasuustaa markii loo magacaabay wasiirka Gaashaandhigga Dawladda Federaalka erayadii qiimaha lahaa ee ahaa in uusan marnaba u oggolaaneynin Ciidamada Itobiya in ay dalka Soomaaliya soo galaan, balse uu si weyn u qorsheynayo in ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed dib u hawlgeliyo. Barre wuxuu matelaa qowmiyad Soomaaliyeed, gaarahaan wuxuuna weli xambaarsan yahay xil weyn ee beesha Sade leedahay.

Taa ka sokow, hadii aan dulucda maqaalka u sii dhaadhacno, Xildhibaan Barre Aden waxuu waqtigaan la joogo ku sugan yahay xaalad caafimaad oo lagu macneyn karo in ay tahay “stress”, taana waxaa Col. Barre  u keenay dagaallada aan kala go’ lahayn iyo hardanka siyaasadeed uu ku dhex jiray ilaa intii ay burburtay dawlad dhexaadkii Soomaaliya 1991.

Cudarkan "streess-ka ah" oo la xariira cilmi nefsiga ayaa hoggaamiye Barre Shire wuxuu kala mid yahay ragga kale ee ka dagaallamayo Soomaaliya ee badankooda uu taabatay was-waaska iyo niyad-jabka ee  shaqsiyaddooda caafimaad wax u dhintay (Paranoid Personality Disorder.)

Haddii aan si kooban u sharaxno, cudrkan waa xaalad qofka qabo lagu arko shaki, madax adeyg iyo aamin darro. Waxaa kaloo dadka cudurkan qabo lagu arkaa dad-la-socod-xumo oo wuxuu bukaanku cadowsadaa qof kasta, wuxuuna qof kasta u arkaa nacab isaga ku duullaan ah. Waxaa inta u sii dheer in uu bukaanku la soo deristo xaalad  hami-dhalanteed leh ee badanaaba bukaanku ku hamiyo xalladdo qar-iska-tuur ah ee geesinimo axmaqnimo leh.

Haddaba, haddii aan dib u milicsano dagaalada dalka iyo dadkaba aafeeyey ee aan kala go’a lahayn in  dadka badankooda noqdaan kuwa xaaladda caafimaadkooda aan ka warqabin.

Astaamaha xaaladda cafimaad darrada waxaa  ka mid ah in markii la weydiiyo qofka xanuunka la ildaran halka laga hayo, wuxuu durbadiiba la soo boodaa ashtako oo waxuu dadka ka tirsanayaa caddaalad darro, xaq-darro iyo eex oo isaga laga hiilliyey. Wuxuu bukaanku had iyo jeer ku doodayaa in uu soo dhacsanayo xaqiisa  oo marnaba hargaleynin ilaa uu guuleysto ama dhinto. Markaan derisno nuxrurka maqaalka Abdirizaque M. Daa’uud waxaan halkaa ka dheehaneynaa in walaalkeen Barre uu hayo xanuun welwel iyo niyad jab ka dhashay, mana aha mid isaga keliya ku kooban ee wuxuu hayaa madax badan ee Soomaaliyeed; mana aha mid u gaar ah qolo kaliya ama degmo keliya ee waa mid asiibay dad badan lamana ogaan karo tirada la ildaran cudurka ilaa la helo tira koob caafimaad.

 

Qadijo Calnaside
qadijocalanside@live.com



Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com



 

 



 

                            Allgedo  Online © 2006 - All Rights Reserved.                        
 Contact us at:
allgedo@allgedo.com