Allgedo News,
February 8, 2009
|
Guantanamo Bay waxan ku soo
arkay Nelson Mandellihii
Soomaaliya
Cori waa gabadh looyarad ah oo
qareen u ah la haystayaasha ku
jira xabsiga Guantanamo Bay ee
dalka Kuubba. Dhammaadkii bishii
ina dhaaftay ayay waxa ay
booqatay xabsigaas si ay ula
kulanto maxaabiista kor u
dhaaftay 500 ee muslimiinta ah
ee Maraykanku u haysto in ay
maleegayeen falal argagixiso oo
ka dhan ah Maraykanka.
Maxaabiistaas ay Cori la
kulantay waxa ka mid ah
Ismaaciil Caraale oo bishii
lixaad ee 2007 ciidamada
Maraykanku ka qafaasheen
madaarka Jabuuti. Haddaba waa
kuma Ismaaciil? Inta aynaan u
gelin taariikhdiisa marka hore
Cori ha inoo sheegto
shakhsiyadda ay ku soo aragtay
Guantanamo Bay.
Xabsiga Guantanamo Bay waa meel
aan niyadda u fiicnayn, wuxu ku
yaallaa wareegga dambe ee
jasiiradda Kuubba, waxay kugu
qaadanaysaa saacado badan in aad
badda la soo wareegto marka aad
ka duusho Florida, markaa kaddib
haddana waxad sii raacaysaa
laash ku geeya xabsiga, waxa ku
jira dad nooc kasta leh jinsiyad
kastana ka kooban laakiin waa
wada muslim. Cadaadis, ciqaab
iyo caga juglayn ayaa ka jira,
dadka xabsiga ku jiraa war kama
hayaan waxa ka dhacaya adduunka
kale, xataa in Obama madaxweyne
noqday waxay ka ogaadeen
askartii isu sheegaysay,
ehelkoodiina hadalkiisa daa.
Nolosha sidaas ah ayuu Ismaaciil
dhexda ugu jiraa. Maxaabiista
kale oo dhan waxay igala
hadlayeen naftooda, waxay ka
cabanayeen nolosha xabsiga,
waxay dhaliilayeen hab dhaqanka
askarta, laakiin waxa naftayda
xusuus ku reebay in markii aan
Ismaaciil weydiiyey xaalkiisa in
uu ii sheegay in uu fiican yahay
marka loo eego dhibta ay
dadkiisii qabaan ee dhinac walba
leh, iyo halista uu ku jiro
dalkiisii. Waan u qaadan waayey
ayay tidhi hadalkaas illaa uu si
faahfaahsan iigu sheegay nolosha
uu dadkiisa iyo dalkiisa la
jeclaa iyo sida maanta xaalkoodu
yahay. Waxa aan weydiiyey ayay
tidhi Ismaaciil nolosha uu
dalkiisa la jeclaan lahaa, wuxu
ii sheegay ayay tidhi in uu
doonayey in uu arko dadkiisa oo
ku nool nolol deggan, dalkiisa
oo midaysan, dadkiisa oo is
jecel madaxdoodana iyagu doorta
ee aan dibadda looga keenin.
Cori ayaa waxaa kale oo ay tiri
waa wax lala yaabo nin
silsiladaysan oo ka fekeraya dad
ku nool meel u jirta tobanaan
kun oo kiilomitir. Waxa ka
muuqday xasilooni, wuu ilka
caddaynayey Englishka uu ka
hadlayana waxad moodeysay in uu
muddo dheer Maraykan joogey,
waan ka xiise goyn waayey illaa
aan gelinkii dambena u soo
laabtay si aan in badan oo kale
u dhegeysto Ismaaciil, markan
dambe wuxu iiga sheekaynayey
xabsiga iyo geerida in midkoodna
aanu ahayn wax laga argagaxo,
iyada oo la xidhay ama la dilay
dad badan oo taariikhda adduunka
kaga jira baal dahab ah sida
Martin Luther King, Kwame
Nakruma, Nelson Mandella ikm
laakiin arrinta werwerka iyo
naxdinta leh waxa weeye ayuu
yidhi marka aad aragto dadkaaga
iyo dalkaaga oo halis u ah in la
waayo.
Cori waxa ay hadalkeeda ku soo
gebegebaysay runtii marka aan si
daacad ah u hadlo anigu ma soo
arag nin argagixiso ah ee waxan
Guantanamo Bay ku soo arkay
Nelson Mandellihii Soomaaliya.
Haddaba maaddaama aynu aragnay
faaladii Cori, su˘aasha
isweydiinta lihi waxay tahay waa
kuma Ismaaciil? Ismaaciil
Maxamuud Caraale wuxu bishii
August 1970kii ku dhashay
cusbitaalka Digfeer ee magaalada
Muqdisho, wuxu dugsiga hoose
kaga baxay dugsigii H/Dhexe ee
Hodan, dugsiga sarena wuxu ka
baxay dugsigii sare ee Kaasa
Bobolaare sanadkii 1989kii.
Ismaaciil waxa aannu is barannay
25 sano ka hor (1984kii) oo
aannu foom one ka wada bilownay
dugsigii sare ee Kaasabobolaare,
wixii waqtigaa ka dambeeyeyna
waxa aannu ahayn saaxiibbo aad
iyo aad isugu dhow, waqtiyo
adagna soo wada qaatay.
Markii dowladdii dhexe ee
Soomaaliya burburtay 1991kii
Ismaaciil waxa uu u soo qaxay
magaalada Burco. Intii muddadaa
ka dambaysayna Ismaaciil wuxu ka
mid ahaa hormuudkii ummadda,
wuxu ahaa dhalinyaradii wax ka
hirgelisay mid ka mid ah
jariiradihii ugu horreysay ee ka
soo baxa magaalada Hargeisa ee
Codka Hargeisa isaga oo mar
masuul ka noqday jariidadda,
waxa kale oo uu ka mid ahaa
dhalinyaradii ugu horreysay ee
aasaasta dugsiyada gaarka loo
leeyahay ee loo yaqaan private
schoolka ee luqadda lagu barto
waxaanu lahaa dugsigii ugu
horreeyey ee Hargeisa laga furo
ee loo yiqiin Puntland Institute
of Languages, sidoo kale wuxu si
weyn uga soo qayb qaatay
hawlihii nabadda iyo
wacyigelinta dhalinyarada.
Ismaaciil muddadaa aannu
saaxiibka ahayn waxa aan ku
bartay dagaal nacayb iyo nabad
jacayl. Waxan xusuustaa sanadkii
1995kii markii dagaalada sokeeye
socdeen waxa aannu isu raacnay
Ethioipa oo aannu muddo ku
noolayn illaa ay ka qaboobeen
dagaaladii. Ismaaciil waxa kale
oo aan ku iqiin indheer
garadnimo. Aniga oo suxufi ahaa
xiligaas oo saxaafadduna tahay
cidda ugu horreysa ee warka
hesha haddana Ismaaciil wuxu
ahaa qofkii ugu horreeyey ee aan
ka maqlo magaca Daahir Riyaale.
Dhammaadkii 1995kii ayuu ii
sheegay in Madaxweyne ku
xigeenka Soomaliland uu noqon
doono nin la yidhaahdo Daahir
Riyaale, waan iska illaaway
sheekadii illaa 23kii Februery
1997kii aan ku waabariistay
Riyaale oo Madaxweyne ku xigeen
u ah Cigaal.
Wixii ka dambeeyey sanadkii
1999kii Ismaaciil waxa uu
waxbarasho u aaday dalka
Pakistan oo muddo 7 sano ah uu
jaamacad kaga jirey isaga oo
deganaa magaalada Islamapad.
Wixii ka dambeeyey 2006
Ismaaciil Caraale waxa uu ka mid
ahaa hoggaamiyayaashii sare ee
Maxkamadaha Islaamiga ah isaga
oo ahaa masuulkii u xilsaarnaa
maamullo u samaynta gobolada,
meelihii uu maamulka u
sameeyeyna waxa ka mid ahaa
Gobolada Jubbooyinka, markii
maxkamadihii la kala eryeyna
Ismaaciil wuxu ka mid noqday
dadkii sida weyn uga hor yimi
ciidamada Ethiopia ee duullaanka
ku soo qaaday Soomaaliya.
Waxa kale oo xusid mudan in
Ismaaciil aannu wada hadlaynay
dhowr maalmood ka hor intii
aanay ciidamada Maraykanku ka
afduubin madaarka Jabuuti,
waqtigaas oo uu qorshaynayey in
uu macallin ka noqdo Jaamacadda
Burco, kuna soo kordhiyo
kulliyad cusub oo lagu barto
maamulka iyo maaraynta iyo
weliba qayb cilmi baadhis ah.
Maraykanku waxa ay ku eedeeyeen
in uu ka mid ahaa hoggaankii
sare ee Maxkamadaha Islaamida ah
(UIC), taas oo aan filayo in
qofkastaaba garan karo in aanay
dembi ahayn maaddaama
guddoomiyahoodii Shiikh
Shariifba maanta uu yahay
Madaxweynaha Soomaaliya,
Maraykankuna yihiin dowladdii
ugu horreysay ee u soo
hambalyaysay.
Culeyska ugu weyni hadda wuxu ka
imayaa carruurtiisii oo dhigata
dugsiga hoose dhexe ee Qasabka
ee magaalada Burco oo subax
kasta inta aanay dugsiga aadin
weydiiya hooyadood sababta
aabahood ugu iman waayey ama ula
soo hadli waayey.
Si kastaba ha ahaatee looyaradda
Cori waxa ay ina xusuusisay
haldoor inaga mid ah oo inooga
gacan haadinaya god dheer oo uu
gardarro ugu garba duuban yahay.
Aan ku soo gebegebayno beydadkii
murugada lahaa ee Cabdi Aadan
Qays markii uu ku xidhnaa
xabsiga Laanta Buur ee gobolka
Shabeelada Hoose ee uu lahaa:
Shimbiryahay lalaysaa: Adna
Laydha guud baad leexaysanaysaa
Ragna Laba diblaa geed: Xadhig
loogu loolshoo: Luguhuu ka
xidhan yahay
Waa qormo baroordiiq ah oo aan
murugada, cidlada iyo dulmiga uu
ku xidhan yahay kula wadaagayo
saaxiibkay: Ismaaciil Maxamuud
Caraale.
Waxa qoray Cismaan Abokor
cismaanabokor@yahoo.com
Allgedo News Media Network
allgedo@allgedo.com
|