WELCOME TO ALLGEDO ONLINE

Allgedo News, October 4, 2008

Yaa mas'uul ka ah haduu Gobolka Gedo Dagaal Ka dhaco!!!???


Yaa mas'uul ka ah haduu gobolka Gedo dagaal ka dhaco?  Waa su'aal marar badan sida la isu weydiinayay hada u muuqata in laga daalay maadaama ay sida ay wax u socdaan is ka cadaatay, nin walba wuxuu la aamusay, waxbaa ka jira, aniguse waxaan hada wixii ka danbeeya la aamusi doonaa waa sidan?

Markaan arkay sida siraha qarsoon ku jiraan ee loo maareeynayo abaabulka Dagaal ka dhaca degmooyinka iyo Tuuloyinka Gobolka Gedo, eegayna sida ay u hadlayaan madax ku sheegii Gobolka waa laga doortay la yiri, waxaan is iri maanta waa meeshii abwaanadu ka yiraahdeen "
isha xiro, afkana dhowr, arag maqal ,warkana ood!", haddana waxaan xasuustay hal abuurkii ahaa "waxa qalinka igu direy, dadku way tirsanayee, deyna waygu maqan tahay."

Si kastaba ha ahaatee, sida muuqata dani waa na kala geyn waysay inaan dubaha u qaato dabinadda dowliska dheer, durbaanka danlayda iyo dacarta malabka lagu darey ee lala kala ordayo, saa rag baa jira dagaal la'aan aan noolaan karine!!??

Xanta laga helayo Dolow, Ceelwaaq iyo Garbahareey waxay leedahay meesha maamul kamaba jiraba oo waxaa bood boodaya rag uu soo dhistay Adeer Barre oo uu uga taqa lusay Nidaamkii dhalinta yaraa ee uu hogaaminayay Al-Ustaad: Adan Ibraahim Xirsi "Ciro" isagoo adeegsanaya 4.5 afarata iyo barka. 

Si kastaba hadaan aamusnay macnaheedu wuxuu ahaa nidaamka haduu "Ciro" aqoonsadey, adinkuna aqoonsada oo nidaam la'aan yaysan idin dhaxalsiin balaayadii aad horey usoo aragteen laga bilaabo 1996-ilaa-mar dhoweyd waa la is cunayay? markaas waxaa la isku cunayay waxaan macno lahayn!

Bal fiiri hadda waxaa socda balaayooyinkii dhici jiray mid ka daran. Dagaal baan qaadaynaa markuu leeyahay Gudoomiye ku Xigeenka Gobolka ee Arimaha Siyaasada iyo Amaanka muxuu ka wadaa??  Ma xal kaluu waayay?  Xageesu jiray markii la qabsanahay Baardheere, Ceelwaaq, Buurdhubo, iyo degaanada kale ee deriska nala ah sida
Qansaxdheere, Ufuroow,  Diinsoor, Libooye iyo Saakow?

Go'aanku waa noocma, Gudoomiye 4.5 aaway? muu hadlo? maxaa ku dhacay?  Mase waa run sidaanu ka aqrinasanayno, intii ay jireense maxay qabteen?  Haatan lamaba weydiinayee maal iyo lacage?  Waxaa la weydiinayaa xageed jirteen intii la idinkaga soo durkayay? oo laga soo gaarayay dafaha Garbaharey iyo Ceelwaaq? Yaa idinla xisaabtamay? Mise Raashinka Hay'adaha Gargaarka ayaad saf ugu jirteen?.

Nimanbaa baa diiday in dadkooda lagu dhex diriroo ka dhaadhiciyay Quwadii Itoobiyaanka ahayd ee jirtay ee inay DFKS u janjeersato usoo gashay ka janjeeriyay oo marsiiyay Itoobiya in Maamul Islaami ah laga kala dhiso Shabeelada Dhexe iyo Hiiraan??!!  si ay u ilaaliyaan Maslaxada shacabkooda??!

Nimanbaa Diyaaradaha Ku xiran Xiima Samadaase. Niman baa Badow kacay oo baada gaaladaase. Nimanbaa Baydahbo Degay oo iska bunaysta. Nimanbaa Xabaalaha Qoda oo Xaragadii Quursadaye. Nimanbaa Hay'do Qunsada oo Xoolo Keena'e. Nimanbaa Xuurul Ceyn iyo Janadii Fardowso Xeeraystaye. Walee waligay afarey ma tirin tanoo kale waxay u baahan tahay Inj. Cibaar iyo Abwaan Caalimiin inay afareydoodii ay la daba istaagaan meesha??!!!!

Waan aamusay, lawada aamus, wariyayaashii sharafta lahaa ee barnaamijkii ugu danbeeyay soo daadihiyay iyo Ragii Jeebkooda lacagtaas ka bixiyay waad ku mahadsan tihiin, maxaa yeelay hadafkii ugu danbeeyay waa gaarteen ee lagu kala xaqiijisanayay waxa meesha ka socda iyo cida ka danbeysa.


Walil Kalaami Baqiyah................................


Hanqaastii Ina Geesh

 



Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com




 

 


 


 

                            Allgedo  Online © 2006 - All Rights Reserved.                        
 Contact us at:
allgedo@allgedo.com