![]() ![]() ![]() ![]() ![]() |
|||
|
|
|||
Xildhibaan
Bare Hiiraale kelidii ma ahan ee
waa lala wadaagaa!
Barre waa hogaamiye kooxeed, Xildhibaan,
Caaqil, amaba Gaashaanlle Sare ciidanka
Xogga Dalka Soomaaliyeed ka gaaray,
waana mudane dalka iyo dibedba laga
yaqaano. Bal aan wax yar dib u milicsano taariikhda Col. Barre Hiiraale anigoo jecel in aan soo kobo. Sannadkii 2000, ayaa magaalada Kismaayo waxaa maamulkeeda la wareegay kooxo isbaheytay oo madaxdeedu ka mid ahaa taliye Barre Hiiraale oo hore ugu sugnaa gobolka Gedo. Col. Barre Shire markuu Kismaayo xarun ka dhigtay ayaa wuxuu Isbahaysiga Dooxada Jubba door weyn ka ciyaaray sida difaaca maamulka. Col. Barre wuxuu ahaa hoggaamiyaha rasmi ah ee aan laga daba hadlin, taladuna ka go’i jirtay inta uu majaraha u hayey maamulka Isbahaysiga Dooxada Juba. Col. Barre wuxuu halkaas ka sameeyey maamul iyo kala danbeyn xeer iyo sharci lagu dhaqmo leh. Isla sanadkaa 2000, Xildhibaan Barre wuxuu ka mid ahaa ragii Madaxweyne-nimada isu soo sharaxay, inkastoo uusan ku guuleysanin doorashadaas. Xildibaan Barre Hiiraale waxaa loo magacaabay wasiirka Dibudhiska DKMG. Col. Barre A. Shire waxaa lagu xasuustaa qeybta weyn uu ka ciyaaray nabadeynta u dhaxeysay Col. Cabdullahi Yusuf iyo xubnahii ka soo horjeeday oo markaas Muqdishu ku amar-ku-taagleynaney. Raggas waxaa ka midka ahaayeen Muuse Suudi, Maxamed Qanyare, Cumar Filish, Bootaan Ciise, Shiikh Yusuf Indhacadde, iyo kuwa kale arrimo siyaasad xumo iyo damac adduunyo ku mideysnaayeen una diidanaa Col. Cabdullahi Yusuf in uu magaalamadaxda Muqdisho yimaado. Mudadaan danbe, calaaqaadkii Barre iyo Cabdullahi uu wiiqmay iyadoo ay sabab u ahayd qaraxii Barre ku dhaawacmey ee uu ka danbeeyey C/laahi Yusuf. Col. Barre waxuu dawladda Ku Meel Gaarka u qabtay xilal kala duwan sida Wasiirka dib-udhiska iyo wasiirka Gaashaan-dhiga ee DKMG. Waxaa kaloo Xildhibaan Barre lagu xasuustaa markii loo magacaabay wasiirka Gaashaandhigga Dawladda Federaalka erayadii qiimaha lahaa ee ahaa in uusan marnaba u oggolaaneynin Ciidamada Itobiya in ay dalka Soomaaliya soo galaan, balse uu si weyn u qorsheynayo in ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed dib u hawlgeliyo. Barre wuxuu matelaa qowmiyad Soomaaliyeed, gaarahaan wuxuuna weli xambaarsan yahay xil weyn ee beesha Sade leedahay. Taa ka sokow, hadii aan dulucda maqaalka u sii dhaadhacno, Xildhibaan Barre Aden waxuu waqtigaan la joogo ku sugan yahay xaalad caafimaad oo lagu macneyn karo in ay tahay “stress”, taana waxaa Col. Barre u keenay dagaallada aan kala go’ lahayn iyo hardanka siyaasadeed uu ku dhex jiray ilaa intii ay burburtay dawlad dhexaadkii Soomaaliya 1991.
Cudarkan "streess-ka ah" oo la xariira
cilmi nefsiga ayaa hoggaamiye Barre
Shire wuxuu kala mid yahay ragga kale ee
ka dagaallamayo Soomaaliya ee badankooda
uu taabatay was-waaska iyo niyad-jabka
ee shaqsiyaddooda caafimaad wax u
dhintay (Paranoid Personality
Disorder.) Haddaba, haddii aan dib u milicsano dagaalada dalka iyo dadkaba aafeeyey ee aan kala go’a lahayn in dadka badankooda noqdaan kuwa xaaladda caafimaadkooda aan ka warqabin.
Astaamaha xaaladda cafimaad darrada
waxaa ka mid ah in markii la weydiiyo
qofka xanuunka la ildaran halka laga
hayo, wuxuu durbadiiba la soo boodaa
ashtako oo waxuu dadka ka tirsanayaa
caddaalad darro, xaq-darro iyo eex oo
isaga laga hiilliyey. Wuxuu bukaanku had
iyo jeer ku doodayaa in uu soo
dhacsanayo xaqiisa oo marnaba
hargaleynin
ilaa uu guuleysto ama dhinto.
Markaan derisno nuxrurka maqaalka
Abdirizaque M. Daa’uud waxaan halkaa ka
dheehaneynaa in walaalkeen Barre uu hayo
xanuun welwel iyo niyad jab ka dhashay,
mana aha mid isaga keliya ku kooban ee
wuxuu hayaa madax badan ee Soomaaliyeed;
mana aha mid u gaar ah qolo kaliya ama
degmo keliya ee waa mid asiibay dad
badan lamana ogaan karo tirada la
ildaran cudurka ilaa la helo tira koob
caafimaad.
Qadijo Calnaside
|
|||
|
Allgedo Online © 2006 - All Rights Reserved.
|