Ka jawaab celin qoraalkii Xildhibaan Mawliid Macaani
Waxaan rabaa
in aan ka
jawaab
celiyo
qoraal lagu
soo qoray
shabakada
puntlandpost
iyo
somaaliweyn
oo ahaa
qoraal ka
soo baxay
xildhibaan
mawliid
macaani
maxamuud oo
ah
xildhibaan
ka soo
jeeda beesha
jareer weyne,
qoraalkaas
oo uga
hadlaayey
arrimo badan
oo ku
saabsan
soomaaliya
hadii ay
tahay
paarlamaanka,
dagaaladda,
dib u
heshiisiinta,
shirarkii
loo qabtay
soomaaliya
oo ahaa 16
shir.
Waxaan raaba
in aan marka
hore isbaro
mawliid
macaani,
annigu
waxaan ka
mid ahaa
aqoonyahanadii
wasaaradii
qorsheynta
qaranka ee
soomaaliya
maamulkii
ugu dambeeya
soomaaliya
1991,
wasaaradaas
oo uu
mawliid
macaani ka
agdhawaa
uuna ka mid
ahaa ragii
wasiirkii
qorsheynta
qaranka
marxuun
xuseen
kulmiye
afrax la
socon jiray
amase
iskoordo (scort)
u ahaa:
Mawliid
wuxuu ka
hadlay wax
yaabo fara
badan oo
dhamaantood
uu u arko in
ay ahaayeen a
kuwo aan loo
agaasimin
sidii saxa
ahaa hadii
ay tahay
shirarkii,
dib u
heshiisiintii
iyo 4.5
sidii loo
maamulay,
taasuu uu ku
tilmaamay
wax aan sax
ahayn, waxaa
kale oo uu
yiri 4.5 wax
sax ah
maysan ahayn,
waxaa kale
oo uu
sheegay in
ay jiraan 6
beelood oo
ah Hawiye,
Darood, Dir,
Digil iyo
Murufle,
jareer weyne
iyo reer
banaadir waa
sida uu
hadalka u
dhigay,
mawliid
macaani
waxaa kale
oo uu si
toos ah u
carabaabay
in ay jiraan
dad aan
mudnayn
wasiirnimo
in la siiyo
oo lagu
siiyay
timahooda oo
jilicsan iyo
sankooda oo
dhuuban.
Waxaa kale
oo mawliid
macaani ku
eedeeyay
madaxweynihii
hore ee
soomaaliya
cabdullahi
yusuf axmed
in uu
sameeyay 4.5
isagoo u
daneenayay
carab
maxamuud
saalax si ay
baarlamaanka
xildhibaano
uga hesho.
haddaba
waxaan u
sheegaya
mawliid
macaani in
beesha
meherigu ay
tahay beel
ka mid ah
beelaha
soomaaliyeed
ee tariikhda
dheer ku leh
soomaaliweyn
dhexdeeda
kana soo
qadatay
dawr weyn
xornimada
iyo
siyaasadaha
soomaaliya
waqtiyadii
la soo
dhaafay ayna
tahay beesha
kaliya ee
wax colaad
ah ka
dhexeen
beelaha
soomaaliya
kuna caan
baxday
ilbaxnimo,
deris wanaag
iyo wada
noolaansho.
Waxaa nasiib daro ah mawliid macaani oo ka cabanaaya cadaalad daro lagu sameeyay beesha jiir weyne hadana uu lee yahay maxaa carab maxamuud saalax loo siiyay xildhibaano mase uu ku eedeeyay madaxweynihii hore cabdullaahi yusuf ayaa sameeyay 4.5 isagoo u daneeynayay beesha meheri,runtii waa nasiib daro qof cadaalad daro ka cabanaaya hadana ruux kale uranaaya ha lagu sameeyo. waxaan filayaa in ay tahay wax damiirka bini aadamka ka baxsan. Waxaa lee yahay mawliid macaani oo leh annagu waxaan lee nahay 9 gobol taasu in ay tahay waxa soomaalidu 20 sano ay ku dagaalamayso, teeda kale waxaan u sheegaya in meherigu uusan jareer weyne wax dulmi ah ku sameeyneyn, dhul iyo deegaana aysan ka dooneyn, waxaana fiicnaan lahayd in mawliid macaani uu hadaladiisa dib ugu noqdo.
4.5 ma uusan sameyn cabdullahi yusuf axmed, madaxweynihii hore ee soomaaliya, waxaa lagu sameeyay shirkii ugu dambeeyay ee soodare itoobia waxaana lagu dhaqan galiyay shirkii lagu soo doortay madaxweyne cabdul qaasim salaad, cabdullahi yusuf axmed waxuu si toos ah iyo si dadbanba u tageeray jareer weyne, siyaabo badan oo aanan halkaan hada ku xuseyn ayuu ku taageeray waana arrimo siyaasadeed oo markaas socday, siyaasaduna maalinba meel ayay joogtaa.
Waxaan oran lahaa mawliid macaani, ma waxaad leedahay meheri soomaali ma ahan, maxaad ugu diidan tahay in ay baarlamaanka ka mid noqdaan mise waxaa lee dahay meheri waa qabiil kale oo waxay kuraas ku lee yihiin qabiilkaas, waxaan rabaa in aan u sheego mawliid macaani in uu ka haro wax ka sheega meheri, hadii uu wax ka maqan yihiin cida ay uga maqan tahay uu diiirada saaro, jareer weyne cidii wax u dhintay waa la yaqaan, meheri jareer weyne wax colaad ah uma qabaan waana eebe mahadiisii in aysan meheri colaad u qabin soomaali weyn mana ahan dad dhaqan u leh in ay dulmiyaan dad soomaali ah, waxaana keenaysa ilbaxnimada iyo aqoonta dheer taasoo ay ka dhaxleen degaanadii iyo dhulkii ardi almahra -Yemen.
Dahir Xaashi
Warsame –
mbc/Uk
dwarsame@hotmail.com




