WELCOME TO ALLGEDO ONLINE

Allgedo News, September 18, 2008

Barre waa duq Soomaaliyeed oo haddana masuul ah, dadkuna way hadal hayne, maxay dadka qaar la dhawaaqayaan?
 

Waxaa yaabkeeda iska leh in mas’uul isagu Idaacad furan oo caalami ah ka sheegtay in uu yahay ‘Hoggaamiye Qabiil’ oo xitaa aanan qeexin in uu yahay Ugaas (hoggaamiye dhaqan), mid garasho (caaqil), mid dirireed (geesi), mid diimeed (Sheekh), mid cod-karnimo (gabyaa, garyaqaan), mid shaqooyin kale (kuhaan, qaaqle, fooxle iwm) oo weliba inta uu dhawr goor halaagay wiilal da’ yar ah oo ay reerahoodii ku aammineen (Min Tixsiile 1992 – maanta) oo weliba aan xiriir fiican la lahayn hoggaamiyeyaasha kale ee siyaasadeed ee beesha iyo kuwa dhaqanba oo ay intaa ugu dulqaadanayaan dadkii guryaha ba’ay uu dejiyey in ay shakhsiyaad ay qaraabo dhaw yihiin isku deyayaan in ay dadka handadaad ku sameeyaan oo u askareeyaan. 

Shabakadda Allgedo ayaa maalmahaan waxay TARGET cad u ahayd shaqsiyaad gaar ah oo si bareer ah isugu dayay in ay ku dilaan sumcadooda, ayada oo ay ujeedadooda ugu weyn tahay in ay shaqsi qura ku difaacaan, maslaxadda caamka ah iyo xoriyatul qolkana ay ku caburiyaan.

Waxaan haddaba doonayaa in aan iftiinsho dhawr qodob:

A-
 Barre waa masuul muddo dheer soo hayay xilal kala duwan, cidda uu mas’uulka ka ahaa ayaana hadda dooneysa in ay la xisaabtanto ee maxay tahay waxa dadka qaarkood ay u diidan yihiin in Barre haddii uu qaldan yahay loo sheego qaladkiisa?  Waxaad rabtaan soo ma’ahan markii Kismaayo dib loogu celiyo oo naf iyo maal badanba loo quuro in haddana hees iyo amaan loogu daro si uu waligiis uga arimiyo halkaas, wixii dakhli ah ee kasoo baxana uu jeebka ugu rito oo uusan umadda Soomaaliyeed ee dhibaateysan uga faa’ideynin haba yaraatee?

Dhanka kale, waa maxay waa wareyda iyo ciibaha aanay laheyn Allgedo ee lala daba taagan yahay?  Hadaad run sheegeysaan maad hal qoraal oo kaliya oo lagu caynayo Barre ama shaqsi kale toona oo ay dhejisay Allgedo aad soo bandhigtaan!

B-
  Akhristayaasha Allgedo, Gedoweb, iyo Allwariye ma mudna in loo akhriyo saxaafad micnaheeda, iyo wixii xad-gudub ah iyo wixii kale. Waa dad aad wax u yaqaan oo weliba aan xilligii Guulwadeyaasha Crash Program wax ku baraneynay Galbeedka dunida ee saxaafadda hooyada u ah ka qalin qaaday.
 

C-  Dadka Reer Gedo iyo saxaafaddooda midna ma handadi doonaan Qoraallada la og yahay cidda soo dirtay oo loo ekeysiiyay in ay gabar soo qortay.  Shaqsigu waxaa fiican in uu aqoontiisa iyo caqligiisa ku meel maro, ee haddii ay arrintu istaago “tolbeelayey, waxaan rabaa cid wax iigu qorta magaceyga si aan shebekado iyo dad aqoon yahan ah ula dagaalamo” macno yeelan meyso.

Waxaa micno leh caqli waafi ahna ah in lagu daydo lana raaco ra'yiga fiican ee shalay lagu soo bandhigay Allgedo oo ahaa dood ay soo qaban-qaabiyeen dad aqoon yahano ah, isla markaana ay ka qeyab qaadanayeen kuwo kale oo isugu jiray aqoon yahano iyo siyaasiyiin ku kala sugnaa dalka gudahiisa iyo dibadiisa. 

Barnaamijkaas oo loogu magac daray  Barnaamijkii Daltabyo ayaa macno weyn sameynayay, cidii doontana ay kasoo qeyb gali kartaa aniga ra'yigeyga oo u baahan in laga doodo ee waxa kale ee la wado oo ah BOROBOGAANDADA raqiiska ah iyo sumcad dilka waxaan filayaa in aanay waqtigaan habooneyn. 

D- Ciddii ra’yi ka duwan mid ay aqrisay qabta -Sidii uu AwXirsi maqaalkiisii ugu dambeeyay ku sheegay- ha soo bandhigto,  ee yaanay wakhti isaga luminin in ay dadka cabburiso oo ku yabaqdo.

E-
 Allgedo waxaan ka codsanayaa in aanay u bixin huuhaada iyo hugunka kaga imaanaya shaqsiyaad yar oo dano gaar ah leh ee aan dan ka laheyn nabad iyo horumar guud ee ay bulshadu gaarto. Waa in aad ogaataan cidda runta ah ee cabashooyinka iyo jawaabaha idiin soo qoraya ee dagaalka idinku haya in aanay aheyn kuwa aad moodeysaan ee email-adooda lasoo adeegsanyo.  Waxaa jira shaqsiyaad kale oo siyaasiyiin iyo aqoon yahano ah oo fidnada oo dhan wada oo dadka aan aqoonta fiican laheyn gadaal kasoo riixaya. Marka waa in aad sidaas u ogaatan ee aanad ku qaldamin dadka weerarka iyo dacaayadaha raqiiska ah idinku hayo.

F-
  Akhristayaasha sharafta leh raalli ha ahaadeen, qoraalkii iyo doodihiina halkoodii ha ka sii socdeen. RUN IYO ILKABA WAA LA CADDEEYAA.

 

A. A. Guuleed (AAG)
aag1969@gmail.com

 

 



Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com



 

 



 

                            Allgedo  Online © 2006 - All Rights Reserved.                        
 Contact us at:
allgedo@allgedo.com