WELCOME TO ALLGEDO ONLINE

Allgedo News, January 22, 2009

Qaniinyaa qaniiyo kaa fujisa!


Plaintiffs Bashe Abdi yosuf; Officer John Doe1;Jane Doe1;John Doe2;
John Doe3; John Doe4; aziz Deria allege that the military government
brutally oppressed the generally prosperous and well-educated Issaq clan, which the government Viewed as a threat and imposed measures to harm the clan politically and economically.


(eeg dacwadooda booga 4)

Waxey ka dacwoonayaan in Dowladdi Militerga u geeysatey cadaadis fool xun qabiilka Issaq kaso ahaa guud ahaan mid barwaqeysan lehna tacliin heer sare ah.Dowladda Militerigana u arkeysey mid khatar ku ah jiritankeeda sida darted waxeey ku soo rogtey cadaadis xagga siyasadda iyo dhaqaalaha qabilka Issaq.

Gen. Mohamed Ali Samatar/AOL

Nimanka ku dacwoonaya in Gen. Mohamed Ali Samatar massul ka ahaadhibta gaartey Qabilka eey sheganayaan waa been iyo xad gudub bareera oo looga dan leeyahay in Qabiilka ugu yar Somaaliya waa Tummalada dusha laga saaro eedaha Issaq u tirsanayaan Qabiil ahaan iyo Dowlad ahaan kana tirsanayaa Somaalida iyo Somaalinimadaba.

Taana waxaa tusaale noga filan waxa lagu hayo manta Tummaalada ku nool Waqoyi galbeed Somaalia.

Maamulka Hargeysa wuxu xabsiyada u taxabey dhamaan Tummalidii hosoyinka ku la'haa Magaloyinka Hargeysa, Burco, Borame iyo Berbera iyado loogu marmarsonayo mindiyaha aad sanceysaan ayaa dunuub lagu gala, laguna jideysanayo in loo diido in eey ku nooladaan mihnadooda, dabadeedna Dalka isga cararaan oo xeryaha qaxootiga galaan.

Masuulki ugu daraja weyna ee ka dhasha Tummalada waaa Gen. Mohamed Ali Samantar Isna waxaa lagu soo oogey dacwaado laga tirsanayo Taliski Nabad Sugidda Hargeysa iyo Taliskii Ciidamada Hargeysa ee Dowladdi Kacaanka, oo raggi madaxda sare ka ahaa talisyadaas eey maanta xilalka ugu sareya ka hayaan Dawlad ku sheega Somaaliland.

Waxaan Ummadda Somaaliyeed u shegayaa marka ugu horeysa Gen. Mohamed Ali Samantar dhaqan iyo athaab toona uma laha in uu Aadanaha ku xad gudbo ama qadfo.  Waa masuul aad u qadariya xushmadeyana Aadanaha.  Waa nin aad u misaman oon dhac-dhac iyo af xumo weligi laga maqal. Inta hadda nimankani dacweynayeen xata uma usan jawaabin af xumadooda. Wuxuuna diidey oo hor istaagey rag Xabsiyadi Somaaliya ka soo baxay oo rabey in eey dacwad ku soo oogan Taliyihi Xabsiyada Somaaliya Gen. Ismacil Ahmed Ismacil oo hadda ku nool North Carolina USA.

Gen. Mohamed Ali Samantar waa nin eey Somaalida ku taqaan asluub, xishood, naxariis, Deeq iyo hufnaan. Waa odey Somaaliyeed oo ka mudan Somaalida xurmo iyo qadarin, waa ninki dhisey, hogaaminayeyna Ciidamadi Somaaliyeed ee Dalkii isku magacaabi jirey Libaxa Afrika u bedeley ama ka dhigey Bissadi Afrika.Wuxu mudnaa tarikhdi Halyey Axmed Jurey oo kale.

Aawey halyeyadi yiqiin Gen. Mohamed Ali Samatar dadnimadiisa aqoontisa iyo wuxuu u ahaa qaran Somaaliyeed, ma ciidey ka hosmareen, ma cid baan u warramin,ma cindiga iyo caloosha laga jareey mise cibaara kala jirta.

Waxaan rabaa in aan halkan ka cadeeyo in Gen. Mohamed Ali Samantar usan waxba u dhimin una dhimi Karin qabiilka eey nimankan sheganayaan wayo waxeey Dowladdi Kacaanka ku lahayeen masuliyiin ka wakiila dafaca danaha qabilkooda kuasoo eey ka mid ahayeen 3 Madxweyne Ku Xiggen iyo dhoor wasiro iyo Janano sida:

 1)-  Gen. Mohamed Ceynaanshe - Madweyne ku Xiggen

 2)-  Gen. Ismacil Ali Obokor - Madaxweyne ku Xiggen

 3)-  Col.  Ahmed Mohamuud Farah - Madaxweyne ku Xiggen.

 4)-  Gen. Ismail Ahmed Ismacil.

 5)-  Col. Ahmed Hassan Musse.

 6)-  Ahmed Mohamed Silaanyo.

 7)-  Mohamed Xawaadle Madar - Wsiirka Kowaad.

Magacyadan aan xussey iyo kuwa kaloo badan ayaa ka mid ahaa masuuliyinti sarsare ee Dawladdi Kacaanka eey ku lahayeen reerka Issaq.

Marka haddi la isku dacweynayo gefafki dowladdi Kacaanka ka gashey Somaali, Masuuliyintani ma xaley dhaley bey ka noqonayaan waa iga suaal Somaaliyeey?

Gefafka iyo tacaddiga manta loo geysanayo dadka aan waxaba galabsan ee lala dagalamayo mihnadooda iyo farsamadooda yeey u hayaan farsamada oo ka faa'ideysta? Dhibtooda cidna kama damqeso miyaa?  Ma garan la'yihiin dadka eey farsamada u hayaan in eey dhibta iyo tacaddiga oga hiiliyaan mise jiir baan u damqeyn?

Somaali weyn dhamaan waxaan ka codsaneynaa in nala ka tageero
hagardaamoyinka farsameysan ee la doonayo in nala ku dulmiyo.  Waxaan Somaali Weyn u shegeynaa in uu naga dhamaadey dulqaadkii aan dulmiga u laheeyn.

Marka hadaan Somaali weyn si fir-ficoon oo gesinimo leh noo garab istaagin si aan isaga daafacno dulmigan qaawan, waxaan u qadaneynaa in laga raali yahay dulmiga.



Ali Ahmed
aamajenga@gmail.com

 


Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com




 

 



 

                            Allgedo  Online © 2006 - All Rights Reserved.                        
 Contact us at:
allgedo@allgedo.com